Fortsätt till huvudinnehåll

Halgan-suugaaneed nool iyo heesihii xaadda dhaqaajin jiray Saxardiid Maxamuud Cilmi (Jebiye)

Bulsho kastaa waxa ay ku faantaa, sooyaalkeeda suugaaneed, taariikheed, halgameed. Markasta waxa jirey ama jira hal-door ku xardhan, arrimaha ummadi leedahay. Hal-doorkaasi, waxa ay ka helaan abaalgud, bulshada ay ka dhasheen. Ha noqoto, mid maal ama mid sharafeed. Dadka soomaalidu waxa ay isla qirsanyihiin in haldoorkoodu aanuu ka helin abaalkii ay ku lahaayeen. Taasoo lagu xidhiidhin karo kala qaybsanaanta bulsheed ee ragaadisay wax kasta oo dhanka togan loo qaadi lahaa. 






Maanta waxa aan jecelahay bal itaalkayga in aan qalinka ku tilmaamo, haddii aanan wax kale qaban karin halyey ka mid ah suugaanyahannadii ku tilmaannaa xorriyaddii lixdankii, ee ku suntanaa heesihii halgankii gobonimo doonka iyo guubaabadii ka danbeysay. Waana xilligii kala-guurka ee loo baahnaa in tallaabo horumarineed la qaado, lagana gudbo wixii ummadda soo baabi'iyey. Haldoorkii suugaanyahanka ahaa ee lixdamaadkii soomaalida u kacay, waxa ay lahaayeen han fog, oo ay kasoo tuujiyeen rabitaankii bulshada. Waxay tilmaan u ahaayeen, horumarkii la jeclaa in loo guuro, oo laga guuro qabyaaladdii iyo kala qayb-sanaantii uu gabyaagii hore diiradda saari jiray. Hal-abuurkii kontomaadkii ilaa lixdamaadkii, waxa ay horseed u ahaayeen in bulshada lagu guubaabiyo, Qaranimo oo magac ahaan, qariib ku ahayd dadka soomaaliyeed. Waxa ay ugu sawireen hadba wixii ay fahmi karayeen, sida hal ay ugu yeedheen MAANDEEQ.

Saxardiid Maxamud Cilmi (Jebiye) waxa uu ku dhashay magaalada Hargeysa, xaafadda Jameeca-weyn, xilli ku beegan soddomaadkii. Waxa uu yaraantiisii, caan ku ahaa kubbadda cagta, oo uu u ciyaari jirey koox la odhan jiray (kooxda Hargeysa). Sida uu Saxardiid sheegay, mar uu waraysi siiyey "kaydka suugaanta somaliland", heestiisii ugu horraysay ee laxan la saaray waxa la odhan jiray "Ka sara kaca" waxaana ku luuqayn jirtay Faadumo Cabdilaahi (Maandeeq). Sababtii ay ku dhalatay heestaasina waxa ay ahayd markii Ingiriisku bixiyey deegaankii loo yaqaanay "Reserve Area iyo Hawd" ee uu ku wareejiyey xukuumaddii Xayle Salaase 1954kii. Cadhadii ka dhalatay ayuu heestaa ka sameeyey Saxardiid. Rawaayaddii, ugu horraysay ee uu sameeyey, waxa ay ahayd GARDIID WAA ALLA DIID oo ku beegnayd 1959, kuna saabsanayd xorriyaddii oo soo dhawaatay. Heesaheeda waxa ka mid ahaa "Aan Maallo Hasheena Maandeeq."

Saxardiid Maxamuud Cilmi (Jebiye) waxa uu ka mid ahaa abwaanadii xilligaa suugaantooda ku dagaalamay, kuna tusay dadka in midaysnaan loo baahan yahay. Heesaha qiirada xanbaarsan, ee qofka soomaaliyeed ay xaaddu istaagi jirtay waxa ka mid ahaa: Kadabaa Kadabaa dhaha!. Heestan oo uu qaadi jirey IHN-tee heesaagii caanka ahaa Maxamed Yuusuf Cabdi, waxa ay ka mid ahayd heesaha aad ka loo dhegaysto maalmaha ku beegan xorriyaddii lixdankii. 

" Waakii aynu rabnee, kifaaxiisa galnee, soomaalaay kulligaa, kulmiyaa la sudhee, kadabaa dhaha'ee. Korodhsiimo helloo, kaalinteenii galnee, soomaalaay kulligaa kulmiyaa la sudhee, kadabaa dhaha,ee. Gaajadii kuliliyo, kuududkii ka kacnee, soomaalaay kulligaa, kulmiyaa la sudhee, kadabaa dhaha'ee. Kunfacii la cadaab, kufrigii erinee, soomaalay kuligaa kulmiyaa la sudhee, kadabaa dhaha'ee.

Kadabaa, kadabaa, Kadabaa kadabaa....

Waakii aynu rabnee, kifaaxiisa galnee, soomaalaay kulligaa, kulmiyaa la sudhee, kadabaa, kadabaa. "

Midhahaa kooban, waxa ay ka midyihiin kuwa aan xasuusta dadka soomaalida marna ka go'in. Inkastoo hammigii iyo dareenkii markaa jiray aanuu maanta noolayn, haddana, waa sooyaal laga dheehan karo wax badan. Waa dareen la xasuusan karo, abwaankii midhahaas lahaa oo maanta nool, waxa ay inoo tahay in aynu xusno oo sheegno, oo sharafno Saxardiid Maxamuud Cilmi (Jebiye). Waxa aan si guud mar ah uga soo qaatay heesaha dareenka kicin jiray ee la yaabka ahaa, ha noqoto laxanka la saaray iyo heesaagii hore oo si fiican u soo gudbin jiray midhaha wanaagsan ee abwaanadii xilligaasi ay curiyeen. Saxardiid waxa uu ka mid ahaa, suugaan-yahannadii, xilligaa ugu caansanaa. Waxa uu mar la jaan-qaaday da'dii noqotay tiirarka fanka soomaalida, oo aan ka xusi karo IHN-tee Cabdilaahi Qarshe, Xuseen aw Faarax iyo Cali Sugulle oo xilligan nool ahna abwaanada taariikhda dheer ku leh soomaalida Geeska Afrika deggen oo dhan. Heesaaga, inta badan qaaday heesaha Saxardiid waxa ka mid ahaa, Axmed M Good (Shinbir), Maxamed Yuusuf Cabdi, Hibo Maxamed (Nuura) Cismaan (Gacanlow), Maxamed Axmed (Kuluc) iyo Faadumo Cabdilaahi (Maandeeq). 

Bal markanna akhristoow ila eeg oo ila dhuux heestan.

Dhaaxaan murugiyo, harraad mudannee, maantay curatoo, mataanaysee.
Ma gawdo Candhadii, gollaha marisee, aan maallo, hasheenna Maandeeq.
"Waa maalin murankiyo, makeeki hadhee, aan maallo hasheenna Maandeeq.
Waa maalin duco iyo bil mawliide, aan maallo hasheenna Maandeeqe.

Waxa heestan korka ku xusan qaaday, Maxamed Axmed (Kuluc) oo ay la jiibin jireen hablihii idaacaddii Hargeysa. Inbadan oo bulshada ka mid ah ayaa iiga markhaati kacaysa in heestani ku lammaan tahay, xasuusta maalmaha loo debbaaldego xorriyaddii lixdankii. Malaa haddaan la qaadin lamaba xusin xorriyaddii. Waa dhaxal uu ku saxeexanyahay Saxardiid Maxamed Cilmi, oo ah taariikh nool cimri iyo caafimaad na ku soo gaadhay, maanta oo aan qoraalkan qoray. Immisa gu' baa laga joogaa 1960kii. Mar haddii ay 50 sannadood kor u dhaaftay midhahaas maalintuu curiyey abwaanku, oo uu maantana noolyahay. Waxa uu innaga mudanyahay qofkasta oo qoraalkan akhriya nasiibna u hela in uu la kulmo abwaanka in uu ku yidhaahdo, sharaf baad naga mudantahay abwaan Saxardiid. Mar haddii aad dareenka soomaalida raad ku leedahay, gaar ahaan xilligii halganka. 

