Fortsätt till huvudinnehåll

Inlägg

Visar inlägg från 2020

Cutub qabyo ah: Qoridda Taariikhda W/Q Muxammad Yuusuf

Madaxweynihii Xisbigii National United Front (NUF) Axmed Xasan Ibraahin

Taariikh Kooban: "Waxaan Doonayey in aan Jabhad Sameeyo oo Ingiriiska la dagaallamo" Cabdillaahi Aadan Axmed (Koongo)

Sooyaalka Dhiigyacabyada. Haltebintii Axmed-Khaliif M. Xaaji Jaamac

Soddon Sannadood Buugaagta Afsoomaaliga ku Qoran iyo Sweden

Cabdillaahi Suldan-Timacadde: Ninkii Sowdka Arka iyo Lahaa Sumadihiisii-ba

Cabdillaahi Suldan-Tima-cadde: Ninkii Sowdka Arka iyo Lahaa Sumadihiisii-ba  Dugsi ma leh qabyaaladi waxay dumiso mooyaane. Nin qabyaalad beertoow wanaag kuuma soo baxo'e. Nin qabyaalad heensaynayaa guul ma haybsado'e. Saddexdaa bayd waxay ka mid ahaayeen saddex maanso oo kala jaad ah oo uu Cabdilaahi Suldaan xilliyo kala fog uu tiriyey. Wuxuuna ka tiriyey duruufo kala jaad ah. Waxaa se innooga muuqata inuu carrabka ku adkaynayey dhibaatada qabyaaladdu leedahay. Anigoo soo koob koobaya maansadii ilaahay ha u naxariistee Cabdilahi Suldaan "Timacadde", waxaan ku bilaabayaa kumuu ahaa Cabdilaahi Suldaan. Waxa hubaal ah in dhammaan dadka soomaaliyeed intooda badani ay magaca garanayaan, inay in kaloo badani na codkiisa maqashay. Taariikhda Cabdilahi Suldaan Maxamed iyo maansooyin-kiisaba waxaan ka soo xigtay buugga dhowaan soo baxay ee la magac baxay "Diiwaanka Maansada" Cabdilahi Suldaan. Buuggaasoo uu qoray, qoraaga caanka ah, halgamaaga caanka ah...

Wakhtiyaddii Dugsiga Sare Iyo Ciyaaraha (Sportska) – Fariinta Maanta Ee Dhalinyaradda W/Q Jamaal C. Xuseen

Muhiimmadda Taariikhda W/Q Maxamed Yuusuf

Ciid Mubaarik dhamaantiin! Idam Alle, Sannadka sannadkiisa farxad iyo caafimaad ku gaadha dhamaantiin. Taariikhdu waa waxa ummadaha aduunka is dhaafiyay, waa waxa ay reer galbeedku ku guulaysteen ee ay maskaxda aduunyada ku hantiyeen, waa waxa caruurta isku ayniga ah is dhaafiyay, waa waxa taariikhdiinii, iyo tii xadaaradii islaamka masaxay ee caruurteenu Michelangelo iyo John Adams u yaqaanaan balse ayna aqoon u lahayn taariikhdoodii, taariikhdii islaamka sida,casrigii RASUULKA (SCW) (1-11H) (622-632CD), tii KHULAFADA (11-40H) (632-661CD) iyo geeridii Rasuulka (SCW) ka dib, tii UMAWIYIINTA (41-132H) (661-750CD) iyo tii CABBAASIYIINTA (132-656H) (750-1258CD), tii MAMAALIIKTA (648-922H) (1250-1517CD), iyo tii CUSMAANIYIINTA (1517-1924CD) toona. 

Madasha Bun iyo Buug: Faallada buugga Qaran iyo Qabiil ee uu qoray Rashiid Gadhweyne W/Q Muxammad Yuusuf

Ha waarto "Hiil Press" W/Q, Axmed-Khaliif M. Xaaji Jaamac

Gorfayn: Buugga Galalaati W/Q Maxamed Sharmaa'rke 06/2020

Heshiiska Hawada ee Somaliya iyo Somaliland Julay 2013

MIDNIMADDII LIXDANKII IYO MAANTA: FARIINTA SHACABKA IYO MACNAHA SOO DHAWEYNTA. W/Q, Jamaac Cali Xuseen

Garaad ma yasayaa garaadkayaga? W/Q, Cabdillaahi Cawad Cige

Waraysi ay jariidadda "THE ETHIOPIAN HERALD" la yeelatay Barkhad Maxamuud Kaariye

Somaliland maxay ku faleysaa Midnimo? W/Q, Yuusuf Garaad Jaamac

Journalist and Blogger, Mogadishu.

Faallayn Buugga Dharaaraa Ina Soo Maray Sooyaalkii & Sugantidii SNM, oo uu qoray Boobe Yuusuf Ducaale

Wednesday, 10 June 2020 W/Q, Rashiid Sheekh Cabdillaahi(Gadhweyne) Buuggan Dharaaraa Ina Soo Maray waxaa ka dhex muuqada oo uu akhristahu la kulmayaa qoraaga Boobe Yuusuf Ducaale iyo kaalintii uu ku lahaa halgankii Dhaqdhaqaaqa Waddaniga Soomaaliyeed(SNM). Taas ka ma wado in buuggu ka hadlayo Boobe iyo waxqadbadkiisii, waxaan uga jeedaa xogaha buugga ku jira oo aan hubo in ay yahiin kuwo aan baaxaddooda cid kale laga heli karin. Boobe waxaa uu waqtiga u badan hayey hawlaha xoghayta ururka.

Taariikh kooban: IHN Cabdi Tahliil Warsame "Ifkaa laysku tudhaaye iilka laysma gargaaro" W/Q Cumar Seerbiya

Cabdi Tahliil Warsame sannadkii 1952 ayuu ku dhashay Wardheer, dhammaadka sannadkii 1968 ayuu qaaday heestii koowaad oo ahayd "Jir-jirkiyo Dartaabaan jeegada u aallaa jalkii qaadan waayey".waxaana erayada allifay Abwaan Sulub Cumar Axmed . Sannadkii 1969 oo ahayd markii uu bartay tumista Kabanka ayuu Axmed Saleebaan Bidde u dhiibay heestii labaad ee uu Cabdi Tahliil qaado oo ahayd heesta Onkod oo uu isagu laxamaystay(Cabdi Tahliil).

Gorfayn: Buugga Warjire ee uu Qoray Axmed Siciid Cige (2020) PDF

Gorfayn: Buugga Warjire ee uu qoray Axmed Siciid Cige (2020)

Gorfayn: Buugga Warjire (2020 Xog iyo Xusuusqor)  ee uu qoray Axmed Siciid Cige Marka aad buug gorfaynayso, waa in aad ujeeddo ka leedahay. Waa in aad farriin gudbinaysaa aad ugu talo gashay bushada loogu talogalay buugga iyo qoraagaba. Qoraagu waxa uu dareen dhaw ku eegaa gorfaynta oo ama wax badan buu ka qaataa ama wax yar ama waxbaba kama qaato. Qoraagu isagaa xor u ah qoraalkiisa, laakiin bulshada akhriyeysa ayaa iyaguna gorfaynta iyo buugga isla eega oo sidaa qoraaga ayey garaadkooda ku eegaan gorfaynta iyo buugga. Ujeeddadayda ugu mudan waa uun sixitaan, baraarujin iyo in mustaqbalka aynu soo saarno buugaag tayo sare leh. 

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto. 

Macallimaddii ugu horreysay ee ka hawlgashay Somaliland 1953 IHN Aamina Macallim Qaasim

Intii aan la furin dugsigii hablaha ee magaalada Burco, waxa waxbarasho kooban loo bilaabay hablo loo dhigi jiray farsamada dawaarka, farshaxanka iyo luuqadda Ingiriisida. Waxbarashadaas kooban ee hablaha waxa laga bilaabay magaalada Sheekh gaar ahaan guri ku yaallay xaafadda Shacabka. Hablahaa waxa ka mid ahayd Aamina Macallin Qaasim, oo aabaheed ahaa macallin caan ka ahaa deegaanka soomaalida gaar haan Somaliland. Markii la furay dugsigii hablaha ee Burco waxa macallimad ka noqotay Aamina Macallim Qaasim, waxyar kadib ayaa loo keenay Edna Aadan Ismaaciil iyo Aamina Jaamac Cadhoole. Si raadraaca, sooyaalka waxbarshada deegaanka Somaliland loo kaydiyo, waa in la qoraa, oo ay gashaa diiwaanka. 

Dugsigii Dhexe Ee Sheekh: Dugsi Dhalanrogmay oo u Baahan in Taariikhdiisa la Kaydiyo

Dugsiga Dhexe ee Sheekh, waa dugsigii ugu horreeyey ee laga furo dalkii la odhan jirey Somaliland Protectorate, xilli ku beegan 1943 (Waa la sixi karaa) taariikhda oo sugan. Waxa ka soo aflaxay arday badan oo kumannaan ah. Waxa ay noqdeen hoggaankii jamhuuriyaddii Soomaalida iyo ka horba intii maamulkii Ingiriisku joogay. Intii aan la furin dugsigii sare ee Cammuud, waxa uu ahaa dugsiga ugu sarreeya ee dalka ka jiray xillagaas.

Kala taggan Taladii Shalay ee Maxamed Baashe iyo Tan maanta

Bismillaahi Al Raxmaani Al Raxiim. Ilaahay baa mahadleh, Qoraalkan waxa aan is idhi malaa wax uun buu tari. Kollay cid eryo ama cid difaac maankayga kuma jirto, balse arrin si gaar ah aan u dareemay baan in yar ka odhanayaa. Waxa maalmahan aad loo hadal hayey waraysi BBC-du qaadday Maxamed Baashe Xaaji Xasan iyo qoraallo baraha bulshada aad loo hadal hayey. Maaddaama uu Maxamed Baashe ka mid yahay asxaabta aannu isku barannay danta guud, muddada aannu isnaqaannayna ay cagacagaynayso 20 sannadood, waxa aan dareemay in aan dareenkayga iyo taladaydaba qoraalkan ku soo koobo.

Kulankii Ururka Badda Cas oo ka dhacay xaafadda Skärholmen ee Stockholm 07 Mar, 2020

Kulanka Badda Cas oo sabti dhaaf lagu qaban jiray xaafadda Rinkeby oo saldhig u ah Ururka Badda Cas, ayaa doorkan lagu qabtay xaafadda Skärholmen. Waxa caado u ah ururka badda cas in kulamadaas la isku waraysto, waxbadan oo dadka baahidooda ahna lagaga hadlo. Waxa uu ururkani kaga duwan yahay ururrada soomaalida intooda badan, arrimaha xoogga la saaro, ee wax la iska weydiiyo waxa ka mid ah: 1. Booqashada bukaanka, oo kolba qofkii diyaar u ah ee kari kara uu soo booqdo bukaanka oo marka hore warsugan laga helo qofka xanuusanaya iyo goobta lagu soo booqanayo. 2. Wacdi kooban oo kulan kasta ay culimadu soo jeediyaan. 3. Haddii uu jiro cashar kale oo loo baahan yahay uu qof aqoon u lihi soo jeedin karo. 4. Guud ahaan in la dhegeysto warbixinno ku saabsan bulshada soomaalida ee deggen Iswidhan guud ahaan gaar ahaanna Stockholm. Arrimahaas waxa dheer in guddidu ay warbixin kooban soo gudbiso, halka hawshu u marayso. Si gaar ah waxa joogto u socda casharrada diiniga ah, oo tan iyo...