Fortsätt till huvudinnehåll

Mar kale iyo Malmö (Maalintii dhaqanka iyo suugaanta iyo magaalada Malmö 30-11/2013)


Mar kale iyo magaalada Malmö. Waxa ay ahayd sannadkan bilawgiisii, markii ugu horreysay ee aanu tagnay magaalada Malmö oo ku taal cidhifka ugu koonfureeya ee carriga Iswidhan. Malmö iyo Kooban-heegan oo ah caasimadda Dhanmark, waxa loo kala socdaa wax ka yar 20 daqiiqadood, marka gaadhi lagu tegayo. 

Kulankaa oo abaabulkiisa ay iska kaashadeen, Cabdirisaaq Cismaan oo ka hawlgala Maktabadaha Malmö qaar ka mid ah iyo afar qoraa oo deggen Stockholm oo kala ah: Yuusuf Xaaji Cabdilaahi Xasan, Maxamed Xirsi Guuleed, Sayid-Axmed M. Yuusuf (Dhegey) iyo Muuse Maxamuud Ciise (Dalmar).





Hawshaa iyo sidii xiisaha lahayd ee ay ku bilaabantay ilaa gebagabadii oo ku dhammaatay dood-wadaag uu qaybinayey Cabdirisaaq. Waxa aan mar kale idin la wadaagi doonaa waxyaabihii goobtaa ka dhacay, gabayadii goobta laga akhriyey, oo ku baxay afsoomaali iyo af Iswidhishba, buugaagtii boqollaalka kor u dhaaftay, Masraxiyaddii ku saabsanayd odaygii soomaaliyeed ee la kulmay wiil ka dhallinyarada ah ee soomaaliga ah. Sheekadii dhexmartay baa ahayd mid qosol la kala goyn waayey.

FG: Qoraal faahfaahsan kala soco bartan iyo www.qoraaga.com 


Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Waa kuma abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)? Qormo kooban oo ka hadlaysa suugaanta abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)

Abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey), waxa uu ku dhashay duleedka degmada Bullaxaar ee gobolka Saaxil. Isaga oo kuray ah ayuu u   wareegay magaalada Berbera, waxaanu ka shaqayn jiray makhaayadaha   cuntada. Isaga oo ka hawlgalay makhaayaddii Cumar Isteeri. Muddo kadib waxa uu u wareegay magaalada Hargeysa, xilligaasi oo uu sheegay abwaanku in ay   ku beegnayd   xilligii ay inqilaabka wadeen Xasan-Kayd iyo raggiisii. Abwaanku, intii uu Hargeysa joogay, waxa uu ka shaqayn jiray hudheelkii loo yiqiinay Yuuniyanka ( Union). Mar danbe ayuu abwaanku ganacsi ka bilaabi goobtii loo yiqiinay Xerodhafta. 

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto. 

Maalinta afka iyo Suugaanta Soomaalida ee Xaafadda Rinkeby 14-05-2016 Sabtida

Haddii aad xiisayso afka iyo suugaanta Soomaalida, fadlan nagala soo qaybgal barnaamij xiiso badan oo 14 bishan Mey lagu qaban doono guriga ummadda ee xaafadda Rinkeby. Barnaamijkan ayaa ay marti noogu yihiin qorayaal, afaqoon iyo cilmibaadhayaal ku hawlan afka iyo suugaanta Soomaalida. Martida maalintan nagala soo qaybgali doonta waxa ka mid ah Morgan Nillsson oo ah macallin afka Soomaaliga ka dhiga jaamacadda Göteborg, ahna cilmibaadhe ku hawlan taariikhda iyo habdhismeedka afka Soomaaliga. Kulankan waxa uu Morgan sharaxaad ka bixin doonaa kooraska afka Soomaaliga ee uu jaamacadda Göteborg ka dhigo. Waxa uu sidoo kale ka hadli doonaa afka Soomaaliga iyo duruufaha ku xeeran maata.