Bal Axmed M. Good (Shinbir) iyo heestii Guud Haldhaaley, ee laxanka iyo jiibta iyo jaanta cajaa'ibka ah lahayd, aynu yara eegno oo xasuusanno waayo-waayo. Ilaahay ha u naxariistee Axmed Good (Shibir) waxa uu ku lahaa magacweyn heesihii lixdamaadkii, isagoo codkiisii guubaabada ku fiicnaa, ku luuqeeyey heestan iyo kuwo kaleba. 

" Gama' kuuma ekee, Guud-haldhaaleeyeey! Filkaa wuu guddiyoo, goor horuu guntadee.
gama' kuuma ekee, waa inaad guntataan,  god madaw taladiina ama aad ku gurtaan.
Geelii aad dhiqi layd, guluf baa la tegoo, ishaad gaaxsan lahayd, waa lagaa gudhiyee.
Waa inaad guntataan, guud-haldhaaleeyeey.

Gantaalii la ridee, cirka loo ganay baa, guud haldhaaleeyeey! Filkaa wuu guddiyoo, goor huruu tashadee. gama' kuuma ekee, waa inaad guntataan, god madaw taladiina ama aad ku gurtaan. gacmahoon u idlayn, gaar ahaan midina oodda sooma gurtee, geyigeennii dhammaan haysu soo gurmadee. gama' kuuma ekee, waa inaad guntataan, godmadaw taladiina ama aad ku gurtaan.

Waxa uu abwaanku si cad u tibaaxay, in aan hurdo loo baahnayn, oo gama' kuuma eka ayuu ydhi, wuxuu raaciyey, god madaw taladiina ama aad ku gurtaan. Waxa aad mooddaa in ta danbe ay noqotay, oo taladii soomaalidu ay godmadaw ku gureen. Maalmahaas uu abwaan Saxardiid midhahaa tirinayo oo ay abwaanno kalena la wadaagayeen, waxa ay ahayd xilli kala guur ahaa, oo is-goys baa laga tallaabaayey. Haddii aan si kale udhigo biriij aad u jilicsan oo maalmahaa la dhisay oo loogu yeedhay Jamhuuriyadda soomaalida, ayaa u baahnaa in la hagaajiyo oo la qabyo tiro. Laakiin, iska daa qabyo tire, waxa laga furtay tiirarkii hayey. Saxardiid, tilmaanta uu maalintaa bixinayey, waa mid uun dadka dareen-kooda ahayd, balse waxa hadha inta badan waa erayada suugaamaysan, sidaa ay dhaxalgalka u noqotay (gama kuuma ekee, waa inaad guntataan, godmadaw taladiina ama aad ku gurtaan). 

Yaa salaam, waa xikmad uu maankiisa ka soo tuujiyey, abwaan, Saxardiid oo innaga mudan sharaf. Waxa uu taariikhda soomaalida ku yeeshay dhaxal ma guuraan ah, oo la sii kala dhaxli doono. U malayn maayo, in Qarankii soomaalida ee aan lugaha fiican ku taagnayni, u abaal guday  Saxardiid iyo inta la midka ah. Ma qabo, in xataa siday ahayd loo soo tebiyey, taariikhda Abwaan Saxardiid. Inta garanaysa heesahan, waxa aan ku qiyaasi karaa inta badan ee soomaalida Geeska Afrika, Haddii se, la weydiiyo abwaanka sameeyey, waxa ay noqonaysaa garanwaa baa sameeyey. Taasina maaha qalad ay bulshadu leedahay ee waa inta maamulka haysa, ayaan xil iska saarin in ay taariikhdaa nool diiwaan geliyaan. Haddii xukuumaddii burburtay ee Jamhuuriyaddii soomaalidu aanay xil iska saarin, maxaa ka xannibay maanta xukuumadda Somaliland in ay habayso suugaantaa oo u samayso diiwaan loo arooro. Waxa ku filan dhaqaale aad u yar, waxa ku filan in magaca abwaanka iyo suugaantiisa loo xafido.

Heesta Guud-haldhaaleeyey, oo aan dad badan weydiiyey, waa la ii garanwaayey markii hore cid samaysay. Baadhitaan aan sameeyey baan ku ogaaday in uu Saxardiid erayadaa lahaa. Waxa aan uga mahadnaqayaa intii iga caawisay heesta weydiimihii aan weydiiyey. Waxa aan ku talo jiraa, in aan Abwaan Saxardiid, ka sameeyo qoraal intan ka mugweyn, Haddii Ilaahay yidhaa. Waxa aan ku talo jiraa in aan la xidhiidho taariikhdaas nool, ee ku suntan konton sannadood iyo wax la jira. Ilaahay waxa aan uga baryayaa abwaan Saxardiid Maxamuud Cilmi (Jebiye) in uu caafimaad iyo cibaado san wakhtigiisa uu ku qaato. Aamiin

-----------------------------------------------------------------------------------------------
Xigasho:
www.farshaxan.com
www.heesta.com
halkan ka dhegeyso

http://www.nomadlyrics.com/song/cec57fb36/aan+maalno+hasheena+maandeeq.html
http://www.heesta.com/fanaan.php?fanaan=228
http://www.heesta.com/hees.php?id=2739

W/Q, Sayid-Axmed M Yuusuf (Dhegey)
Stockholm/Iswidhan. 23/11/2013, Sabti



Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Waa kuma abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)? Qormo kooban oo ka hadlaysa suugaanta abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)

Abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey), waxa uu ku dhashay duleedka degmada Bullaxaar ee gobolka Saaxil. Isaga oo kuray ah ayuu u   wareegay magaalada Berbera, waxaanu ka shaqayn jiray makhaayadaha   cuntada. Isaga oo ka hawlgalay makhaayaddii Cumar Isteeri. Muddo kadib waxa uu u wareegay magaalada Hargeysa, xilligaasi oo uu sheegay abwaanku in ay   ku beegnayd   xilligii ay inqilaabka wadeen Xasan-Kayd iyo raggiisii. Abwaanku, intii uu Hargeysa joogay, waxa uu ka shaqayn jiray hudheelkii loo yiqiinay Yuuniyanka ( Union). Mar danbe ayuu abwaanku ganacsi ka bilaabi goobtii loo yiqiinay Xerodhafta. 

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.

Xog ku saabsan Afgenbegii 1961 Col, Xasan Faarax Bullaale: "Taariikh u baahan sixitaan iyo run ka sheegid"

Taariikhdu waa dhacdo ama arrimo dhacay xilliyo la soo dhaafay. Haddii aan wax laga qorin, lama ogaan karo taariikhdaasi sidii ay u dhacday. Mar haddii aan la kaydin arrimaha taariikheed ee dal iyo dad ba soo mara, waxa ay taariikhdaasi gashaa mugdi waxaanay yeelataa madmada w badan. Sida inbadani ka warqabto Somaliland waxa ka dhacay Afgenbi la isku deyey 1961kii, kaasoo lagu guuldarraysatay Dad badani xog kama hayaan, inkastoo ay noolyihiin xubno ka mid ahaa saraakiishii Afgenbigaa isku deyey. Kalhore waxa la waraystay Amb, Cawil Cali Ducaale oo ka mid ahaa saraakiishaas, xilligaasna ahaa xiddigle. Waxa uu Cawil qoray buug uu kaga hadlay wax farabadan oo uu u soo joogay, waxaana ka mid ahaa Afgenbigaas. Waana buugga la magacbaxay "Raad-Raaca Taariikh Soomaaliyeed"