Fortsätt till huvudinnehåll

Farriin furan oo ku socota, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Axmed M. Maxamuud (Siilaanyo)

Marka hore, salaan iga guddoon, Asalaamu Calaykum Warraxmatullah Wabarakaatuh. Aan raacsado, bariido wanaagsan. "Aqalkaaga hortiisana oodweyn baa la dhigtaa, hadalkaaga hortiina afeef baa la dhigtaa". Maxaa igu dhaliyey in aan qoraalkan furan qoro?. Waxa aad saamayn ku leedahay ra'yigayga siyaasadeed si toosa iyo mid dadbanba. Waxa aan ku garaadsaday adiga oo ah wasiir. Berigaa wax intaa dhaafsiisan kama garanayn, waxaanse maqli jiray Axmed Siilaanyo, waa aqoonyahan, aad u dedaal badan. Maanta waxa aan ahay 46 jir, haddaan wax ii dheeraynba. Waxa aan maqlayaa, madaxweyne Siilaanyo ayaa isa soo sharraxaya shanta sanno ee danbe. Maqalka aan maqlay, waxa ii soo baxday wax farabadan oo la is weydiin karo.




Waxa aan garaadsaday iyadoo aanay jirin saxaafad xor ahi, oo Xiddigta Oktoobar wax dhaafsiisan may jiri jirin. Maanta loomaba baahna, in aad weriye noqoto ama aad hawl badan u gasho sidii aad u abuuri lahayd wargeys---kontomaadkii waxa jiray wargeysyo ay ka mid ahaayeen, AL-Liwaa, Qaran Afriiqiya iyo Warsoomaali side , waxa loo galay halgan dheer in la sameeyo wargeysyadaa. Maanta uma baahna, Aalad casri ah oo qof kastaa, wax ku qorayo ayaa jirta. Haddaba, dadka inta badan wax qoraa, iyagoo garaadkooda xor u ah, haddana waa ay kala duwan yihiin. Mid baa is leh wax iska caabbi, iska celi hebel, reer hebel, yaan lagaa helin, u jawaab, ceebee iyo wax la mid ah. Weligay wax aan isleeyahay dadka waxbay udhimaysaa ma qorin, waxa aan isku dayaa wax --haba-yaraato'e aan is leeyahay wax bay cid uun taraysaa. Uma hollado inaan qabiil u hadlo, qalinkayguna ma geyo xumaan iyo xaasid. U malayn maayo in aad Md, Madaxweyne qoraal dheer diyaar u tahay oo hawsha aad dalka u haysaa kaa badane, aan u dhaadhaco u jeedada qoraalkayga, oo aan jecelay in---- in badanina innala wadaagto. Markhaatina ka ahaadaan, ma itidhi baa taalla!

Muddo ku siman 50 sannadood ayaad maamul iyo siyaasad ku soo jirtay. Aan u kala qaado dhawr maraxaladood oo siyaasaddaadu soo martay. Dhammaadkii lixdamaadkii, waxa aad ku tilmaannayd dhallintii dalka u kacday, ee aqoonta u soo baratay, ee laga sugayey horumarinta dalka. Sida dad badani qiraan, waxa aad ka mid ahayd koox dhallinyaro xilligaa ahaa oo dedaal muujiyey. Marxaladdaas, waxa aad uga soo gudubtay, maamulkii Milleteriga oo aad xilal sare ka soo qabatay, dadka qaar baaba yidhaahda waxa aad ahayd hormoodkii barnaamijkii "Iskaa wax u qabso". Sannado badan baad la soo shaqaysay Maxamed Siyaad Barre, oo ahaa keligii taliye aan naxariis lahayn. Waad ka gudubtay, waxa aad noqotay hoggaamiye mucaarad hubaysan. Mucaarad dagaalamaya, oo xabbad sita oo dhiig daadanayo, oo ahayd sidii keli ahayd ee looga adkaan lahaa nidaamkii kelitaliska ahaa.

Ururkii Dhaqdhaqaaqa Waddaniga Soomaaliyeed, ee marka la soo gaabiyo la odhan jiray SNM, oo aad lix sannadood guddoomiye u ahayd. Waxa uu ku guulaystay in uu isu keeno dhamman beelaha dega Somaliland. Shirkii Burcona waxa lagu dhawaaqay Jamhuuriyadda Somaliland, waxa aad ka mid ahayd hormoodkii nabadaynta Somaliland. Waxa aad taageersanayd nidaamka Federaalka, laakiin markii la go'aansaday Somaliland, si buuxda oo raganimo leh oo odaynimo leh oo geesinimo ah ayaad bulshadaada ula qaadatay go'aankaas. Waxa aad taana uga gudubtay, in aad maamulladii ka dhismay Somaliland, aad hawlo sare iyo guud ba ka soo qabatay. Waxa aad uga sii gudubtay mucaarad aan hubaysnayn oo ahaa mid xalaal ah. Waxa aad ku weyday doorashadii 80 cod---goobtu waa Afrika, waa wax aad loo jeclaystay go,aankaagii dahabiga ahaa. Ogow xisbiga KULMIYE, waxa uu ahaa kii ugu danbeeyey ee saaxadda siyaasadda soo gala (waa laga yaabaa in mid iyo labo ka danbeeyeen). Ma isweydiisay sababta aad ku noqotay xisbigii ugu danbeeyey ee haddana sigay in uu noqdo Xisbiga koowaad. Halkaa wax badan baa ku qarsoon, oo ay ka mid tahay taariikhdaada dheer ee kuu gaarka ah. 

Hibo Eebe ku siiyey habeen layskama qaado.

Maanta waxa aad tahay Madaxweynihii afraad ee Jamhuuriyadda Somaliland. Shan Sannadood baa lagu doortay. Waxa lagaa sugayaa in aad wax muuqda ka tagto, muddadaa kooban. Durba wakhti badan baa kaaga tegey yooyootan aan loo baahnayn. Kol aad madaxtooyada ka rarto dhufayskan, taariikhda xun leh ee laga dhigtay gurigii ugu mudnaa Somaliland (waa goobtii lagu soo go'aamin jiray xasuuqa, dilka dhaca ummada reer Somaliland) halkaasi inay hoy kuu ahaato, dad badani may filayn. Xataa haddaad halkaa uun ka rarto madaxtooyada waa taariikh kuu qoran ee qorshaha ku darso. Waxa aan qoraalkayga ku bilaabay da'dayda, waxa aan uga socday waa la wada garanayaa. Maanta ma ahi carruur iyo maalintii aan ku garaadsaday magacaaga, maanta ma ahi dhallinyaro iyo xilligii aad adigu siyaasadda gashay, maanta magac kale ma raadinayo ee oday baan ahay. Qofka banii'aadamka ahi marxalado ayuu maraa,inta kor u dhaaftay  afartan jir, waa oday. Magac kale ma leh. Su'aashu waxa ay tahay anigii ku garaadsaday magacaaga ayaa oday ah, ee adiguna ma oday uun baad weli tahay. Maya waxa aad taagan tahay xilligii aad nasan lahayd.

Waxa loo halgamaa waa magac iyo sharaf ku noolow. Magac waara oo wanaagsanna ka tag. Maanta taariikhda aan dul-maray aniga xaggayga, siyaasi taariikh dheer ku leh dalka ayaad ii tahay, tusaale aan ku dayan karo ayaad ii tahay iyo inkaloo badanba. Waxaan ku kaftami jiray, Xisbiyo ma jiraan Somaliland ee guddoomiyeyaal baynu kala dooranaynaa, si ahaanna waa run. Dadku adigay ku doorteen, Xisbigii Kulmiyena yaanuu burburine, raad uga tag. Madaxtinimada shanta danbena ha isu soo taagin madaxweyne ee naso. Taariikhdaadana qor. Hadalkaa tooska ah waxa aan u doortay, waxa aan maqlayaa dad badan oo ku tiraabaya " madaxweyne isa soo taag adigu, danta Xisbiga Kulmiye waxa ay ku jirtaa adiga, danta Somaliland waxa ay ku jirtaa adiga. Inta sidaa lihi, nasteexo kuuma ah. Taariikhdaada dheer, ee geesinimada, aqoonta, waxgaradnimada, hal adayga, aftahanimada lahayd ku soo afxidh adigoo dhammaysta shantaada sannadood. 

Cimri tegey ceeb laguma sagootiyo. Taariikhdaa dheer ee tagtay, ee xaggayga kaga xardhan mid ku dayasho mudan, yaan la xagxagan, oo aan dhulka la jiidin ee si fiican oo xarrago leh ku dhammayso. Hana lagugu xasuusto, inaad dalka u samayso madaxtooyo aan ahayn hoygii Moorgan. "Xaalku yuu noqon, wax badso wax beel bay dhashaa". Noqo qaamuus loo noqdo, oo inta uu noolyahay ah oday talo-ruug ah oo taladiisa, loo doonto. Qor taariikhdaadii nololeed ee ku taxnayd waayaha siyaasadeed ee soomaalida geeska Afrika degta oo dhan. Qor oo uga tag ubadka danbe taariikhdii SNM. Maanta carruurtii ku garaadsatay Siyaad Dhacyoo Siilaanyo dhalay, waa aabbayaal, qaar baaba awoow ku dhaw, miyaanay kuwaasi kaaga baahnayn talo iyo tusaalayn aad ula fadhiisato geedka weyn ee la wada hadhsado. Noqo, xubin sharafeed dadka oo dhan dhex u ah, yaan magacaaga meelahaa la jiidjiidin, ee magacaagu ha noqdo mid ixtiraam iyo sharaf loo hayo.

Anigiyo dareenkay, taariikhda duuggeed, hadal dalab leh maan odhan, deelqaafna kuma jiro, anigoon dareenqabin, qalinkiyo dawwaadda, ma dul dhigo, Deel madhan. diiradaydu meel dheer, bay daawanaysaa.


Nabad iyo Caano
Sayid-Axmed M. Yuusuf (Dhegey)
Iswidhan/Stockholm
08/12/2013, Axad

Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Waa kuma abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)? Qormo kooban oo ka hadlaysa suugaanta abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)

Abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey), waxa uu ku dhashay duleedka degmada Bullaxaar ee gobolka Saaxil. Isaga oo kuray ah ayuu u   wareegay magaalada Berbera, waxaanu ka shaqayn jiray makhaayadaha   cuntada. Isaga oo ka hawlgalay makhaayaddii Cumar Isteeri. Muddo kadib waxa uu u wareegay magaalada Hargeysa, xilligaasi oo uu sheegay abwaanku in ay   ku beegnayd   xilligii ay inqilaabka wadeen Xasan-Kayd iyo raggiisii. Abwaanku, intii uu Hargeysa joogay, waxa uu ka shaqayn jiray hudheelkii loo yiqiinay Yuuniyanka ( Union). Mar danbe ayuu abwaanku ganacsi ka bilaabi goobtii loo yiqiinay Xerodhafta. 

Xog ku saabsan Afgenbegii 1961 Col, Xasan Faarax Bullaale: "Taariikh u baahan sixitaan iyo run ka sheegid"

Taariikhdu waa dhacdo ama arrimo dhacay xilliyo la soo dhaafay. Haddii aan wax laga qorin, lama ogaan karo taariikhdaasi sidii ay u dhacday. Mar haddii aan la kaydin arrimaha taariikheed ee dal iyo dad ba soo mara, waxa ay taariikhdaasi gashaa mugdi waxaanay yeelataa madmada w badan. Sida inbadani ka warqabto Somaliland waxa ka dhacay Afgenbi la isku deyey 1961kii, kaasoo lagu guuldarraysatay Dad badani xog kama hayaan, inkastoo ay noolyihiin xubno ka mid ahaa saraakiishii Afgenbigaa isku deyey. Kalhore waxa la waraystay Amb, Cawil Cali Ducaale oo ka mid ahaa saraakiishaas, xilligaasna ahaa xiddigle. Waxa uu Cawil qoray buug uu kaga hadlay wax farabadan oo uu u soo joogay, waxaana ka mid ahaa Afgenbigaas. Waana buugga la magacbaxay "Raad-Raaca Taariikh Soomaaliyeed"

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.