Fortsätt till huvudinnehåll

Warsaxaafadeed: (01) 12/2013/ URURKA QORAAGA SOMALILAND


Ujeedo: Dhiirri-gelinta Akhriska iyo Qoraalka 
Muddo haatan ku siman 10 sannadood, ayaa laga joogaa markii la aasaasay Ururka Qoraaga Somaliland. Waxa lagaga dhawaaqay magaalada Stockholm ee carriga Iswidhan. Xubnihii ku dhawaaqay waxa ay ahaayeen shan xubnood. Waxaase filashadu ahayd in dacallada adduunka la gaadhsiiyo, oo inta buugaagta qortay ay u noqoto dhiirrigelin, is kaashi, iska warhayn iwm. Waxaase jirtay waaya-aragnimo la'aan. Haddii la isku xidhmo oo la helo xubno badan oo ka mid noqda Ururka, waxa rumoobi doonta himilooyinkii iyo yoolkii Ururka ayaa in badani ku taamaysay. 

Waxa ayse noqotay mid beenawday, waaya-aragnimo fiicanna looma lahayn hawshaa Ururku bilaabay. Taasi waxa ay keentay in la waayo wax badan oo laga filayey in Ururku qabto. Bilawgiiba, waxa la go'aansaday in la qoro laba buug sannadkii oo ururku soo saaro. In billad la guddoonsiiyo buugga sannadka loo aqoonsado, in la sameeyo kulammo aqoon isweydaarsi ah, in la dhiirrri geliyo dhallinyarada doonaysa in ay wax qoraan, in la soo saaro wargeys uu Ururku maamulkiisa hayo. Hawlahaa iyo qaar kaloo ka badanba waa la go'aansaday, karti la'aan baase loo qaban kari waayey. Dadkuna marka hore dareenkoodu waa isku mid, laakiin marka hawl la galo ayaa qof ama labo ku soo hadhaan, inta kale waa la waayaa. 
Maanta Ururku waa waaya-arag. Waxa keliya ee uu fuliyeyna waa in uu weelkaasi sii jiro. Haddii waaya-aragnimo, aqoon, karti iyo daacadnimo lala yimaaddana waa uu sii shaqaynayaa. Waxa beryahan danbe soo batay dhallinyarada jecel in ay buugaag soo saaraan, qaarna waabay soo saareen. Waxa si gaar ah aanu ugu faraxsannahay, dhinaca haweenka oo aad u soo badanaya, loona baahnaa in ay si isku mid ah wiilasha iyo habluhu wax u wada qoraan. Dabcan, waxa ay qorayaan, waxa uu ku kala duwanaanayaa, dareenkooda. Waa se muhiim in la helo, dhallinnyaro wax qoraysa. Warasaaxafadeedkani, halka uu ku jeedaa waa dhallintaas, oo aanu leenahay, dedaalkiina kordhiya oo isku xidhma. Gacmo wada jirbay wax ku gooyaan. Ururka Qoraaga Somaliland, waxa uu idiin hayaa talo iyo tusaalayn, aanu Urur ahaan ka helnay muddadaa 10 sannadood ah. Ma aha wakhti yar, inta aanu hawlahaa ku dhex jirnay, waxa keliya ee dabku ka bakhtiyi waayey, waa magaca oo nool iyo tiirar muhiim ah oo uu ku taaganyahay waxqabadka Ururku. 
Waxyaabaha nool ee ururka laga arki karo, waxa ka mid ah: Bandhigyada iyo kulamada uu qabto sannnadkii mar ama laba jeer. Mareegta ururku leeyahay, oo u furan cid kasta oo qoraal u soo diri karta, aan ka ahayn qoraalada wararka ama waxa aynu u naqaanno siyaasadda. Wax kasta oo ku saabsan, suugaanta, dhaqanka, taariikhda, diinta, buugaagta jaadadkooda oo dhan, waa ay u furantahay haddaad u soo dirto mareegtaas ama barta Internetka ee www.qoraaga.com. Saddexdii bilood mar ayuu Ururku soo saaraa warside la yidhaa ALIF. Waxa uu yaallaa ilaa 17 maktabadood oo Iswidhan ku yaalla, waxaanu filaynaa in uu dalka Iswidhan wada gaadho. Waxa kaloo aanu qorshaheeda ku jirnaa in uu ka soo baxo Hargeysa, dhawaan si uu u gaadho jaamacadaha dalka iyo guud ahaanba bulshada afsoomaaliga ku hadasha meelkastaba ha joogeene. Waxa qorshaha fog noogu jira inJabbuuti laga soo saaro warsidaha ALIF. Waxa kaloo aanu jecellahay in uu ka hirgalo Ururku Hargeysa, oo noqon doonta halka ugu weyn ama xarunta Ururku leeyahay.
Waxa aynu la wada soconnaa, dedaalkii dhallinyaradii Hargeysa ay bilaabeen ee uu ugu horreeyey Naadigii Akhriska ee Hargeysa, in aanay sidii hore u firfircoonayn. Waxa samaysmay tiro badan oo naadiyo akhris ah. Mid kastaaba meel buu wax ka bilaabay, laakiin yoolkii fogaa midna ma gaadhin. Sababaha keena burburka ama itaal yaraanta ururada waaya-arag baanu u nahay. Sidaa awgeed, baanu jecelahay in aad wax naga soo weydiisaan, haddaad samaynaysaan naadi ama urur jecel in uu wax ka qabto dhanka qoraalka iyo akhriska. Waxa bilaabmay olole wax akhris, waxa bilaabmay Ololaha qoraalka, aynu sii xoojinnno, oo isku xidhnaantu kaw ha ka ahaato. Aan diiwaan ka reebno odayaasha iyo haweenka  taariikhda haya ee la fadhiya guryaha iyo goobaha makhaayadaha. Aan ururinno suugaanta filiqsan, taariikhda, buugaagta qoran ee hore loo qoray. Mar haddii aanay jirin xukuumad fahamsan, daryeelka diiwaanka qaranka, aan u guntanno innagu itaalkeenu meel uu inna dhigaba. Cidna uma maqna ceel-na uma qodna. Dal aan diiwaan lahayni, waa dal aan  is-aqoonsanayn, aqoonsina heli maayo, mar haddaanuu isagu is aqoon oo aanu dalkaasi garanayn diiwaankiisa, taariikheed, dhaqan, faneed, diimeed oo aanay jirin meel loo raaco. Waa dal madhan oo maalin kastana maktabad baa ka gubanaysa aan waxba laga reebin, aan ka ahayn "ku tidhi kuteen"
Urur ama Naadi lugo ku taaganna ha samaysmaan, oo yaanuu noqon "Laab la kacay lugo se kuma taagni". Barbarkay ka baxdaa waa bakayla qaleen.

Ugu danbayn Ururka Qoraaga Somaliland, waxa uu ogaysiinayaa dhammaan dadka jecel qoraalka iyo akhriska, in uu qabanayo kulan ballaadhan oo ka dhici doona Emperial Hotel, ee magaalada Hargeysa, markay taariikhdu tahay 30-12-2013, saacadduna tahay 06:30 fiidnimo. Waxa uu u furanyahay qof kasta oo doonaya in uu wax ka ogaado UQS, goobtaa waxa ku sugan abwaanno, qorayaal iyo gaar ahaan xubno ka mid ah aasasayaashii Ururka lugaha u taagay, oo aad weydiin karto wax badan. Waxa si gaar ah maalintaa looga codsanayaa in ay yimaaddaan, Naadiyada Akhriska, inta fursad u heli karta, waxa kaloo uu kulankaasi soo dhawaynayaa, aaraa'da iyo talooyinka qorayaasha aan xubnaha ka ahayn UQS. Cid kasta oo talo haysa, tusaale, sixitaan waxaanu ka codsanaynaa in ay habeenkaa ka soo qayb galaan.


Sayid-Axmed M. Yuusuf (Dhegey)
Guddoomiyaha Ururka Qoraaga Somaliland
gacanlibaax2003@yahoo.se
www.qoraaga.com
------------------------------------------------
URURKA QORAAGA SOMALILAND
XARUNTA URURKA: ISWIDHAN/ STOCKHOLM
26-12-2013, khamiis
www.qoraaga.com


-------------------------------------------------------

Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.

Falan-qaynta maansada: Quruxda maansada Cabdi Adan (Qays) iyo Maxamed Ibraahin (Hadraawi) Q-3aad

Qaybtan oo ah qaybta ugu danbaysa ee "Falan-qaynta Maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays", waxa aan ku eegi doonaa dhawr maanso oo kookooban. Waxa aan sidii qormooyinkii hore, wax ka taaban doonaa kala duwanaanshaha maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays ee hadana labaduba yihiin kuwo la jecelyahay.

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto.