Fortsätt till huvudinnehåll

Habeen taariikhi ahaa: "Ururka Qoraaga Somaliland oo cashosharaf u sameeyey tartamaha jagada madaxweynenimo ee Somaliland Md. Jamaal Cali Xuseen".


Habeen taariikhi ah buu ahaa, habeenkii salaasaad ee taariikhdu ahayd 01-10-2013. Waxa ay ahayd bil bilawgeed, goob aad loo sii habeeyey bay ahayd, aadna loo qurxiyey. Waa goob ku taalla Stockholm dhinaceeda waqooyi. Waxa madasha ku sii diyaar ahaa, xubno ka tirsan Ururka Qoraaga Somaliland markay goorsheegtu ahayd 19:00. Waxa ay kala ahaayeen, Xubnaha goobta isugu yimi ee ka tirsanaa UQS, Cumar X. Bile Aadan, Yuusuf X. Cabdilaahi Xasan, Maxamed Xirsi Guuleed, Muuse Maxamuud Ciise iyo aniga oo ah Sayid-
Axmed Maxamed Yuusuf. Xubnaha habeenkaa ku kulmay casha/sharafta waa ay bad-naayeene waxa aan ka xusi Md, Jamaal Cali Xuseen, oo ka mid ah bahda UQS, ahna u tartamaha jagada madaxweynaha Somaliland, Xildhibaan Ifraax Kirix, Dr, Maxamed Yuusuf iyo Sahra Axmed oo ku magac-dheer (Sahra-Halgan).






Md, Jamaal Cali Xuseen, waxa uu in muddo ah-ba ka mid ahaa bahda Qoraaga Somaliland, waxa kale oo aniga ii dheeraa in aanu muddo dheer ku wada jirnay Ururka Somaliland Forum, oo xubnihiisu ay kala joogaan dacallada adduunka, dhammaadkii sagaashanaadkii ilaa horraantii 2005. Xiise gaar ah bay ii ahayd in aan la kulmo Jamaal, oo aan aqoontaa u lahaa, balse aanaanu toos u kulmin. Soo dhawayn iyo is bariidin ka dib, waxa la fadhiistay goobtii loogu talo galay in la fadhiisto. Cashasharafta oo uu fidiyey Ururka Qoraaga Somaliland oo fadhiggiisu yahay Stockholm, waxa uu si diirran u soo dhaweeyey Jamaal Cali Xuseen. Waxa hadalka bilaabay aniga oo tilmaamay, in ay noo tahay farxad kulanka aanu la kulannay Jamaal, oo ka mid ah bahda Ururka. Hadal kooban ka dib, waxa si rasmi ah u furay Cumar Xaaji Bile Aadan, oo ku furay hadal isugu jiray duco iyo furitaanba.




Intaa ka dib, waxa hadalka la wareegay, Yuusuf Xaaji Cabdilaahi Xasan, oo hadalkiisii ku soo afmeeray, guddoonsiin uu Jamaal guddoonsiiyey laba buug oo uu Yuusuf qoray. Wax yar ka dib na waxa hadalka mucdiisii oo talo, tusaale, gubaabin iyo ducaba isu raaciyey Maxamed Xirsi Guuleed. Ducadu waxa ay ahayd, haddii tartankaasi khayr kuu yahayna, dalka iyo dadkana u yahay Ilaahay ha kugu guuleeyo, haddii kalena Ilaahay ha kaa fogeeyo. Ducadaas oo uu Jamaal laftigiisuna yidhi, horeba ducadaas baa ii ahayd hal-hays. Hadaladii xubnaha reer Stockholm, markay muhiimaddii dhammaysteen, ayaa eraygii ku habboonaa madasha la siiyey Jamaal, oo si fiican uga mahad-celiyey casho-sharfta uu Ururku ku qaabilay. Waxaanuu si kaftana u yidhi "Idinka mid baan ahaa, imminkana idinka mid baan ahay".




Habeen aad loo kaftamay, wax la is tusaaleeyey, la is bartay buu ahaa habeenkaasi. Waxa sheegid mudan talooyinkii iyo tusaalayaashii ay xubnaha Ururku la wadaageen, musharraxa u tartamaya jagada madax-weynenimo ee Somaliland oo ahaa kuwo dhiirri-gelin iyo wanaag-doon u badnaa. Waxaase tilmaan mudan talooyinkii uu Muuse M Ciise u soo gudbiyey Md, Jamaal. Kuwaaso dhammaan xubnihii madasha fadhiyey ay u guuxeen. Dabcan xubnaha ururka Qoraaga Somaliland, ma taageero xisbi keliya, waana lagu kala geddisnaan karaa fikradaha. Waxaase mideeya ururkooda oo ay ku midaysanyihiin afkaarta aasaaska u ah Ururka. Dhanka siyaasadda, waa lagu kala duwanyahay, waana sida ugu qurxda badan ee horumarka lagu gaadhi karo. Laakiin, Jamaal Cali Xuseen qof ahaan buu ka mid ahaa Ururka, sidaa awgeed wuu nooga dhawyahay in badan oo kale. Talada aanu habeenkaa u badnayn, waxa ay ahayd, isbeddel doon ha kaa muuqdo. Waa in aad beddeli kartaa dhaqanka yooyootanka ee indhawayd xadhko-goostay. Waa in lagu bedelaa, tilmaan iyo is toosin. Soo bandhigidda, aqoontu ha noqoto ta hagaysa diiradda, aqoonta oo badka lasoo dhigo ayaa kalsoonidu ku jirtaa. 




Hadyadihii, la guddoonsiiyey Jamaal, waxa ka mid ahaa oo kale, buugga "Socdaalkii dheeraa", oo aan anigu qoray, buugga "Salaynta iyo kala dhigdhigga afsoomaaliga" oo uu qoray guddoonsiiyeyna Cumar X. Bile Aadan, Rawaayadda Tayo-beelka carruurtu waalidbuu tebayaa oo uu allifay Muuse M Ciise oo uu isla isagu guddoonsiiyey. Waxa kaloo isla doonasho ahayd in Casha-sharaftaa lagu casuumay Sahra Axmed "Sahra halgan" oo iyadana had'yad ahaan loo siiyey Rawaayadda Tayo beelka Carruurta...oo uu guddoonsiiyey Muuse M. Ciise iyo aniga oo milgo ahaan u siiyey buugga "Socdaalkii dheeraa".




Ugu danbayn, waxa hadalkii soo gunaanaday, xildhibaan Ifraax kirix, oo si guubaabo ah oo guud ahaaneed uga hadashay musharraxnimada Md, Jamaal Cali Xuseen iyo bahda Ururka Qoraaga oo ay talooyin siisay. Waxaanay tilmaantay in la dhiirri geliyo qofkii dadku u arkaan in uu aqoon iyo daacadnimo wax ku hoggaaminayo. Habeenkaas oo taariikhi ahaa, si fiican oo deggen oo habaysan buu noogu dhammaaday.




Ilaahay Baa mahadleh, qofkii aaminaa awood leh!
Nabad iyo Caano


Guddoomiyaha Ururka Qoraaga Somaliland
Sayid-Axmed M. Yuusuf (Dhegey)
03/10/2013 Stockholm/Iswidhen
------------------------


Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.

Falan-qaynta maansada: Quruxda maansada Cabdi Adan (Qays) iyo Maxamed Ibraahin (Hadraawi) Q-3aad

Qaybtan oo ah qaybta ugu danbaysa ee "Falan-qaynta Maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays", waxa aan ku eegi doonaa dhawr maanso oo kookooban. Waxa aan sidii qormooyinkii hore, wax ka taaban doonaa kala duwanaanshaha maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays ee hadana labaduba yihiin kuwo la jecelyahay.

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto.