Fortsätt till huvudinnehåll

Ogeysiis: Maalinta suugaanta iyo dhaqanka soomaalida ee magaalada Malmö 30/11/2013, Sabti.

Marka ay taariikhdu tahay 30-11/2013 oo ah maalin Sabti ah, waxa ka dhici doona magaalada Malmö. Kulan-suugaaneed ay soo qaban-qaabiyeen Rugaha buugaagta ee magaalada Malmö. 

Malmö oo ah magaalada saddexaad ee ugu weyn, dalka Iswidhan, waxa ku nool oo deggen dad aad u tiro badan oo soomaali ah. Sidaa awgeed baa Maktabadaha magaaladu diyaariyeen maalin u gaar ah soomaalida. Hawsha isku dubbaridka iyo agaasinkeedana waxa xoogga saaray oo ka midha-dhaliyey Cabdirasaaq Cismaan Shukri, oo ka mid ah saraakiisha ka shaqaysa Rugaha buugaagta ee Malmö.


Barnaamij-kaa ballaadhan waxa lagu martiqaaday qorayaal, ka iman doona Stockholm. Xubnaha lagu martigeliyey kulan-suugaaneedkaa waxa ay kala yihiin. Qoraa, Macallin Yuusuf Xaaji Cabdilaahi Xasan. Abwaan, Qoraa Maxamed Xirsi Guuleed, Maansayahan da'yar ahna qoraa, Muuse Maxamuud Ciise (Dalmar) iyo Qoraa, Sayid-Axmed M. Yuusuf (Dhegey). Dhamman xubanahani waxa ay la wadaagi doonaan mid kastaaba buugga uu maalintaa u soo xulay.

Waxa kaloo maalintaa ay ka jeedin doonaan afar mawduuc oo kala ah:

1. Dhibaatada qoraaga soomaaliyeed uu la kulmo.............Maxamed Xirsi Guuleed.
2. Sooyaalkii farsoomaaliga............................................Sayid-Axmed M. Yuusuf (Dhegey).
3. Dhibaatada lagala kulmo, ardayda soomaalida deggen Iswidhan....Yuusuf Cabdilaahi Xasan.
4. Qoris la'aanta buugaagta carruurta ee ku qoran afsoomaaliga......Muuse M. Ciise (Dalmar).

Waxa lagu soo gebagabayn doonaa doodwadaag. Waxa furnaan doona su'aalaha oo marka mawduuc laga baxoba la heli doono fursado lagu weydiiyo su'aalo martida kulanka. Waxa aan ka madhnayn barnaamij u gaar ah carruurta, oo si gaar ah loogu talo galay. Afqabsi iyo shaah iyo bun baa laguu diyaariyey. Maalintaas waxa loogu talo galay in ay noqoto maalin taariikhda ku suntanaata. Haddii Ilaahay yidhaa.

Faahfaahin dheeraad ah kala xidhiidh Cabdirisaaq Cismaan Shugri, oo telkiisu ku qoranyahay korka. Ka soo qaybgalkaaguna waa muhiim.


Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.

Falan-qaynta maansada: Quruxda maansada Cabdi Adan (Qays) iyo Maxamed Ibraahin (Hadraawi) Q-3aad

Qaybtan oo ah qaybta ugu danbaysa ee "Falan-qaynta Maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays", waxa aan ku eegi doonaa dhawr maanso oo kookooban. Waxa aan sidii qormooyinkii hore, wax ka taaban doonaa kala duwanaanshaha maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays ee hadana labaduba yihiin kuwo la jecelyahay.

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto.