Fortsätt till huvudinnehåll

Cali Xasan Aadan (Banfas) IHN; Geeridu waa xaq. Weli xasuustayda kamay go'in... "Haddaanan, haddaanan Lixloow! gu'ga maanta la soo hadhin guusha"

Ugu horrayn, anigoo ku hadlaya, magacyga, ka qoyskayga, ka ururka qoraaga. Waxa aan tacsi u dirayaa qoyskii, qaraabadii iyo dhammaan bulshada afka soomaaliga ku hadasha, meelkastay joogaanba. Waxa aan uga tacsiyeynayaa, geeridii ku timi marxuum Cali Xasan Adan (Banfas) oo maanta ku geeriyooday magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland. Ilaahay naxariistii janno ha ka waraabiyo, aamiin ehelkii iyo qaraabadiisiina, samir iyo iimaan ha ka siiyo.

Waxa ay ahayd dhammaadkii 1988kii (Bishii ma xasuusto) goor barqo ah, markii loo dareeray dhinaca waqooyi ee tuulada Dabaylweyne. Dabaylweyne, waxa auu ka tirsanyahay deegaanka soomaalida ee Itoobiya, waxaana deggenaa qaxooti farabadan oo ka soo qaxay Hargeysa iyo meelo kaleba. Waxa goobta isugu yimi dad aad u tiro badan, oo ku soo ururay, sidii ay u dhegaysan lahaayeen abwaanno iyo fannaaniin goobtaa ku soo bandhigay suugaan u badnayd guubaabo. 


Xilligaa waxa bilaw ahaa dagaalkii SNM ay ku gashay gudaha dalka. Waxa aan ka xasuustaa Abwaankii caanka ahaa ee Cismaan Aadan oo ku magacdheeraa Cismaan Askari, waxa isaguna goobta joogay Cumar Xasan Rooraaye. Waxa aan se maankayga ka go'in gabaygii uu halkaa ka tiriyey Cali Xasan Banfas iyo sheekadii uu hordhaca uga dhigay. Maanta waxa laga joogaa muddo ku siman 25 gu'. Waxa uu ka sheekeeyey IHN,tee Cali Banfas gabaygaa xaaladdii uu ku allifay. 

Waxa xusid mudan xilliga uu dhintay Maxamed Xaashi (Lixle) waxa ay ahayd 17-10-1984. Waxa uu geeriyooday Cali Xasan Adan (Banfas) maanta oo taariikhdu tahay, 22-10-2013. 

Waxa uu yidhi: "Anigoo xidhan oo lugta silsiladi igaga xidhan tahay, ayaan maqlay geerida Maxamed Xaashi Diiriye (Lixle). Waxa aan warka ku heli jiray si qarsoon, oo raashinka ayaa naloo soo raacin jiray sida sonkorta, shaaha iwm, warqad duuduuban ayaa naloogu soo qarin jiray. Muddo yar ka dib ayaanu maqallay gariirka iyo hugunka rasaasta, madaafiicda, oo buurta ku meersan Jeelka Mandheera, aan kaba fogayn. Yididiilo iyo dareen cusub dabadii baan gabaygan tiriyey."

Hadallo aan ujeedadoodii sidaa u dhigi karo ayuu Cali Banfas hordhac uga dhigay maansadaas. Dhammaan dadkii goobtaa ku sugnaa timahaa istaagay, waayo hore gabaygaas looma hayn ama dadka inta badani ma ay maqal. Waxa kaloo cajiib ahaa codkiisii goonida ahaa oo uu ku xarragoonayey, balse ahaa mid aad u qiiro badan. Waa tan maansadii ee akhristoow! Ila dhuux.

Waxaan gabaygayga guubaabada ciilka
Barbaarta gedayda Katiinadu goysay
Gubtoon ladi waayo inaan garab haysto
Gariirka agtayda ayaan ka gartaaye
Hadaanan hadaanan Hadaanan gadoodka
Lixloow guga maanta la soo hadhin guusha

Waxaan gabaygayga guubaabada ciilka
Gidaar igu meersan God la igu horjoogo
Gaadh la iigu wareejey Hadaan gacaloowe
Gaashaan hidin waayey Inaan godobtayda
Galaydhkiyo haada gaadhsiiyo fariinta
ayaa ila gudboone Hadaanan hadaanan
Hadaanan gadoodka Lixloow guga maanta
la soo hadhin guusha

Waxaan Gabaygayga guubaabada ciilka
geeraar iyo maanso intaan isu geeyo
Ragaad garanyso Intaan u goleeyo
Garaadka u buuxsho Waxaan goconaayo
Haddaan Gacantayda Ku goosanayaaye
Hadaanan hadaanan Hadaanan gadoodka
Lixloow guga maanta La soo hadhin guusaha

Waxaan gabaygayga guubaabada ciilka
Gammaanka cadhaysan Gargooska ku naaxsho
Haddaan gulufkoodaku soo gambiyaaye
Hadaanan hadaanan Hadaanan gadoodka
Lixloow guga maanta La soo hadhin guusha

Waxaan gabaygayaga guubaabada ciilka
Haweenka galuubanGidaarada Jeelka
dadkoodii la geeyey Gasiinka la taagan
Gubtoon ladi waayo Gudaafka wuxuushtu
Garuunkiyo qoolka wuxuu ku garaaco
wuxuu dhangad geeshka Sarmaanta galoolka
Gabdhaha ku uleeyo Mid gaydhka ka caayo
waxaan gasariiro Galiilyada saanta
Gankaygu istaago Gogaygu dubaaxsho
Ragaad garanayso Haddaan gashigaygii
ka soo gudayaayoon ka goosanayaaye
Hadaanan hadaanan Hadaanan gadoodka
Lixloow guga maanta la soo hadhin guusha

Xogasho: Barta ..Banfas.com
Ilaahay ha u naxriisto Muj, Cali Xasan Adan (Roodhiile) oo isagu Cali ahaan ku magac dheeraa (Banfas). Dhammaan ehaladii, qaraabadii iyo shacbiweynaha soomaalida oo dhanba samir iyo iimaan ha ka siiyo.Marxuumkana Ilaahay jannooyinkiisa ha ka waraabiyo, Aamiin. Cali Banfas waxa uu magaca Banfas kula baxay guushii ku raacday bandhigii fanka iyo suugaanta, ee ku qabsoomay magaalada Muqdisho 1976kii. Gabayga uu ku guulaystay oo la yidhaa gelbis waxa uu u falkiyey si aad u qurux badan. Waxa uu iska taagay dhinacyo fara badan guurka soomaalida. Waxa uu tilmaan iyo tibaaxba ka bixiyey inanka iyo inantu marka ay haasaawaan, tallaabada xigta iyo geedka. Waxa uu si xarrago leh uga warramay, qaabka ay u dhacdo is horfadhiisiga guurtida. Waxa u dhexgalay maanka inankii iyo inantii iyo siday u werwer-sanyihiin, saa! waxa go'aankoodu ku xidhan yahay odayaasha gadhka is daray oo diidmo iyo oggolaanshoba uu u yaallaa.
Bal Gabaygaas aan inyar innooga soo qaado:
7. Guurkeennu waa laba dariiq, oo is garab yaalle

8. Waa gabadh la qaadiyo miday, guurti bixisaaye

9. Guurtidu midday bixinaysaa, geedka loo tegiye
10. Gar cadaawe maahee shir waa, gogol dhiggiisiiye
11. Gadhweyntaba gadhwayn kale ayaa, laga hor geeyaaye
12. Golo-baanistay Heeti wali, gaafo hadashaaye
13. Oo ay niman ku geeraarayaan, gabay ku sheegaane.



14. Geel kagama joogsado ninkii, caashaqeed galaye

15. Waayeel gadaal dhowrayaan, garab ku siinayne
16. Hadday lexejecladu gees tahoo, lays afgaran waayo
17. Ama gabadh ka weyn lagu xidhayiyo, gaban horaan siiyey
18. Oo gabantu way doonnan tahay, gowska ku adkaysto
19. Ama xeer guyaal hore taxnaa, loo gef tirinaayo
20. Garta lagu xabaashoo halkaa lays, girgirin waayo
21. Inankii gabniin iyo xanuun, laba gardaymooye
22. In'antiina goob kale ayay, geydha la qabtaaye.



23. Kala-gurashadoodiyo faqay, sheed ka garataaye

24. Markii uu waxgaradkii hadlee, talo go'aan joogto
25. Inta goonni loo kala baxaa, la is gun xaadhaaye
26. Garowshiinyona la iskula noqdaa, oo godob la baajaaye.

Xigasho: Hoyga Suugaanta
IHN,tee intii aan nolol ahaan kula kulmay, waxa ay u badnayd intii dagaalkii 1988kii uu socday. Waxa aan jeclay in aan tilmaamo, in uu ka tilmaannaa dadka, oo socodkiisa, codkiisa, hubqaadkiisa iyo timihiisa, gadhkiisa oo aad ka dareemi jirtay nin halgan adag ku jira. Xataa inta dadku sheekaysanayaan, waxa aad arki jirtay isagoo aamusan, meel ku dhaygagsan, wejigiisana cadho ka muuqato. Marka aad salaanto'se si wanaagsan oo uu ilka caddaynayo ayuu salaanta kaaga qaadi jiray. Waxa uu xidhan jiray koofiyad weyn oo ta cowboyga ah. Waxa maalmahaa aan tilmaamayo laga soo furtay jeelka Mandheera oo uu muddo ku xidhnaa. Waxa ka soo jebiyey jeelka ciidamdii SNM, oo qiyaastii galay Mandheera intii u dhaxaysay (28-30) 05/1988.
Waxa aan la kulmay 2009 kii oo aan Hargeysa tegey, isagoo aad u jilicsan oo aan lahayn aragtidii aan berigaa ku ogaa. Dabcan waxa u dhexaysay sannado fara badan. Waxa uu ahaa, abwaan, dagaalyahan, macallin, codkar, aan la gabban hadalkiisa, aragtidiisa iyo dareenkiisa toonna. Waraysi laga qaaday kal hore 2012kii mar uu joogay London oo uu la yeeshay SomalilandTV/Uk. Waxa uu ka sheekeeyey gabaygii lagu xidhay iyo siduu isagu ugu mariyey qoladii denbiga ku soo oogaysay. Iyagoo garan la' gabayga dhammaystirkiisa ayaan ugu duubay cajalad ayuu yidhi: IHN Cali Banfas. Haddaba kaasuu ahaa Cali Xasan Roodhiile, oo taariikhda ugu suntan.
W/Q, Sayid-Axmed M. Yuusuf (Dhegey)                                                                                                     Stockholm/Iswidhen. 22/10/2013 

Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.

Falan-qaynta maansada: Quruxda maansada Cabdi Adan (Qays) iyo Maxamed Ibraahin (Hadraawi) Q-3aad

Qaybtan oo ah qaybta ugu danbaysa ee "Falan-qaynta Maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays", waxa aan ku eegi doonaa dhawr maanso oo kookooban. Waxa aan sidii qormooyinkii hore, wax ka taaban doonaa kala duwanaanshaha maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays ee hadana labaduba yihiin kuwo la jecelyahay.

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto.