Fortsätt till huvudinnehåll

Gorfayn: Buugga la magacbaxay "Dhaxalkii Gobanimada", ee ku saabsan IHN, Maxamed I Cigaal


Qoritaanka buug, waa aynu u oommanahay. Waana inoo farxad in aad aragto buugaag afsoomaali ku qoran oo maktabadaha adduunka yaalla. Waxa aan xasuustaa, maktabadaha magaalada Stockholm oo ay yaallaan buug ama laba---meelaha qaarna aan mid keliyaba laga helin. Beryahan danbe waxa soo buuxinaya Maktabadaha Sweden buugaag afsoomaali ku qoran. Waa inoo farxad, tayadoodu haba kala liidatee--dee bar bilaw wanaagsan baa muuqda. 


Intaa, haddaan dhaafo, waxa aan nasiib u helay in aan akhriyo buug la magac baxay "Dhaxalkii Gobanimada" oo ku saabsan hoggaamiyihii Somaliland 1960kii, Maxamed Ibraahin Cigaal, ee mar kalena noqday madaxweynihii Somaliland 1993kii. Laba jeerna loo doortay Raiisal wasaarihii Jamhuuriyaddii soomaalida (Somali Republic). 
    Qofka taariikhda intaa le'eg leh, waa la dareemi karayaa in aanay fududayn sida wax looga qoraa. Waa taariikh ku siman konton sannadood iyo dheeraad. Waa taariikh ay ku duugantahay, xadhig, hoggaamin, dareen, dagaal, dhacdooyin farxad leh, kuwo naxdin leh iwm. Sidaa awgeed ma ay fududa wax ka qoristeedu. Waxa aad weliba raacisaa, halkee looga helayaa tixraac, mar haddaanuu noolayn Maxamed Ibraahin Cigaal. Waa masiibo haysata dadkeena, oo u baahan inta maanta nooli in ay ka fekeraan dhibaatadaa, si aanay dib ugu dhicin.

Buuggu waxa uu ka kooban yahay 166 bog. Jeldiga waxa ku sawiran sawir gobol ah oo M.I. Cigaal ah. Waxa hummaag ahaan uga danbeeya sawir aan is idhi malaa waa Hargeysa, se aanan garan xidhiidhka ka dhexeeya. Laga yaabaa in uu qoraagu u doortay caasimad ahaan. Waxa qoray Maxamed Faarax (Qoti), wuxuuna buuggu soo baxay 06/2013 waa sannadkan badhtankiisii. Qoraalkan aan ku gorfoyanayo buugga, kuma faallaynayo qudbadaha buugga ku jira, balse waxa aan uga hadli si guud iyo dareenkay. 

Marka hore ee horraameed, waxa aan u hambalyeynayaa qoraaga Maxamed Faarax Qoti. Waxa uu u babbac dhigay hawl ballaadhan oo loo baahnaa. Buugga oo aan odhan karo waa diiwaankii qudbadihii IHN, M I Cigaal, oo la soo qoray. Haddaba, marka cod loo bedelayo qoraal, waa waxyaabaha ugu dhibta badan leh. Waaya-arag baan u ahay xoogg iyo wakhtiga gelaya marka cod laga dhegaysanayo cajalad loo rogayo qoraal. Hal bog baa kugu qaadanaya, wakti badan, meelaha qaar baa laga yaabaa in aad fahmi weydo oo aad ku noqnoqoto dhawr jeer. Marka buugga aan dhankaa iska taago waxa uu qoraagu innaga mudanyahay hambalyeyn iyo bogaadin. 

Intaa ka dib, waxa aan waxyar ka odhan doonaa, qaybta hore oo kooban, laakiin nasiib darro ay ku jiraan qaldaad badani. Qaybtaas oo aan u arko in loo baahanyahay in aan lagu qaldamin, qoraaguna ay tahay in uu dib u saxo. Bogga 13-aad waxa kaaga muuqanaysa  " Ururkii SNL (Somali Youth League) waxa uu helay 20 kursi" SNL iyo magaca hormada ku jira, isma laha oo marka la soo gaabiyo, qormadaasi waxa ay noqonaysaa SYL. Ma sidaasaa.? Maya waxa aan u qaatay in qoraagu qaldamay, ciddii la saxaysayna ay la qaldameen, mana aha qalad madbici ah ee waa qalad qoraagu xilkeeda leeyahay. SNL waxa magaceedu ahaa Somali National League oo marka la soo gaabiyo ah SNL. Qaladkaasi waa qalad aan loo baahnayn in uu galo buug gaadhaya dhul kala fog, oo dhigmaya inta adduunku jiroba. Waxa jirtay SYL oo fadhiggeedu ahaa Muqdisho, sidaa darteed, qoraalkani, waxa uu bixin karaa sawir qaldan, inkastoo qoraagu qoray SNL, haddana faahfaahintii magaca wuu qalday oo wuxuu ka dhigay "Somali Youth League", oo marka la soo gaabiyo noqonaysa SYL.

Bogga 15-aad, sidan baa qoran:

"Alla ha u naxariistee M.X.I Cigaal wuxuu noqday hoggaamiyihii u horreeyey ee soomaali-land ka dib markay xornimadeeda heshay 26 juun sannadkii 1960. 1-dii julay sannadkii 1960kii markii gobolada koonfureed ee Soomaaliya ay iyana xornimadoodii ka qaateen dawladda talyaaniga oo ay dhalatay jamhuuriyadda Soomaaliya. M.X.I Cigaal oo hoggaaminayey wefdigii Soomaali-land wuxuu noqday wasiirkii gaashaandhigga ee ugu horreeyey Soomaaliya sannadkii 1960kii."

Intan iyo dhawr meelood oo kaleba waxa lagu wareerayaa magacyada: Soomaali-land, Somaliya, koonfurta Somaliya. Waa marka hore'e magaca Soomaali-land, lixdankii ka horna sidaa looma qori jirin, maanta oo Somaliland dal tahayna sidaa hore looma qoro. Iyadoo shaqalka ku dhawaaqistu dheeryahay ayaa haddana Somaliland loo qoraa Somaliland. Haddii hab kale loo qorayo, waxa habboon in ay ka soo baxdo hay'adaha qaabilsan, si xeerka waafaqsanna loo gaadhsiiyo dadka oo dhan. Waxa aan filayaa, in qoraagu aanuu halkaa isagu kaba eegin. Waxa laga yaabaa in la yidhaa, oo maxaa ku jaban.? Waxa uu saamayn ku yeelan karaa jiilalka danbe mar haddii qoraalku buug yahay, dabcan la soo saxay oo la soo lafa guray, dee in laga fiirsado weeye oo wax laga midaysanyahay la qoro. Magaca Somaliland, waa magac dal uu leeyahay, in si isku mid ah loo qoro ayaa habboon.

Somaliya, waxa aad garanwaayeysaa qoraagu halka uu u yaqaan Soomaliya. Waxa aynu ognahay 1960-kii in la dhisay Jamhuuriyadda Soomaalida ama Soomaaliyeed (Somali Republic), markii Miilleterigu afgenbiga kula wareegay xukunkana waxa laga dhigay Jamhuuriyadda Dimoqraadiga soomaaliyeed ama soomaalida. Xuduud ma ay lahayn Jamhuuriyaddaasi, waxa u qornaa oo xeerka dastuurka ku qornaa, in xuduudaha jiray ay yihiin (Soohdimo been-beenaad) Sidaa awgeed magaca Jamhuuriyadda Soomaalida, waxa uu midaynayey shan qaybood oo kala ahaa: "Jabuuti, Somaliland, Soomaaligalbeed, Qaybta Kiiniya la raaciyey ee loo yaqaannay (NFD) iyo Somaliya. Sidaasaa loo yidhi Jamhuuriyada Soomaalida, macnuhuna waa Jamhuuriyaddii dadka soomaalida. Xad iyo xuduud waxa u ahaa meesha dad soomaaliyeed joogaan. Magaca Somaliya waxa uu ku koobnaa qaybtii looga talin jiray Magaalada Muqdisho. Laakiin marnaba diiwaanka sharciga ah ee dalka soomaalida ma gelin wax la yidhaa Somaliya--waase magac fudud oo kollayba hadalkeenna ku badan. Marka se aad wax qorayso ka fiirso, oo qor magaca dastuurka dal leeyahay waxa ugu qoran. Ruushka waxa la odhan jiray USSR maantana maxaa la yidhaa? Laakiin dabcan innagu marka aynu tilmaamayno weli waxa aynu nidhaahnaa dalka Ruushka. haddiise aad qorayso buug oo aad dalka Ruushka ka hadlayso magaca dal ahaan ugu jira dastuurkooda ayaad qoraysaa. Sidaa awgeed qoraaga, waxa aan leeyahay halkaa dib u eeg oo raadi magaca saxa ah ee Jamhuuriyaddii soomaalida.

