Fortsätt till huvudinnehåll

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!



Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey)

Dhulku saacu wada gaadh
Waanu kala sed roonyee
Meel idaha seel u leh
Riyahana salool u leh
Oo geela saar u leh...... ...



Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey"
    
    
    "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka
       Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944kii),
       waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo
       in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan
       markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka
       bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u
       soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan
       ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.
       Waxaan ahaa Baayacmushtari oo waxaan ka shaqaynayay meherado aan lahaa oo ku
       yaalay Xero Dhifta, laakiin sannadkii 1966, ayaan hadana u wareegay dhinaca
       Geerash-yada oo waxaan ka shaqayn jiray Geerashkii Xaaji Dool iyo Cabdi
       Giirshe ay wada lahaayeen, 1967kii, ayaan ku biiray Ciidamadii Xoogga Dalka,
       markaas ilaa 1970kii waxaan ku jiray Ciidamadii Kamaandoosta ahaa oo aan ka
       soo wareegay xilligaas oo aan ku soo biiray kooxdii Baamboyda iyo Kooxdii
       Janan Daa’uud.
    
    
    Xigasho: www.Farshaxan.com
    -----------------------------------
    
    

Ma ogtahay curyaankaba cago looma waayine, caynkaa wax loo yidhi, kuwa cararayee ladan, inay ku cibra qaataan.


Xasan Xaaji Cabdilaahi, oo ku magac dheer Xasan Ganey, waxa uu ka mid yahay Abwaanada, soomaalida ee aadka loo jecelyahay murtidooda. Inta badan waxa lagu kala tilmaamaa abwaanada in midba wax gaar ah, uu si fiican ugu soo bandhigo maansadiisa. Xasan Ganey, waxa u seemman, ama lagu tilmaansadaa dhaqanka iyo deegaanka oo uu si xarrago leh ugu raaxaysto maansadiisa. Xasan waxa uu soo caan baxay badhtankii, todobaatanaadkii, sida aan maqlay, waxa uu caan noqday isla rawaayaddiisii koowaadba. Waxa uu markii hore ka mid ahaa Ciidamadii xoogga dalka ee Jamhuuriyaddii soomaalida ee burburtay. Xasan, oo maalmahan ku sugan carriga Ingiriiska ayaan jeclaystay bal in aynu yara eegno meelaha aan ka go'in dhegaha dadka jecel maansada soomaalida ee quruxda badan.

Bal aan ku horrayno, isagoo la hadlaya caashaqa, oo leh dhallinyarada, dhibaato ayuu ku hayaa: 

"caashaqani, muxuu gabay,
laba guusha wada jecel, 
god muxuu ku kala riday, 
laba guur isku ogaa, 
geerida mid yidhi hoo" 

Caashaqani muxuu gabay,
Laba garasha dheeraa,
gal muxuu ku kala xidhay,
Laba buurihii golis,
Midba gees ka joogo.

Heestaa oo uu qaado Xasan Adan Samatar, waxa ay ka mid ahayd heesihii loogu jeclaa todobaatanaadkii iyo siddeetamaadka horraantiisii. Waa hees dareen ka bixinaysa, sida lammaanaha isjecel, ay xaaladdani la soo gudboonaato ay murugada u leedahay.

Ma ogtahay curyaankaba
Caga looma waayine
Caynkaa wax loo yidhi
Kuwa cararayee ladan,
Inay ku cibra qaataan.

Soo dhaaf, waxa aad dib u xasuusataa. Sayloo gu'yaal badan, baa ka mid ah heesaha ama maansooyinka ilaa maanta aadka loo jecelyahay. Waxa heestaa wada qaada Sahra Axmed Jaamac iyo Xasan Aadan samatar, waxaana erayadeedii ka mid ahaa:


     Sayloo guyaal badan
      Soo baxa kaliishii
      Seelseelna loo degay
      Sannad geelu badi dhalay
      Oo sidigtii Laalays
      Nirguhu aanay socod baran
      Reeraha sintoodiyo
      Kaymo saar leh loo dhigay
      Oo igadh mid yari sabo
      Maqaar lagu salaaxay
      Saameeshay gaawaha
      Oo baarqab soohani
      Isagoo ah laba-sabar
      Soofeeyey micidoo
      Ka sanqadhiyey doobtii
      Salaaddiina roorsaday
      Ugabkii u saniyo
      Surmo dheer la tiigsaday
      Saqdii dhexena roob helay
      Subixii bariisada
      Sidoodaan jalleecada
      Saxansaxo udgoon badan
      Sanka kuula raacaa
    
      Sahra Axmed Jaamac:
    
      Sange subag idaad iyo
      Sumal badhidii lagu shubay
      Ooy sabada ceelkiyo
      Sohdu tahay agtiisoo
      Loogu dhaansho sacabada
      Oo Sudiyo Howd sare
      Seddex guure daaqoo
      Weli aan sedyari arag
      Oo seeto iyo dabar
      Labadaba ka saahiday
      Oo salow dagaal iyo
      ninkii geyin saraayaha
      Oo sararta naaxdiyo
      Timuhu ay isku seexdeen
      Oo seyn-gargorkii
      Loo salaaxa guudkoo
      Saxarkii ku duuliyo
      Looga mayro siigada
      Loo saaro kooraha
      Cigalkiina loo sudhay
      Sarajoogga iyo muuq
      Sankuneefle kaligaa
      Adaa suuraddiisa leh
    
      Xasan Aadan Samater:
    
      Sagal gaaxday roob subax
      Seermaweydo ku onkodey
      Waaguna ku sarakacay
      Sarajoog nin dhererkii
      Cadceedduna la siman tahay
      Nuurkuna sagootiyey
      Oo waqal sindadab iyo
      Guulaamo socotiyo
      Kala soocday dhibicii
      Oo midab sibaaqiyo
      cadaan wada siraatiyo
      madoow suul-dhalaal xiga
      Seddexdaa miduun yahay
      Qof suureeyey kala garan
      Oo beel Sanaagiyo
      Ku surmiday saraar godan
      Saadaalinaysoo
      bal halkuu ku simo iyo
      Sugayaan inuu helo
      Subixii bariisada
      Sidoodaan jalleecada
      Saxansaxo udgoon badan
      Sanka kuula raacaa
    
      Sahra Axmed Jaamac:
    
      Dhulku saacu wada gaadh
      Waanu kala sed roonyee
      Meel idaha seel u leh
      Riyahana salool u leh
      Oo geela saar u leh
      Oo dirir sagaariyo
      Sagaal gudcurkuna helay
      Saga xareedaan
      Biyuhuna sunsumayaan
      Oo saawasaawiyo
      Saxal cudur lahaynoo
      Salka looga degay nabad
      Oo saraarta dixidiyo
      Simantahay dareemadu
      Oo sebiga caanihii
      Lagu siiyey golihii
      Habluhuna sibraar iyo
      Dhiilo saabka loo tolay
      Sinta bidix ku qaadeen
      Subixii bariisada
      Sidoodaan jalleecada
      Saxansaxo udgoon badan
      Sanka kuula raacaa
    
Xigasho: farshaxan.com


Heestan, oo sida uu Xasan laftigiisu sheegay, lagula kaftamay in uu deegaanka Sanaag na Abaar ka dhigay (Maansadiisa) Sayla iyo Galbeedna barwaaqo, ayuu sida uu abwaanku sheegay, ka tiriyey maanso kale oo la yidhaa Dhaqan. Taasoo uu si gaar ah uga tilmaan bixinayo quruxda ay leedahay deegaanka Sanaag xilliga barwaaqada. Waxaase daymo mudan habka uu heesta dhaqan ugu sharraxay roobabka iyo noocyadooda, marka barwaaqada dadku sida uu u farxo, ciyaaro, guurka iyo ninka geeljiraha ah iyo xaaladaha ku xeeran. Bal markanna aan yara dhuganno, heesta "Dhaqan" iyo sawirka ay innaga siinayso deegaanka iyo quruxdiisa, dhirta iyo xoolaha. Meerisyadani waa kuwa ka dhigay Xasan Cabdilaahi, abwaan ku caan baxay falkinta maansada ee ku aroorta dhanka dhaqanka, deegaanka iyo quruxda reermiyinimada. Waxa uu ku faanaa, inbadanina ku jeceshay deegaankeenna iyo hab-dhaqankeennii hore. Waxaase lagu kala duwanyahay waa qaabka aad u tilmaanto, erayada aad adeegsato iwm.




Dhoomaha sanaagoo

Daali ay ku dhawdoo

Dhool bari ku jiifsaday

iyo dhibic mahiigaan

Marna dirir dhirbaaxiyo
Miiraale dhaqa iyo
Gudgudaha dhabaandhabay
Dhildhilada u bixiyoo
Dhaan nageeye ku onkaday
Mayayna uu ku dhagagsaday
Mid kalena dhab ugu da’ay

Dharagtooy camuuduna
Kobta dhiica godan iyo
Calcalyadu dhijaamaha
Dhacadiid u jiiftoo
raha doobi dhaaliyo
shinbiraha dhawaaqee
dhawr nooc u ciyayana
dhagtii maqashay jeceshahay

oo daro dhanaantoo
dhaashaday korkeediyo
xarfo rays ay dhaadhiday
xididkeedi dhuunyaday
ka dharqaday biyaha iyo
ubaxoo dhamaysoo
dhambalaha cadaystiyo
maadhu isku dheeliday
baldhooluhuna kala dhacay
dareemaduna dhuuxiyo
kala dhilin caleentii
iyo dhuubki dixiduba

oo geedo dhayla ah
laga dhawro socodkoo
marka aad dhaqaaqdaba
cosob dhaaxa hawroo
dhiidhida ku seexdiyo
rays dhiiqo daaciyo
dhac caleeni leedahay
oo xagar dhamaysoo
man uu cunin dhurduhu wali
oogada ku dhiibshiyo
dhuyuciyo maraagiyo
dhiitacab magooliyo
dhinbiliil galooliyo
qudhac dhamasta leegoo
dhaameel udgoonlihi
dheega isa saartoo
dhirta geedba dhalankii
dheehiisu buuxsamay
marankuna dhexda u galay
saarkuna ku dherersaday

oo gob iyo dheentiyo
dhafaruur bislaatiyo
gomorshaa is dhilay iyo
himir sida hunguri dhubuq
dhuunta kuu maraysiyo
dhabigiyo madheedhkuna
hoobaan dul dhididoo
malab yar oo dhibqayaa
kasoo dhibiqtif leeyoo
midho dhiina bixiyeen

oon ciidu dheged iyo 
dhoobo madaw ahaynoo
dharka kaa halaynayn
oon dhuug wareeniyo
lagu arag dhibiiqoo
jiilaalki lagu dhixin
udubkuna ku dhicin wali
mar habeenku dhaxan wadan
dharaartiina kululayn
dhex-dhexaad hawadu tahay

oon dhac iyo duulaan
dhawr bahal lahaynoo
reeraha is dhinac yaal
dhaabadoodu nabad tahay
maalkiina ugu dhalay

oo dhiilo waawayn
dhanaan iyo dhitiyo ciir
gooni loogu kala dhigay

oo dhooraydii iyo
daba dhoonki geeliyo
dhaydiiday kuraygii

oo dhaayin badisoo
nirgo dhaylo soconloo
yaanay dhiman daraadeed
qaar loogu dhuufoo
dheeraaday kuruskii
edega u dhex jiiftoo
ku dul dhaacatoo godod
dhiiqeen danbeedadu

oo dhaqasho doobloo
ramadkiisa dhawrtoo
dhididkii hablaha iyo
ka fogaaday dhaantadu
isagoo dhadhabid neceb
dhaqso gorof u qaatoo
ka soo buuxshay dhaameel

oo ubad dhalaanoo
danbarkii lafta u dhacay
dhuxulaha ka daadshoo
iyaguna dhadhamin li’I
dhangad loogu qaatoo
dhama waalidkood yidhi

oo rimay dhawaysoo
dhaystii la socon loo
dheega xardhayoo faraw
dhuumatadu qarsoontiyo
dhaqayaha la kala garan

oo baarqab dhibiloo
malaa bil iyo dheeraad
wali dhuuni cuninoo
dhexdu qabasho leeg tahay
koromada dhufaaniyo
dhawr qaalin didiyoo
ka dhexsaaray geelii

oo micida dhaaliyo
dhoolaha is mariyoo
dhiilaabay galawgii

oo doobta dhiifta ah
dhawr goor garaacoo
rakaadiina daba dhigay
dhiriftiina roorsaday
galoof xayl ku dhigayoo
markii uu dhulka u riday
afartiisa dhaadheer
baalaha ka dhaafsoo
dhinacyee markay tidhi
ku dhirbaaxay jeeniga

oo naylo dhaga jeex
iyo galwo lagu dhigay
dhacanta looga qaadoo
mari doodi loo dhigay

oo nugulka dhaadani
waa dhiin lo’deenee
dhasalaalaq reentoo
intoo dhoobi sara kacay
loo yeedhay xayn dhool

oo waylo dhuudaan
dhogortoodu noqotiyo
dharag boodka waxaruhu
qolqolka is dhexyaaceen

oo dhawr gamaanoo
koore ay ku dhididiyo
dhangad lagu xanuunjiyo
bir dhareer ka keentoo 
afka loogu dhaabiyo
dhacsi iyo rogaal galin
dhoodida ka muuqdaan

oon dhaanto iyo sacab
dhalin yaradu daynayn
dhalatooy cadceeduna 
godka ay ku dhawdoo
dharabkii arooryiyo
intaan dheelku sara kicin
is dhextaagtay mina subax

dhugashada sideedaa
dhaayaha ku eegaa
adigana dhargi ogyiin

dhudi kubab dhamaysleey
dhexyar dhabano hoobaan
dhabeel gaari dhaqasho leh
adigaa dheg iyo qurux
rabi kuu dhameeyoo
intaad dumarka dheertahay
dhulka aad ku ababtiyo
dhaqan hooyo weeyaan

Xigasho: barta foolbuugga ee Xasan Cabdilaahi "Ganey"

Rawaayadihii caan baxay waxa ka mid ahaa ee abwaanku allifay: "Bidaari sibiq bay kugu gashaa, Galbeed waa la xoreeyey ee waarsaa gaagixisay, Dab jacaly karin waa iyo Masiibadu adduunyada iyadaa u macallin ah. Ugu danbayn, waxa aan ku dhiirri gelin lahaa inta fursad u heli karta in ay abwaanka ka qoraan, maansadiisa quruxda badan, dhadhanka fog leh ee aan gacan ku jujuubka ahayn ee laabta ka soo go'day. In buug iyo laba iyo saddexba laga qoro ayuu mudan yahay Xasan Ganey. Inkastoo uu gabayo iyo Maanso kaleba leeyahay oo iyagu gaar u taagnaa sida: Saxansaxo, Duufaan, Ka dartaye ma dibibaa  iyo qaarkaleba, haddana waxa uu si gaar ah ugu suntan yahay maansada tilmaanta deegaanka iyo quruxdiisa.

Maanta oo uu joogo London/UK, oo uu kaga qayb gelayo debbaaldegga todobaadka soomaalida, waxa aan u dirayaa salaan gaar ah oo ku socota abwaanka, waxa aan kaloo salaan u dirayaa Ayaan Maxmuud Cashuur oo dedaal dheer ugu jirta siday u shidi lahayd shamacii abwaanadii hore, dhexe iyo kuwa cusub. Gu'gii 2008 oo aan ka qayb galay debbaaldeggaas waxa joogay Abwaan Cali sugulle (Duncarbeed), oo taariikhdiisa fog la wada garanayo.

Weligeed adduunyada, wakhtigaa qof saacida, midna waayahaa xidha, labadaasi waxaan ahayn, horaa looga waayoo, waa nin iyo waagii.


FG: Maansooyinka aan kor ku xusay wixii qalad ah ee ku jira, waa uun qalad qoraal, qofkii soo saxana waan uga mahad naqayaa.

W/Q, Sayid-Axmed M. Yuusuf
Stockholm/Iswidhen
20/10/2013 Axad

Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Falan-qaynta maansada: Quruxda maansada Cabdi Adan (Qays) iyo Maxamed Ibraahin (Hadraawi) Q-3aad

Qaybtan oo ah qaybta ugu danbaysa ee "Falan-qaynta Maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays", waxa aan ku eegi doonaa dhawr maanso oo kookooban. Waxa aan sidii qormooyinkii hore, wax ka taaban doonaa kala duwanaanshaha maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays ee hadana labaduba yihiin kuwo la jecelyahay.

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto.