Fortsätt till huvudinnehåll

Hargeysa: Madal Lagu Daahfuray Diiwaanka Miisaanka Nolosha iyo Weedhihii Masuuliyiinta. W/Q, Siciid M. Gahayr



Munaasibad ballaadhan oo lagu daahfuray diiwaanka Miisaanka Nolosha ayaa xalay lagu qabtay Hotel Emperial ee magaalada Hargeysa waxaana ka soo qayb galay abwaanno, qoraayo, siyaasiyiin, macallimiin, ardayda jaamacada iyo dadweyne kale.


Ugu horreyn waxa munaasibadda ka hadlay  Sacad Cismaan ka socday Dallada SONYO oo munaasibadda hirgelisay waxaanu tilmaamay inay dallad ahaan u taagan yihiin taageerada iyo caawinta barbaarta. Madaxa iibka ee shirkadda SagalJet oo isna xafladda ka hadlay ayaa tilmaamay inay diyaar u yihiin inay qoraayadda gacan weyn siiyaan, isaga oo xusay in ay karaankood door ka ciyaareen qabsoomidda daah-furkan.

Abwaan Maxamed Aw Cali Cartan (Hal-deeq) ayaa si mug leh uga warramay nuxurka uu buuggani xambaarsan yahay isaga oo taabanaya waayo badan oo nolosha ku gedaaman sida tahriibka, guurka, caddaaladda. Qoraagu waxa uu ka warramay marxaladihii kala geddisnaa ee uu qoraalka buuggu maray, waxaanu buugga u hibeeyay saddex qof oo uu sheegay inay kaalin mahuraan ka qaateen oo kala ahaa Maxamed Aadan Daahir Bootaan, Professor C/Raxmaan Jaamac Ducaale iyo C/Risaaq Xasan Jibriil.

Guddoomiyihii hore ee Jaamacadda Burco Professor C/Raxmaan Jaamac Ducaale, oo ah hormoodka kulliyadda beeraha ee Jaamacadda Hargeysa ayaa xusay sida ay muhiim u tahay in la garab joogsado dhallinyarada qoraallada muhiimka ah ku hawllan, waxaanu bogaadin weyn u jeediyay Abwaanka diiwaankan u dhabar-adagaygay.

C/Fataax Maxamed oo ka socday shirkadda daabacaadda Iftin oo soo saartay diiwaankan ayaa sheegay inay hore u daabaceen buugaag badan oo ay adeegoodda ka faaiideen dhammaan ummadda Afka Soomaaliga ku hadasha, waxaanu u mahad-naqay Abwaan Haldeeq oo doortay inay diiwaankiisa soo saaraan.

Abwaan Axmed Cismaan Batuun ayaa madasha ku sifeeyay qoraa Abwaan Maxamed Aw Cali Cartan (Hal-deeq) oo uu ku tilmaamay inuu danta guud ka hormariyo danihiisa gaarka ah, waxaanu xusay inuu mudan yahay in la maamuuso inta uu nool yahay oo ay billad geesi gacanta ka saari doonaan. Misana waxa uu goobta ka akhriyay qaar ka mid ah maansooyin uu allifay.

Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Mudane Axmed Nuur Faahiye ayaa si weyn u bogaadiyay qoraaga, waxaanu xusay inay muhiim tahay in dhallinyaradu isku deyaan inay wax ka qoraan mawduucyada muhiimka ah sida nabadgelyada IWM maadaama oo uu qoraalku yahay wax hadhaya inta dunidu uuman tahay.

Ugu dambayntii aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo kulan-dhiganeedka gunaanaday ayaa faahfaahiyay qiimaha qoraalka waxaanu yidhi “Marka uu qofku hal buug akhriyo waxa uu helayaa waayo-aragnimo u dhiganta laba sanno, taas macnaheedu waxa weeye haddii qofku toban buug akhriyo waxa uu helayaa waayo-aragnimo labaatan sanno ah, mana ah wax ciyaar ah. Muhiimadda qoraalka waxaynu ka garan karnaa maansadii Abwaan Cabdi-Sinimoo ee ahayd wixii la qoraa quruumo hadhee, muxuu hadal qiimo leeyahay?”.

Jamaal Cali Xuseen oo ka hadlaya buugga Miisaanka Nolosha ayaa waxa uu yidhi “Waan hambalyaynayaa Abwaan Cartan oo buuggan soo saaray isla markaana ah ah abwaan. Waxa aannu buuggan ka sheekaysannay 2011kii oo uu qoraalka waday. Waxa aan bulshada ku dhiirrigelinayaa inay akhirska ku dedaalaan si ay wax u qoraan. Waayo qofka wax akhriya ayaa qoraal wanaagsan samayn kara. Haddii qoraayada la dhiirrigeliyo waxa la soo saari lahaa buugaag badan, taasina waa ta keenaysa inay sannadkii soo baxaan buugaag kooban oo afka Soomaaliga ku qoran”.

Munaasibaddan oo uu xidhiidhiye ka ahaa C/Shakuur Xaaji Maxamuud Muuse (Heersare) ayaa ku dhammaatay jawi deggan, waxaanay ka qayb gelayaashu iibsadeen buugga Miisaanka Nolosha oo madasha lagu bandhigay.


Wixii faahfaahin ah ee ku saabsan diiwaankan waxa lagala xidhiidhi karaa 0634194095/0634333812

Siciid Maxamuud Gahayr
saedmgahair@hotmail.com

Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Waa kuma abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)? Qormo kooban oo ka hadlaysa suugaanta abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)

Abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey), waxa uu ku dhashay duleedka degmada Bullaxaar ee gobolka Saaxil. Isaga oo kuray ah ayuu u   wareegay magaalada Berbera, waxaanu ka shaqayn jiray makhaayadaha   cuntada. Isaga oo ka hawlgalay makhaayaddii Cumar Isteeri. Muddo kadib waxa uu u wareegay magaalada Hargeysa, xilligaasi oo uu sheegay abwaanku in ay   ku beegnayd   xilligii ay inqilaabka wadeen Xasan-Kayd iyo raggiisii. Abwaanku, intii uu Hargeysa joogay, waxa uu ka shaqayn jiray hudheelkii loo yiqiinay Yuuniyanka ( Union). Mar danbe ayuu abwaanku ganacsi ka bilaabi goobtii loo yiqiinay Xerodhafta. 

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.

Xog ku saabsan Afgenbegii 1961 Col, Xasan Faarax Bullaale: "Taariikh u baahan sixitaan iyo run ka sheegid"

Taariikhdu waa dhacdo ama arrimo dhacay xilliyo la soo dhaafay. Haddii aan wax laga qorin, lama ogaan karo taariikhdaasi sidii ay u dhacday. Mar haddii aan la kaydin arrimaha taariikheed ee dal iyo dad ba soo mara, waxa ay taariikhdaasi gashaa mugdi waxaanay yeelataa madmada w badan. Sida inbadani ka warqabto Somaliland waxa ka dhacay Afgenbi la isku deyey 1961kii, kaasoo lagu guuldarraysatay Dad badani xog kama hayaan, inkastoo ay noolyihiin xubno ka mid ahaa saraakiishii Afgenbigaa isku deyey. Kalhore waxa la waraystay Amb, Cawil Cali Ducaale oo ka mid ahaa saraakiishaas, xilligaasna ahaa xiddigle. Waxa uu Cawil qoray buug uu kaga hadlay wax farabadan oo uu u soo joogay, waxaana ka mid ahaa Afgenbigaas. Waana buugga la magacbaxay "Raad-Raaca Taariikh Soomaaliyeed"