Koonfurta Somaliya: markanna halkee noqonaysa waqooyiga Somaliya? Waa lagu jahawareerayaa qoraalka magacyada sidan isu dabraya. Dabcan dadka caadiga ah wax dhib ah kama jiro, laakiin ka qoraa ahaan waa laba xaalo mid uun sababta murgisa magacyada sidan ah. 1) Qoraa u badheedhaya, ujeeddona ka leh, oo inta badan waa marka la doonayo in la qariyo magaca Somaliland. 2.) qoraa aan dareensanayn, waana sida aan is leeyahay qoraaga buuggan "Dhaxalkii Gobonimada" kama dareenqabo magacyada sidaa isugu soo noq-noqda, oo kala macno ballaadhan.

Xadhigga IHN Maxamed Ibraahin Cigaal, waxa aan dareemay in qalad ku jiro. Haa, waxa la xidhay 1969-1975kii intaa waan hayey, waa la sii daayey safiir buu ka noqday Indiya, mar kale ayaa la xidhay ilaa 1976-1981- laakiin maan hayn in haddana dib loo xidhay oo la sii daayey 1985kii. Waxa uu qoraagu qoray sidan: 

"Wuxuuna Cigaal xabsiga ku jiray 1969kii ilaa bishii feberweri 1981kii marka laga reebo muddo sannad ka yarayd oo ahayd 1975kii ilaa iyo 1976kii, ayaa loo magacaabay inuu noqdo danjiraha Somaliya u fadhiya New-Delhi ee dalka Hindiya ka dibna isla markiiba xabsiga ayaa lagu celiyey, waxaana mar kale xabsiga laga sii daayey 1985kii."

British protectorate. magacaas oo ku jira bogga 17-aad--dabcan, waa la garanayaa ujeedada qoraaga, oo waxa uu u jeedaa dalkii la odhan jiray British Somaliland Protectorate, oo macnuhna ahaa uun dalka somalida ee ingiriisku ilaaliyo. U fiirso marnaba maynu soo marin wax la yidhaa gumaysi, ilaalin wax ka badan oo dalkeennu soo maray ma jirin. Qoraagu, mar haddii uu qalin u qaatay wax dhigmaya in uu magacaa sixi waayaa waa gef. Magaca in uu ka saaro "Somaliland" oo uu qoro "British Protectorate" maan fahmin sababta ciddii saxaysay u ilduuftay. 

Cigaal Shirkii Burco 1991kii ayuu ka qaybgalay.

 Qodobkani, waxa aan is idhi xog badan ayaanu qoraagu hayn ama waa uu u badheedhay. IHN, Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal shirkii Burco ee beelaha Somaliland, ku qabsadeen bishii Mey 1991kii kama uu qayb gelin U fiirso "kama qaybgelin" balse wuu soo booqday oo xogwaraysi ayuu ugu yimi---shirka se qayb kama ahayn, waxa uu shirguddoon ka ahaa shirkii Jabuuti ugu qabsoomay reer Somaliya ee uu gogosha u fidiyey Xasan Guuleed Abtidoon, madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti. Taariikhdu maaha in ay qalloocanto, oo sida aynu jecellahay u qorno. Waxa mar kasta ila habboon in sida ay ahayd loo qoro. Xilligaa IHN Maxamed Ibraahin Cigaal, kama muuqan taageero buuxda oo uu u hayey goonni isu taagga Somaliland, dabcan siyaasadda meelo durugsan buu wax ka eegayey. Muddo markii uu falanqeeyeyna waxa uu go'aansaday in uu si buuxda u taageero goonni u taagnida dal ahaaneed ee Somaliland. Wax ceeb ahna maaha, laakiin malaa qoraagu waa uu u badheedhay in uu sidaa buugga u dhigo.

Xubnaha baarlamaanka, oo uu ka mid ahaa Jaamac Cabdilaahi Qaalib, (Ina Diirqadhaadh" waxa qoran beeshiisa C/Gale/bulale, oo aan dhan aan u saaro garanwaayey, waxa aan ka wadi waayey Ciidagale, reer Buraale, in uu u jeedo qoraagu. Qoraalku waa muhiim in laga fiirsado sida uu saxa ku yahay. Waa in ugu yaraan laba qof kaa saxaan buugga intaadan daabicin.  

Magaca buugga, waa magac wanaagsan, laakiin waxa habboon in buugga magac-hoosaad ama magac-yare la raaciyo, mar haddii aanuu ahayn buug taariikhdii Maxamed I Cigaal, ka warramaya ee uu yahay buug xanbaarsan oo dhabarka u ritey, qudbadihii marxuumka. Sidaan horeba u tibaaxay, waa hawl aad u adag, oo uu ku ammaanan-yahay qoraagu iyo intii la hawl gashayba. Waxaa se lagu qaldamayaa, buugga muuqaalkiisa iyo magaciisa marka ishu ku dhacdo, qofna kama sugayo qudbado ee waxa uu filanayaa qofka arkaa buuggii sooyaalkii marxuum M.I.Cigaal. Sidaasaan u odhan lahaa, magac-yaraha buugga ha ka dhexmuuqato in buuggani yahay qudbado.  Xataa waxa la qori karaa, Cigaal iyo Siyaasadda, Cigaal iyo Halgankii gobonimo doonka, Cigaal iyo Somaliland ta cusub, Cigaal iyo waayihii xabsiga .... iyo in kaloo badan.

Waxa aan ku dhiirri gelinayaa dhammaan, inta maanta haysa taariikh qof muhiim ahaa, oo taariikhda ku suntanaa ama tiirarka maanta nool in ay inoo weeleeyaan, taariikha sooyaalkooda. Waayo waxa ku taxan, taariikh mug leh oo wax badan laga faa'iidi karo. Tiirarkaa waxa aan si gaar ah uga tilmaamayaa, madaxwenaha maanta Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), qofkastaaba farriintaa ha gaadhsiiyo qofka uu is leeyahay waa waayo arag sooyaalka ku suntan.

Intani waa meelo kooban oo ku jira buugga horraantiisa. Buuggan oo kale in la gorfeeyaa, waa lagama maarmaan si uu u soo baxo daabacaaddiisa danbe mid hufan oo laga haadiyey bidhiiqa. Qoraa kastana waxa saxa dadkiisa u ah akhristaha. Qof aan qaldaminna maba jiro, ee in la isa saxo waxa inna faraysa banii'aadamnimada, dadnimada iyo Islaamnimada. Waxa aan mar kale leeyahay qoraaga buugga Maxamed Faarax Qoti, waad dedaashay oo xilli badan baad gelisay, oo waan hubaa qoraalka laga dhigay codkii ku duubnaa cajaladaha in aanay hawl yar ahayn. Sidaa awgeed hambalyo ayaan ku leeyahay, meelaha aan dadka la wadaagay iyo adigabana, waa iga sixitaan, iyo dareen mug leh in lagu eego buugga.

Ugu danbayn, waxa aan Ilaahay uga baryayaa, in uu jannooyinkiisa, ka waraabiyo Maxamed I Cigaal, oo haatan sii mootan in ka badan toban sannadood. Qoraaga oo ah Maxamed Faarax Qoti waxa aan leeyahay hambalyo, Ilaahay ha kaa abaal mariyo dedaalkaaga. Aamiin.


 Sayid-Axmed M Yuusuf (Dhegey)
27/10/2013 Iswidhan/Stockholm

Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.

Falan-qaynta maansada: Quruxda maansada Cabdi Adan (Qays) iyo Maxamed Ibraahin (Hadraawi) Q-3aad

Qaybtan oo ah qaybta ugu danbaysa ee "Falan-qaynta Maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays", waxa aan ku eegi doonaa dhawr maanso oo kookooban. Waxa aan sidii qormooyinkii hore, wax ka taaban doonaa kala duwanaanshaha maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays ee hadana labaduba yihiin kuwo la jecelyahay.

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto.