Fortsätt till huvudinnehåll

Qalinka Xaqiisa mari! W/Q, Fardawsa Maax Xasan (Nimco)




Waxaan hada ka hor idinla wadaagay maqaalkii Akhri oo qaadka iyo qolqolka ku badel, waxaa xaqiiq ah in qoraalku ka da’ weyn yahey akhriska maxaa yeelay kolkii wax la qoraa la akhriyaa, sidaa daraadeed waxaan dib u jaleecayaa mafdaaxii akhriska oo ah QORAAKA. Sida aan taariikhda ku helnay waxaa ugu horeeyey dad wax qora dadkii ku dhaqnaan jiray Mesopotamia dadkaas oo ahaa kuwii ilbaxnimodu kasoo bilaabantey ayaa bilaabay in ay wax qoraan si xaga iibka iyo xisaabinta mushtarku ugu dhib yaraato. Waxase xogta xaga diinteenu inoo sheegtey in uu ahaa qofkii u horeeyey ee wax qora nabi Idiris calayhi salaam oo ahaa nabigii kusoo xigay nabi ahaan aabaheen Adam calayhi salaam. 



Hadaba qoraalku wuu isasoo taraayey tan iyo wakhtigii uu Nabi Idiris noolaa, haba kala duwanaato sida wax loo qoraayee. Wuxuu qoraalku soo maray marxalado kala duwan, waxaana jirtay wakhtigaa aan khad la aqoon ama aan xuruufi jirin in ay dadku sawir adeegsan jiray iyo in dhagax ama dhoobo wax lagu qori jiray, iyada oo laga sameeyey suurad xayawaan ama wa laysla af garto oo u dhigma sida xuruufta. Sikastaba ha ahaatee waxaa ilbaxnimadii aduunku soo gaadhay ilaa aan ka helo xaashi iyo khad wax lagu qoro.
Waxaa is weydiin leh maxaa la qorayaa hadaba?

Qoraalka iyo xaqiisa

Waxaa haboon hadaba hadii aad taheyn qofka wax qoraya in aad shuruudiisa buuxiso; ha ahaado markhaati ama dayn ama dacwed dad loo kala qorayo ama ha ahaado wax aqoon iyo cilmi fidin ku saabsan, habase ahaado wax ka yimid fikirkaaga oo aad dadka la wadaagtee waxaa mihiima ah in suruudihiisa la buuxiyo oon qalinka la maroorin. Ka run sheegida qalinku waa mihiim, waxaana dhici karta in qalinka xaqqa loogu hiiliyo ama lagu dulmiyo cid, sikasta ha ahaatee dambigiisa ama khayraadkiisu waxuu ku noqon doonaa xaqlihii qoray. Waxaynu wada oggnahey Ayada 282 ee u dambeysa Surah al Baqra kana hadleysa daynku in ay ku cadahay in layna faray dadka wax qorayaa in aanay qalinka leexin ama cid ku dulmin oo qoraagu runta sheego, walow ay ka hadlayso deynka iyo kala qorashadiisa; balse waa xukun inoo yaal qofkasta oo wax qoraya. Sidaa darteed waxaa wanaagsan in qofka wax qorayaa is weydiiyo dhawr arimood inta aanu wax qorin.

Qoraalka iyo xaqiisa

Waxaa haboon hadaba hadii aad taheyn qofka wax qoraya in aad shuruudiisa buuxiso; ha ahaado markhaati ama dayn ama dacwed dad loo kala qorayo ama ha ahaado wax aqoon iyo cilmi fidin ku saabsan, habase ahaado wax ka yimid fikirkaaga oo aad dadka la wadaagtee waxaa mihiima ah in suruudihiisa la buuxiyo oon qalinka la maroorin. Ka run sheegida qalinku waa mihiim, waxaana dhici karta in qalinka xaqqa loogu hiiliyo ama lagu dulmiyo cid, sikasta ha ahaatee dambigiisa ama khayraadkiisu waxuu ku noqon doonaa xaqlihii qoray. Waxaynu wada oggnahey Ayada 282 ee u dambeysa Surah al Baqra kana hadleysa daynku in ay ku cadahay in layna faray dadka wax qorayaa in aanay qalinka leexin ama cid ku dulmin oo qoraagu runta sheego, walow ay ka hadlayso deynka iyo kala qorashadiisa; balse waa xukun inoo yaal qofkasta oo wax qoraya. Sidaa darteed waxaa wanaagsan in qofka wax qorayaa is weydiiyo dhawr arimood inta aanu wax qorin.

Xusuusnow in waxa aad qortaa yahey raad aad aduunka kaga tageyso oo ah dhaxal kaa hadhaya, ama daba socon doona magacaaga iyo ka tafiirtaadaba. Waxaa laga yaabaa in xooluhu dhamaadaan mood iyo noolba, dhul hadaad ka tagtana waxaa laga yaabaa in la iibiyo oo uu cid kaleba ku wareego, balse qoraalkaagu wuxuu ahaanayaa wax aad adigu shaqsi ahaan u leedahey oon kaa hadhin magac iyo mulkiba, wuxuu ahaanayaa wax lagugu xasuusto, laguguna maamuuso ama lagugu karahsado. Hadaba haduu qoraalkaagii noqday wax aan shaqsiyadaada ka hadhi doonin nolol iyo geeriba, ka fiirso raadka aad ka tagi doonto oo yaan buuga taariikhda madow lagu galin, isku day sidaad ugu biiri laheyd baalka dahabka ah.

Qalinku kama dhaco qori iyo seef!

Dadku qofba waxbuu ku dagaalamaa ama ku hiiliyaa, waxaa jirta wakhtiyo ay dadka badh ku aarsadaan qalika ama ugu hiiliyaan cid iyagoo ka jawaab celinaya wax la qoray ama cid laga faafiyey, waxaa kale oo jirta in lagu duro cid ama lagu deelqaafo cid kale iyadoo qalinka la adeegsanaayo, af xumadu ma aha hadalka dadban oo kaliya, waxaa kasii xanuun badan ka la qoro een la ilaaweyn soona noqnoqodoona. Marka ka fiirso shiishkaaga halka uu ku beeggan yahay, hana qorin wax aad ka qoomamoon doonto abid.

Dhaliisha in la qoraa waa mihiim.

Waxaa suura gal ah in aad wax ka qorto ama u jawaabto cid aan hadalkaagu gaadheyn, waxa kale oo suura gal ah inaad jeclaato inaad fikirkaaga faafiso ama aad doonto inaad muujisa halka aad ka taagen tahey qadiyed jirta. Midka ay doonto ha ahaatee isku day inaanad xaragada ka tagin sharaftana dhawrto; taada iyo ta dadka kaleba. Isku day in aad badasho erayada tooska u abaara shaqsi ama cid, waxaad wax u qori kartaa si anshax ku salaysan oon ahey farta ku fiiqid iyo dhaleecayn, isticmaal erayadan oo kale: Waxay aniga ila tahay…Waxaa haboonaan lahayd hadii… Waxaa u wanaagsan in uu sidaa yeelo/yeesho.

    Ha isticmaalin ereyada toos u abaara qofka naftiisa, ha shaqsi weerarin ee fikirkiisa  ama ficikiisa weerar adigoon marna qofka ugu yeedhi magacyo iyo wax aanad adba jeclaateen in laguugu yeedho. Muuji in waxa aad diidantahey yahey ficilka qofka ee aanu aheyn nafsadiisa, hadaad cid haysato ha weerarin qabiilka uu kasoo jeedo ama dagalka uu ku dhashay ee qofka ku joog, ha sameysan dakano oo eed dushaada ha keenin. Xusuusnow in wakhtigu isbadali karo, wixii kaa baxayna aanad soo celin karin.

Dhalinyarada hada wax qorta badhkood 

Waxaan talo ku siin lahaa dadka da’ayarta ah ee yaalaa wax qora in ay in badan xusuusnaadaan in wakhti dheeri ka horeeyo, waxay dhisayaana uu yahey sumcad shaqsiyadeed oo uu isagu(qoraagu) Iska yeelan doono, xumaanteeda lala wadaagi doonin dheefteedun isaga u gaar ahaan doonto. Waxaan in badan websites ka Somalida ku arkaa dad da’yar ah oon aad uga yaabo sida ay cid u weeraraan ama u dhaleeceeyaan, khaasatan siyaasada iyo arimaha ku saabsan. Waxaan jeclahay inaan xasuusiyo in noloshu la kulmin karto sifooyin badan oo ay hadhow ka qoomamoodaan wixii uu qoray bari. Waxaad noqon sawj, aabe, awoow, sodog, abti. Sidoo kale haweenkana la mid. Waxaa kugu soo noqon kara wax aad adigu gacantaada ku qortay oon qoyskaaga munaasib ku noqon doonin, sidaa daraadeed  akhii nin yari intuu geed ka booduu talana dhaaftaa ee ka fiirso waxa aad qorayso.

    Waxa iyana dhib ka taagantahey dadka websites ka leh ama maamula oo aad mooda in ay raali ka yihiin wax kasta oo la qoro, una haystaan in aan masuuliyadeeda badhkeed iyaga saareyn. Waxaad moodaa in ay ku dadaalayaan uun sidii boggoodu u buuxsami lahaa, laakiin aanay kala shaandheyn waxani horta munaasib ma yahey in la faafiyo iyo in kale! Waxaan iyagana ku guubaabin lahaa waxaa idiin haboon in aad wixii dhib cid u gaysanaya wadar iyo waaxidba aad ka tanaasushaan, haba yaraado warka iyo muuqaalada aad faafineysaan ee ha ahaado wax tayo leh oo laydiinku soo heloobo. Qoraalka dambi mutaystey waa ka simantihiin kii qoray iyo ka faafiyey ee qaarad ilaa qaarad gaadhsiiyey.
Aynu u tudhano taariikhdeena, waa horaa la yidhi: Waari maysidee war hakaa hadho, warka hadhayaa ha ahaado war lagugu maamuuso ee yuu noqon mid lagugu hiifo. Haysku furin maxkamad aad adigu markhaatigeeda isku furto, maxaa yeelay mar uunbaynu gaadhi in sida dunida kale laysku dacweyn karo wixii cid dambi ka galay qoraalkuba ha ka mid ahaadee.

    Waxaan dhiiri galinayaa qalinka xalaasha ah, qalinka ummada u reebi kara taariikh hore, kana warami kara dhacdooyinka taagan si ay u ogaadaan jiilka soo socdaa, qalin hormood ka noqonkara aqoon korodhsiy iyo xog kala bogashoba. Ragg iyo dumarba aan ku dadaalo in aan qorno wax anfaca ummada; samaan ka talisna ah een tafaraaruq iyo iska horkeen abuurayn, anynu u tudhano shaqsiyadeena si marka dib loo dhawro waxaad qalinka ku duugtayy laguu karaameeyo. Qor wixii khayr ah ama aad ku boorineyso khayraadka.

Fardawsa Maax Xasan(Nimco)


Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Waa kuma abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)? Qormo kooban oo ka hadlaysa suugaanta abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)

Abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey), waxa uu ku dhashay duleedka degmada Bullaxaar ee gobolka Saaxil. Isaga oo kuray ah ayuu u   wareegay magaalada Berbera, waxaanu ka shaqayn jiray makhaayadaha   cuntada. Isaga oo ka hawlgalay makhaayaddii Cumar Isteeri. Muddo kadib waxa uu u wareegay magaalada Hargeysa, xilligaasi oo uu sheegay abwaanku in ay   ku beegnayd   xilligii ay inqilaabka wadeen Xasan-Kayd iyo raggiisii. Abwaanku, intii uu Hargeysa joogay, waxa uu ka shaqayn jiray hudheelkii loo yiqiinay Yuuniyanka ( Union). Mar danbe ayuu abwaanku ganacsi ka bilaabi goobtii loo yiqiinay Xerodhafta. 

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.

Xog ku saabsan Afgenbegii 1961 Col, Xasan Faarax Bullaale: "Taariikh u baahan sixitaan iyo run ka sheegid"

Taariikhdu waa dhacdo ama arrimo dhacay xilliyo la soo dhaafay. Haddii aan wax laga qorin, lama ogaan karo taariikhdaasi sidii ay u dhacday. Mar haddii aan la kaydin arrimaha taariikheed ee dal iyo dad ba soo mara, waxa ay taariikhdaasi gashaa mugdi waxaanay yeelataa madmada w badan. Sida inbadani ka warqabto Somaliland waxa ka dhacay Afgenbi la isku deyey 1961kii, kaasoo lagu guuldarraysatay Dad badani xog kama hayaan, inkastoo ay noolyihiin xubno ka mid ahaa saraakiishii Afgenbigaa isku deyey. Kalhore waxa la waraystay Amb, Cawil Cali Ducaale oo ka mid ahaa saraakiishaas, xilligaasna ahaa xiddigle. Waxa uu Cawil qoray buug uu kaga hadlay wax farabadan oo uu u soo joogay, waxaana ka mid ahaa Afgenbigaas. Waana buugga la magacbaxay "Raad-Raaca Taariikh Soomaaliyeed"