Fortsätt till huvudinnehåll

Habeen ka mid ahaa habeennada Somali Week Festival W/Q, Mustafe Aadan Nuur.../London-UK



Buugga afsoomaaliga lagu qoro iyo akhristihiisa soomaaliyeed waxaa dhexyaalla xayndaab weyn. Isma gaadhaan, oo buugguna qol buu ku daayimaa akhristuhuna cidluu fadhiyaa oo kuma baraarugo erayga qoran iyo wuxuu ka dheefi lahaa. Qorayaasha afsoomaaliga wax  ku qora tacab koodu wuxuu u baahan yahay in gacanta laga saaro akhristihii. Kolkaasi ayuu buugguna buug noqonayaa, qoruhuna uu ogaan karayaa farriintii uu buuggu siday heerkay taagnayd. Akhris ku guud ahaan waxa uu la mid yahay dhammaan baahiyaha kale ee nooluhu u baahan yahay goor walba. Weliba akhrisku waa baahi maalin leh ah ama goorwalba taagan.


Haddaba barnaamijka lagu magacaabo Somali Week Festival oo sannad leh ah  laguna qabto magaalada Landhan ee cariga Iglan waxa uu kulmiyaa dad ka soomaaliyeed iyo xadaarraddoodii dhaqan, suugaaneed iyo weliba aqooneed. Waxaa loogu yeedhaa Toddobaale (Week) haseyeeshee waxa uu si rasmi ah u socdaa toban cisho. Tobankaa habeen ayuu intaasi meel iskugu keenaa. Habeennadaa koobani waxay hiil u yihiin oo ay soo aakhiro toosiyaan dhammaan qaybahaasi iyo halabuurkoodii. Intii ka dambaysay burburkii, Somali Week Festival waa goobta keliya ee sannadlaha ah ee la isku xasuusiyo laguna kaydiyo dhaxal kii dadka soomaaliyeed ee buug lahaa, ee suugaan lahaa, ee aqoon iyo xaddaarad kale lahaa.

Habeenkii ay taariikhdu ahayd 25 kii  Oktoobar, waxa uu ahaa habeen loo gaar yeelay in buugga iyo akhristuhu ay is arkaan. Habeenkani waxa uu caddeeyay in dayrka u dhexeeya akhristaha iyo buugga la dumin karo. Run ahaanna dayrkaasi habeenkan wuu dumay.

Waxaa ka soo qayb galay qiyaastii labaateneeyo qoraa oo soomaaliyeed iyo buugtii ugu dambaysay ee ay qoreen. Waxay ka kala yimaaddeen dalalka Norway, Iswiidhen, Denmark, Maraykan, Kanada, Talyaaniga, Jabbuuti, Finland, Imaaraadka oo ay kusoo biireen qoraayadii dalkan UK deggannaa. Sida loo agaasimay iyo siday codkooda u gaadhsiiyeen ka soo qayb galayaashii ayaa iyaduna ahayd hab cusub oo xiiso badan. 10 ka mid ah qoraayadaas mid waliba waxa uu wax ka akhriyay buuggii ugu dambeeyay ee uu qoray iyo buug uu qoraa kale oo aan isagu goobta ku sugnaynni uu qoray.

10 ka qoraa iyaga oo midi ba  meel gaar ah taaganyahay ama fadhiyo ayay kol keliya akhriska isku dareen oo kor u wada dhawaaqeen. Tiyaatarkii ayaa qaylo isla oogsaday!. Kasoo qayb galayaashii oo aan waxba loo sii sheeginna afkay gacanta wada saareen. Dhegtooduna waxay haleeli wayday in ay buugtaa mar la wada akhriyay wax ka maqasho. Kolkii qore waliba uu dhowr tuduc cirka kaga dhawaaqay iyaga oo aan isdhagaysannayn ee waxba laga fahmi waayay, ayay haddana aayar aayar hoos u dhigeen codkoodii sidii raydhyow sii falaagaya. Markuu codkii dhammaaday, waxaa iska sii watay mid ka mid ah qoraayadii oo si wacan u maqashiiyay ka soo qayb galayaashii. Sidaasay ku wareegtay oo kolba akhriste qayb ka mid ah buuggii uu qoray iyo mid uu qore kale qoray dadkii u maqashiiyay. Kolkii ay dhammeeyeen, waxay haddana wax ka sheegeen buuggooda ay subciskaasi kaga qayb galeen iyo  buugga aannay qorin ee ay dadka maqashiiyeen.

Ugu dambaynna waxaa dadweynnihii u soo koobay ujeedada uu habeen kaasi lahaa Jaamac Muuse Jaamac oo ah isku duba-riddaha barnaamijkaasi. Waxa uu iftiimiyay in ujeeddooyinka laga lahaa jilista noocan ahi ay ahaayeen saddex arrimood oo waaweyn:

1. Kolka buugta la subciyay ee qorayaashu mid waliba isaga oo aan dhegaysannayn ka kale uu buuggiisii iskaga dhawaaqay waxaa looga jeeday sida aannay soomaalidu isku dhegaysan kolka ay meel iskugu yimaadaan. Ugu dambaynna halkaa looga dareero iyada oo aan waxba la kala faa’iidin.

2. Akhriska dambe ee uu qore keli ahi maqashiiyay qayb buugga uu akhriyay ka mid ahina waxay tilmaammaysay, in akhristuhu uu la saaxiibi karo buugga, oo la sheekaysan karo, buuqa madhanna kaga maarmi karo. Sidoo kale waxa ay markhaati u ahayd in qof wax akhriyay uu haysto waxa uu gudbiyo oo dadka u sheego.

3. Qodobka saddexaad waxa uu ahaa mid isna guul weyn habeenkan u ahaa buugga iyo qoraha ba: waxa uu isku soo dhoweeyay oo gacmaha isku saaray buuggii iyo akhristihii. Waxa uu noqday habeen ay is gaadheen oo kulmeen buuggii iyo akhistihii.


W/Q, Mustafe Aadan Nuur

manmustafa@gmail.com
London / UK


Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.

Falan-qaynta maansada: Quruxda maansada Cabdi Adan (Qays) iyo Maxamed Ibraahin (Hadraawi) Q-3aad

Qaybtan oo ah qaybta ugu danbaysa ee "Falan-qaynta Maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays", waxa aan ku eegi doonaa dhawr maanso oo kookooban. Waxa aan sidii qormooyinkii hore, wax ka taaban doonaa kala duwanaanshaha maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays ee hadana labaduba yihiin kuwo la jecelyahay.

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto.