Fortsätt till huvudinnehåll

Laaxinjire: "Barnaamij aynaan horena u maqal horena u arag" Dedaalkii prof. Cabdiraxmaan C. Farax (Guribarwaaqo)

Waxa aynu maqli jirnay, Geeljire, Lo'jir, Adhijir, miyaad hore u maqashay Laaxinjire.

Geeljire in uu geela jiro oo ilaashado, waa la wada yaqaan. Laaxinjroow maxaad raacdaa, xoolaha aad jiraysaa waa kuwee? Waxa aan ilaaliyaa Laaxinka. Aan sii jilciyo Laaxinaw maxaad ahayd? Maansayahanka soomaalidu, marka uu maanso tiriyo ha u qaadan in ay wada saxan tahay, marmarka qaar baa qalad ku jiraa. Qaladkaa ku jira ee dheelliga u keena maansada ayaa la yidhaa waa laaxin. Dhegtaa diidda meeshay xarfuhu dalab ku yeeshaan. Dalabtaas ayaa ah Laaxin. Waxa beri dhawayd soo baxay, balse muddo dheer laga shaqaynayey barnaamij ilaalinaya dheelliga maansada. Dabcan, waxa uu ku ilaalinayaa waa xeer lagu habeeyey barnaamijka oo salka ku haya miisaanka maansada "Aragtidii Gaarriye". 

Waxa jira laba aragtiyood oo miisaanka maansada soomaalida ninba qaab u habeeyey. Dad badani ma oga mana yaqaannaan waxa ay ku kala geddisanyihiin. Qoraa, macallin, cilmibaadhe ah, oo la yidhaa Cabdiraxmaan Cabdilllaahi Faarax (Guribarwaaqo) ayaa si xogogaalnimo ah uga hawl galay dooddii ka dhex dhacday labadaa aragtiyood, oo kala jaad ah. Cabdiraxmaan, waxa uu dhexgalay kala duwanaanshaha labadaa jaad ee miisaanka maansada, wuxuuna doortay tan aragtida Gaarriye oo uu sal uga dhigay barnaamijkan uu u bixiyey "Laaxinjire".

Doorashada Cabdiraxmaan ma uu qarin sababta uu u doortay, ee waxa uu goobo badan ka sheegay isagoo ka hadlaya aragtida Gaarriye ee miisaanka maansada, in xisaab ahaan ay ku habboon tahay in barnaamij laga dhigo, oo ay buuxinayso shuruudo badan oo uu ku shirrabay miisaanka maansada ee aragtiga Gaarriye. Mar haddii qormadan aan ugu talo galay Laaxinjire ay ila gashay Miisaanka Maansada Soomaalida, waxa habboon in aan in yar dib u iftiimiyo waxa ay tahay. Horraantii todobaatanaadkii baa uu IHN-tee Gaarriye ku soo qoray Xiddigta Oktoobar oo ahaa wargeyska keliya ee Jamhuuriyaddii soomaalida ee burburtay ay lahayd. Arrinkaasi wuu ku cusbaa dhegaha dadka, waxaana mar kale soo bandhigay Cabdillaahi Guuleed Carraale oo isna macallin sare ahaa. Labada miisaan aad looma maqal, xataa lamaba maqal wax la yidhaa miisaanka maansada, dad aad u kooban mooyaane. Maqal la'aanta waxa sabab u ahaa maamulkii xilligaa jiray oo wax kasta oo baadhitaan u baahnaa aan xoogga saari jirin, keliya ammaanta macallinkii kacaanka ayaa saxaafadda oo dhan haysan jiray.

Labadan aragtiyood ee miisaanka maansada, waxa lagu baraarugay gu'gii 2005 oo IHN,tee Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye) yimi carriga Ingiriiska, lana arkay qoraallo tibaaxaya oo summadoodu tahay "Aabaha miisaanka maansada soomaalida". Halkaa ayey dood ballaadhani ka bilaabantay oo markii danbe labada macallinba la isugu geeyey Norway. Waana marka dad badani ogaadeen, in labada aragtiyood ee labada macallin ay kala jaad yihiin. Intaa aan ku dhaafo, jiritaanka labadan aragtiyood ee miisaanka Maansada soomaalida. Laaxinjire, sida uu prof. Cabdiraxmaan Guri-Barwaaqo inoo soo bandhigay, waxa uu helayaa barnaamijkani, meelaha laaxinku kaga jiro maansada. Waxa se muhiim ah, in aad marka hore garanayso maansada aad shirrabayso, ta ay tahay. Tusaale haddii aad geeraar, geliso meesha loogu talo galay gabayga, dee qaldaadku wuu badanayaa. Sidaa awgeed, ayaa ay habboontahay, kolba waxa aad shirrabaysaa, in aad garanayso. Waxa intaa dheer barnaamijku waxa uu kuu sheegayaa inta tuduc ee maansadaadu tahay.

Waxa muhiim ah in, aad ogtahay in aanuu barnaamijkani, kuu saxaynin halka kaa qaldan, farta ayuu kuugu fiiqayaa. Haddii berigii hore, maansayahanka uu tilmaami jiray maansoyahan kale ama maansa-dhaadhiguba uu garan jiray laaxinka ku jira maansada. Maanta Tiknoolajiga cusub waxa uu inoo sahlayaa in aad barnaamijkaa aan cidina lacagta kaa rabin ku eegto geeraarkaaga, gabaygaaga iyo ilaa hadda qaybaha diyaarka ah. Runtii, barnaamijkan, waa mid loogu hambal-yeeyo Qoraaga, Cabdiraxmaan Faarax (Guribarwaaqo) iyo Xuseen  Liibaan Mataan, oo ah ninka barnaamij ahaan la garab galay qoraaga in uu barnaamijkaasi noqdo mid shaqaynaya. Labadoodaba waxa aynu leenahay hawl aad u ballaadhan baad qabateen, dhaxal baad u dhigteen dadka jecel maansada iyo suugaanta soomaalida. Waxa aad naga mudan tihiin billad dahab ah, kollay mar uunbay iman billaddaasi. 

Maanta lagama yaabo in dad badani, ku baraarugsanyihiin hawshaa qiimaha leh ee aad qabateen, waase hubaal in beri aan fogayn la odhan doono billad keliya uma qalmaane billado ha la siiyo. Dhaqaale kamaydin helin ee idinkaa dhaqaale geliyey, waxaase dhigateen abaal iyo magac waari doona. Ugu danbayn, haddaad doonayso in aad shirrabto maanso aad hayso ama tirisay adigu soo booqo Laaxinjire si aad u shirrabto maansadaada,  barta internetka ee Halgeri. Waana halkan hoose, gaar ahaan waa qaybta uu Cabdiraxmaan ugu talo galay in aad laaxinjire kaga faa'iidaysato.www.halgeri.com. Marka aad gasho degelkaas la magac baxay Halgeri, ayaad ka helaysaa "Laaxinjire" oo halkaa kugu sugaya oo ku leh maansadeed ii siddaa ma geeraar baa mise waa gabay, keebaad rabtaa in aan kuu shirrabo.

Dedaalkan oo kale, waxa habboon in la taageero oo xataa wixii qalad ah la saxo. Haddii talo kale tusaale kaleba la hayana la siiyo qoraaga, si uu u sii hore mariyo hawshan ballaadhan.


Hambalyo, hambalyo, hambalyo qoraa Cabdiraxmaan Faarax (Guribarwaaqo)


Nabad iyo caano
Sayid-Axmed M. Yuusuf (Dhegey)
27-12-2013 jimce
Stockholm/Iswidhan

Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.

Falan-qaynta maansada: Quruxda maansada Cabdi Adan (Qays) iyo Maxamed Ibraahin (Hadraawi) Q-3aad

Qaybtan oo ah qaybta ugu danbaysa ee "Falan-qaynta Maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays", waxa aan ku eegi doonaa dhawr maanso oo kookooban. Waxa aan sidii qormooyinkii hore, wax ka taaban doonaa kala duwanaanshaha maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays ee hadana labaduba yihiin kuwo la jecelyahay.

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto.