Fortsätt till huvudinnehåll

Xusuus hore iyo jiiftadii "Gobonimooy maxaad tahay?"


FG: Jiiftadani waxa ay soo baxday taariikhda hoosta ku xusan. Waase iga xusuus iyo wax is dabadhigga maansada qalin ku rimmiska ah ee beryahan xoogga badan, ee itaalka yar. Kaftan aan turxaan lahayn. Dooddan waxa sannadkii 2007da bilaabay Jamac Muuse Jaamac, oo carriga talyaaniga deggen, waxa uu xilligaa gacanta ku hayey buuggii "Gobonimo Bilaash maaha". Dooddanina waxa ay ka dhalatay buuggaa iyo Jaamac oo diiradda saaray erayga gobonimo iyo macnihiisa. 


Barinaye, ma barideen.!!

Galabta oo bishu tahay 25/04/2007 ayaan jiftadan gole-ka fuulay. Waxaan arkay maansooyin aad u quruxbadan oo Abwaan Jama M Jama iyo Ismaaciil Cawad isdhaafsadeen. Waa maanso la magacbaxday "Gobonimo". Waxaana bilaabay Jama oo deggen dalka Talyaaniga. Anigoo fahamsan ujeedada hore ee maansada, ayaan doonay in aan doodda yara kordhiyo. Markaan arkay halqabsiga uu Jama ku halqabsaday abwaanno badan, ayaan qaatay jiiftadan kooban ee la magacbaxday "Gobanimooy maxaad yahay" ama macnahaa?

Waxayna leedahay (Gobonimooy Maxaad Tahay?)

Xilligaa is gurayoo
Gelbinaaya kii hore
Gu'gayguna sidaasuu
Gabawgii ku siqayaa

Waxaan uga gol leeyahay.
Waaya-arag gabooboo
Gu'yaal iyo gu'yaal
Garta jilibka aasoo
Bulshadeenna giiggaa!
Garanaaya baan ahay.

Ina-Gurey godkiisii (Jamac M Jama)
God wanaagsan weeyaan
Loo guuxay weeyaan
Lagu guuray weeyaan!

Geesigii gadoodaye
Galka seefta kala baxay
Geeska bari Suldaankii  (Ismacil Cawad)
Gantaalada ka soo riday.
Isna inaan gartiisii
Ka garaabay baan furay.

Waxse aanan garanoo
Garaadkayga maaloo
Igu soo gurguurtoo
Ii soo gabbadayoo
Aan goconayaa jira

Macnihiisa guud-iyo
Haddii erayga garashada
Ninba gees ka joogsado
Oon idhaa guddoonshoow
Gobonimooy maxaad tahay?

Ma giriifin maansada
Nin kastoo garaad fogi
Dulucdayda wuu garan!
Afartaa gar ii xidhan

Hoos aan u sii galo
Jiiftada godkeedii
Ma haleelay garabkii
Geeskii birta ahaa.

Gulufkiyo colaadaha
Haddii beel gadoodsani
Ku geeraarto beel kale
Geeridu xaqweeyee,
Garabkii kaleetana
Gobanimay u dirirtaa

Su'aal guuna weeyee
Gobanimooy maxaad tahay?
Shaxdu ii gammuuran
Inta aanan garanayn
Gobonimo waxay tahay?

Ha la saafo gobonimo
Ha la raadsho godkeeda
Ha la doono galkeeda

----------------------------------------------------
Sayid-Axmed M. Yuusuf
Sweden

Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.

Falan-qaynta maansada: Quruxda maansada Cabdi Adan (Qays) iyo Maxamed Ibraahin (Hadraawi) Q-3aad

Qaybtan oo ah qaybta ugu danbaysa ee "Falan-qaynta Maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays", waxa aan ku eegi doonaa dhawr maanso oo kookooban. Waxa aan sidii qormooyinkii hore, wax ka taaban doonaa kala duwanaanshaha maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays ee hadana labaduba yihiin kuwo la jecelyahay.

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto.