Fortsätt till huvudinnehåll

Ku: Guddoomiye Saleebaan M. Aadan (Geelle) iyo Guddida Joogtada ah ee Golaha Guurtida "Guurtiyeey garasho yeelo"

Golaha Guurtida Somaliland, oo ka soo unkamay shirkii Caddaroosh ee 1989kii, waxa uu keenay faa'iido aad u ballaadhan. Dadka qaar faa'iidadaasi uma muuqato, oo waxaabay u arkaan in golahaas aan looba baahnayn. Qolada diiddani, waxa ay ku eedeeyaan golahaasi, in aanay ku jirin dad aqoon leh. Waxa la yidhaa waa golaha kortdhinta aan sharciga ahyn!!. In badan oo aan ka mid ahayna waxa aanu golahaas u naqaannaa "Jooharaddii Somaliland heshay". Waa golaha badbaadinta, waa golaha, turxaan bixinta, waa golaha run ku dhaqmidda, waa golaha keliya ee xeerka dalka fahamsan. Xeerka dalku waa ka nabad ku wada noolaan-shaha beelaha dantu midaysay.





Intaasi waa iga hordhac.

Golaha Guurtida, waxa lagu soo xulay hab beeleed. Laakiin maanta waa uu ka sii socdaa, wuxuuna u sii xuub siibanayaa, hab aan laba garanayn, qaabka golahani ku dhisanyahay. Guurtiyeey, berigii hore dee guurti baa la guri jiray, geedkaa la tegi jiray. Waxa aan qiyaasayaa, in aad wada xasuusan-tihiin murtidii Suldaan Diiriye, oo Suldaan ahaa Q.19aad. Wuxuu Suldaan noqday, isagoo yar. Geedkii lagu shirayey ee odayaashu ku shirayeen, buu korkiisa laan ka mid ah ku fadhiyey. Wuxuu maqlay, odayaashii oo leh, "waar odayaal ha la soo guro" wuxuu ku yidhi: "Waar odayaal uun ha ku gurina'e waxgarad gura. Waxa aan uga socdaa, golahani dhaxal ma galo, kursiga iiga kac ma geyo, waa looga dhintey ma jirto, waa gole ka ballaadhan intaaba. Dabcan, haddii xubin ka mid ah golaha uu dhinto, ama xanuusto oo uu hawshii gudan waayo, waa in ehelkoodii aan mushaharka laga jarin inta xeerku oggolyahay, xaq bay u leeyihiin in ay xaaska iyo carruurta aan laga goyn xaqii odaygu ku lahaa golaha, taa waa in xeer caddeeyaa ee maaha baryo.

Guurtiyeey! weydiintu waxa ay tahay, muxuu golahani ku dhisanyahay. Iga raalli ahaada guurtiyeey, maanta sidaa wax idiinkuma sheegeen, ee waa garanweydeen sida aad guurtida ku ahaydeen. In farwaaweyn wax la idiinku qoro, idinka iyo guddoomiyihiinna Saleebaan Maxamuud Aadan (Geelle), waa mutaysateen, waayo-- dhan aad u socotaan iyo dhankaad ka timaadden baa idinka gedmatay. Xaaji Cabdi Waraabena, malaa wuu daalay---Ilaahay ha daayee. 

1. Golaha Guurtidu sidee ku yimi.?

Waxa uu ku yimi, qaab dhismeedka dadkeenna oo salka ku haya beelo. Beel kasta tiro ayaa kaga jirta golaha. Waa xeerka golahani ku dhisan yahay. Beel kastaa xubaha ay geysanayso iyaday u taallaa. Haddii beeli keeni weydo xubinteedii, oo tusaale ahaan ku heshiin waayaan, waa la dhex gelayaa oo lala maaraynayaa si ay xubnahooda isugu raacaan. Beeshu qaabka ay u xulanayso xubinteeda ama xubnahooda iyagaa u xor ah. Haddaii ay xayraan keenayaan iyo haddii ay Sheekh keenayaanba. 

2. Xubin ka mid ah, golaha guurtidu haddii uu dhinto ama si kaleba u awoodi waayo in uu hawshaa gudan karo ama uu iskaba casilo--waxay awooddii dib ugu noqonaysaa beeshii marka horeba soo dooratay. Iyagaa buuxinaya, iyagoo ogsoon in aanay keenin xubintaa geeriyootay wiilkiisa ama xaaskiisa midnaba. Waa in ay ka fogeeyaan golaha, in la iska dhaxlo. Waa mid inoo hoggaamin karta gole la'aan (Guurtiyeey garasho yeelo).

3. Marka golahu uu dhammaado, wakhtigiisu, waa in sidii bilawgii beel kastaaba keentaa xubin/xubnahooda. Tirada beel kasta ka fadhida golaha guurtida wax ba lagama bedeli karo. Waayo waxa loo soo maray dhibaato badan, waana laga yaabaa in beelaha qaar tirsanayaan in tiro ka maqantahay. Waxba kuma jabna, oo halganka wadajirka ayaa taa loo yeelay. Laakiin doorashada guurtida ee dhegeheenna ka badatay maaha mid lagu dooranayo codayn suuqa la dhigayo sida ta wakiilada, ee waxa ay hawshaasi gaar tahay waa beesha gudahaeeda.

4. Halkan, waxa aan ku yara iftiiminayaa, Salaadiinta geed ay qabsadaan waayey iyo garasho la'aanta hawshooda. Suldaanku haddii uu yahay mid ay ka dhabtahay in uu u adeegayo danaha beesha. Waa in uu ka shaqeeyaa golaha guurtida iyo xubnaha uu keenayo. Xubnaha xulashada beesha, waxa looga danbaynayaa waa caaqillada, salaadiinta, ugaasyada, boqorrada, garaadada iyo guud ahaanba wax garadka beesha. Odhan maayo odayaasha beesha, anigoo raacaya murtidii awowgeen Suldaan Diiriye.

Afartaa qodob, baan ku soo gaabiyey farriintayda aan ugu talo galay bal in aan itaalkayga waxyar kaga iftiimiyo dareenka guud ee guurtida ku meersan. Golaha Guurtidu, waxa uu ka turjumayaa, waa aasaaskeenna dhabta ah, sinnaba beryahaa loogama gudbi karo isbeelaysiga. Waxa uu golaha guurtidu u yahay muraayad dhammaan beelaha dega Soomaliland. Waxa laga yaabaa in golaha wakiilada laga waayo beelaha qaar. Sababtuna tahay, doorashada oo ku xidhan is abaabul iyo dhaqaale. Laakiin golaha guurtidu, taa wuu ka duwanyahay oo waxa ka dhex muuqanaya dhammaan beelaha, waxaana lagu xakamayn karaa kolba dhibaatada timaadda ee siyaasiyan xalka loo waayo. Waxa dubbaha ku dhufanaya oo aan laga daba hadli karin waa Golaha Dahabiga ah ee Guurtida Somaliland. Haddaad maqli jirat "Awoodda Qayaxan ee Fiitoo" waxa haysta Golaha Guurtida haddii ay go'aamiyaan go'aan xataa qadhaadh waa loo hoggaansamayaa. Iyaguna dee waa in ay ahaadaan, gole magaciisa u qalma. Haddii kale, garan-maayo golahaasi waxa uu ku danbayn.

Guddoomiye Salaeebaan iyo Guddida joogtada ah ee Goalaha Guurtida Somaliland. Wax badan baa qabateen, laakiin waxaad moodda in xeerarkii aad ku timaaddeen uu sii jilcayo. Beelo ayaad ku timaaddeen, ee sidii ahaada. Beeluhuna, waa hubaal in ay soo xulan doonaan aqoonyahankooda, waxgaradkooda, Shiikhooda iyo qofka ay u arkaan in uu Ilaahay ka baqayo waxna hoggaamin karo. Yaan la majara habaabin sida golahani ku yimi oo ah sida keliya ee uu ku joogi karo. 

Alloow eex ma tiraabine, aqoon haygu cadaabin ....IHN, Gaarriye

Nabad iyo Caano

Sayid-Axmed M. Yuusuf (Dhegey)
Iswidhan/Stockholm
15-12/13, Axad

Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Waa kuma abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)? Qormo kooban oo ka hadlaysa suugaanta abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)

Abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey), waxa uu ku dhashay duleedka degmada Bullaxaar ee gobolka Saaxil. Isaga oo kuray ah ayuu u   wareegay magaalada Berbera, waxaanu ka shaqayn jiray makhaayadaha   cuntada. Isaga oo ka hawlgalay makhaayaddii Cumar Isteeri. Muddo kadib waxa uu u wareegay magaalada Hargeysa, xilligaasi oo uu sheegay abwaanku in ay   ku beegnayd   xilligii ay inqilaabka wadeen Xasan-Kayd iyo raggiisii. Abwaanku, intii uu Hargeysa joogay, waxa uu ka shaqayn jiray hudheelkii loo yiqiinay Yuuniyanka ( Union). Mar danbe ayuu abwaanku ganacsi ka bilaabi goobtii loo yiqiinay Xerodhafta. 

Xog ku saabsan Afgenbegii 1961 Col, Xasan Faarax Bullaale: "Taariikh u baahan sixitaan iyo run ka sheegid"

Taariikhdu waa dhacdo ama arrimo dhacay xilliyo la soo dhaafay. Haddii aan wax laga qorin, lama ogaan karo taariikhdaasi sidii ay u dhacday. Mar haddii aan la kaydin arrimaha taariikheed ee dal iyo dad ba soo mara, waxa ay taariikhdaasi gashaa mugdi waxaanay yeelataa madmada w badan. Sida inbadani ka warqabto Somaliland waxa ka dhacay Afgenbi la isku deyey 1961kii, kaasoo lagu guuldarraysatay Dad badani xog kama hayaan, inkastoo ay noolyihiin xubno ka mid ahaa saraakiishii Afgenbigaa isku deyey. Kalhore waxa la waraystay Amb, Cawil Cali Ducaale oo ka mid ahaa saraakiishaas, xilligaasna ahaa xiddigle. Waxa uu Cawil qoray buug uu kaga hadlay wax farabadan oo uu u soo joogay, waxaana ka mid ahaa Afgenbigaas. Waana buugga la magacbaxay "Raad-Raaca Taariikh Soomaaliyeed"

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.