Fortsätt till huvudinnehåll

Maanso: "GULUF" ....xigasho buugga Socdaalkii Dheeraa 2007

MAANSO: GULUF

Maansada Guluf waxay xambaarsan-tahay ama sawir ka bixinaysaa dagaalkii dalka ka qarxay 1988-kii. Wuxuuna Guuleed u warramayaa saaxiibkii Geeddi, oo uu sharraxaad ka siinayo sida uu dagaalku saamayn ugu yeeshay, ee ay uga baro-kaceen hoygoodii iyo hantidoodiiba . Wuxuuna yidhi:


Waa Guluf colaadeed
Goonyaha gariir-baa
Ka-baxaaya galabtii
Waagii guduutana
Geeri-baa la sheegaa.

Guri lagu hagaagiyo
Hoy la-soo gabboodsado
Gama’iyo sariir-iyo
Furaash lagu gandiidsado
Gogoshii dhammanteed.
Waa laga galbadayoo
Geliyada dhexdoodiyo
Buurta golis dusheediyo
Gawaanbaa la tubanyahay.

Carruur aan garaadkood
Garanaynin waxa dhacay
Gaari! timaha loo dabo
Wiil geesi-yoo jecel
Geyigiisa Maandeeq
Gebi-ahaan dadkeenii
Buuraha guntoodiyo
Gebiyada dushooday
Gabadano la jiifaan.

Anna Geedi-yoow! hee,
Goobtaan ku ababiyo
Gurigaan ku soo koray
Habeen-baan kasoo guday.
Anoo guura-bahallayn
Hadba geed ka-baqayaan
Soo gaadhay golihii
Dadku soo gabbood-saday.

Gacankii Berbera-ee
Dadku gaanbin jiray waa!!
Garoon weeye madhan-oo
Maanta waa gabaahiir!.
Gulufkiyo colaaddana
Ragga soo gelbinayaa
Cadaw soo gurguurtiyo
Maaha gaalo-waranleey.

Geeshkii dal-keenee
Loo guray difaacaa,
Gumaadaaya ubadkoo
gawracaaya dumarkii.

Balse aan gunaanado
Maansada Gufaacaley
Iyo Guluf gunteedii.
Xilli-baa is-gurayoo
Taariikh-daan gudhayn-baa

Gu’ayaal danbe ka sheekeyn.

------------------------------------------
Sayid-Axmed Dhegey
Iswidhan/Stockholm

Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Waa kuma abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)? Qormo kooban oo ka hadlaysa suugaanta abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)

Abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey), waxa uu ku dhashay duleedka degmada Bullaxaar ee gobolka Saaxil. Isaga oo kuray ah ayuu u   wareegay magaalada Berbera, waxaanu ka shaqayn jiray makhaayadaha   cuntada. Isaga oo ka hawlgalay makhaayaddii Cumar Isteeri. Muddo kadib waxa uu u wareegay magaalada Hargeysa, xilligaasi oo uu sheegay abwaanku in ay   ku beegnayd   xilligii ay inqilaabka wadeen Xasan-Kayd iyo raggiisii. Abwaanku, intii uu Hargeysa joogay, waxa uu ka shaqayn jiray hudheelkii loo yiqiinay Yuuniyanka ( Union). Mar danbe ayuu abwaanku ganacsi ka bilaabi goobtii loo yiqiinay Xerodhafta. 

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto. 

Maalinta afka iyo Suugaanta Soomaalida ee Xaafadda Rinkeby 14-05-2016 Sabtida

Haddii aad xiisayso afka iyo suugaanta Soomaalida, fadlan nagala soo qaybgal barnaamij xiiso badan oo 14 bishan Mey lagu qaban doono guriga ummadda ee xaafadda Rinkeby. Barnaamijkan ayaa ay marti noogu yihiin qorayaal, afaqoon iyo cilmibaadhayaal ku hawlan afka iyo suugaanta Soomaalida. Martida maalintan nagala soo qaybgali doonta waxa ka mid ah Morgan Nillsson oo ah macallin afka Soomaaliga ka dhiga jaamacadda Göteborg, ahna cilmibaadhe ku hawlan taariikhda iyo habdhismeedka afka Soomaaliga. Kulankan waxa uu Morgan sharaxaad ka bixin doonaa kooraska afka Soomaaliga ee uu jaamacadda Göteborg ka dhigo. Waxa uu sidoo kale ka hadli doonaa afka Soomaaliga iyo duruufaha ku xeeran maata.