Muddo ku siman toban sano ayaa laga joogay maalintii Jibriil godka ugu tagay ee uu ku gilgilay, dabadeed farriintii u horraysay u dhiibay. Muddadaas ba Maka iyo qabiilkiisa baaq xagga Alle ah buu la daba joogay. Reer Quraysheed se dhag jalaq waa ay u siin waayeen. May ahayn sida dixdhagaxeed oo biyo lagu radinayo, se waa ka darnaayeen xagga dhego adaygga. Nin waalan, falalow, sixiroole iyo gabyaa dawakhay bay ku sheegi jireen Nabi Maxammed. Inyar ma ahane badi way u dhabarjeediyeen. Waanay la yaabi jireen. Yeedhmo kasta waxa ay ka qaadi jireen didmo kale.
Sidaas awgeed ayuu Nabigu ku fikiray in farriinta uu xagga Alle ka sido u du’do meel kale. Meel aan Maka ahayn ayuu ka fikiray. Aakhirkii ayuu go’aansaday in uu Daa’if xaggeeda u kaco.
In Daa’if ay ahayd magaalada labaad ee Jasiiradda carabta ugu wayn. In ay ahayd xarun ganacsi oo aad u ballaadhan. In ay halbowle istaraatiiji ah Bariga dhexe kaga taallay iyo awoodda uu ka hali karo Reer Daa’if haddii ay aqbalaan baaqiisa ayaa keentay in uu Nabi Maxammed farriinta Alle Daa’if la aado. Sibiq ayaanu kaga tagay Maka. Ma uu kaxaysan dameer, baqal, faras ama geel uu ku safro midna. Sababta uu gaadiid li’i ugu baxayna waxa lagu sheegaa; Yaraynta shaki ay ka qaadi lahaayeen reer tolkii ama tuhun ay ku tuhmi lahaayeen in uu ganacsi ugu baxayo Daa’if. Sidaas buu kaga hulleelay. Bishii May ee sannadii 679 Miilaadiga, goor xagaa ah oo cadceedda saxaraha carabta ku dhacdaa ku dhowayd 40 Digrii buu nabi Maxammed lug kaga jarmaaday Maka. Waxa la qiyaasaa in Maka iyo Daa’if isku jiraan Boqol KiilooMitir(100KM). Sababaha kulayka daran, lugta iyo masaafadaa dheer midkoodna ma uu dhibsan. In uu boqol kiiloomitir saxaraha carabta xagaa dhex lugeeyo waxa kala cuslaa waajibkiisa in uu guto. Waxaanu soo gaadhay Daa’if.
Markii uu yimid magaalada Daa’if wax badan buu ka fikiray. Cidda uu ku bilaabi doono, sida uu u bilaabi doono iyo halka uu ka bilaabi doono sheegidda farriinta uu sido. Magaalada waxa degganaa laba qabiil. Qabiilka Bani Maalik oo asal ahaan reer Daa’if ah iyo Qabiilada Banu Cumar oo ay la shuraakoobeen si ay isaga caabbin karaan cadow meel kale kaga yimaad. Bani Maalik waxa ay Qabiilada Bani Cumar siisay kala badh hoggaanka iyo awoodda Daa’if. Inkasta oo aakhirkii labadoodu - Reer Bani Maalik iyo Bani Cumar – awooddoodii daciiftay oo ay iyana la shuraakoobeen Quraysh iyo Hawaasan. Banu Maalik waxa ay heshiis nabadeed iyo ganacsi dhigteen Reer Hawaasan, halka Bani Cumar ay Quraysh la xulafawday. Sidaas ayaanay labada qabiil ee Daa’if xulafo ula ahaayeen labadaas qabiil ee kale. Nabi Maxammed waxa uu biday in uu ku horreeyo Reer Bani Cumar oo ay reer tolkii(Quraysh) xulafo ahaayeen. In Reer Banu Cumar, Maxammed ku xishmayn doonaan heeshiika reer Qurayshayd ayuu suuraystay Nabigu. Sidaas ayaanu go’aan ugu gaadhay in uu Banu Cumar ku horreeyo.
Saddex wiil oo uu dhalay oday Cumar binu Cumayr oo madax u ahaa Reer Banu Cumar buu u tagay oo la fadhiistay. Waxa uu u soo bandhigay yeedhmada uu xagga Rabbi ka sido, nabinnimadiisa iyo in ay rumeeyaan Allaha kalida ah ee abuuray dunida iyo waxa guudyaal una hoggaansamaan. Dabadeed saddexdii midkood wuxuu si yasid leh u yidhi “Wuxuu tirtirayaa hu’ga kabcada, haddii uu Alle ku soo diray”. Ku kalena waxa uu islawayni iyo santaag u yidhi “Ma cid kale ayuu Ilaahay nabinnimo u waayey markii uu adiga nabi kaa dhigayo?”. Kii saddexaad oo isna maray tubta walaalladii ayaa yidhi “Haddii aad rasuul tahay in aan kula hadlo ayaa ka halis badan in aanan kula hadal, haddii aad been sheegaysona iima bannaana in aan kula hadlaaba”. Saddexdoodii waxa uu ka helay saddexdaas warcelinood ee macangagnimada iyo madax adayga ah. Iyaga oo xaqiraya bayna ka dhaqaajiyeen.
Nabigu muddo ku siman toban cisha buu joogay Daa’if oo qof qof, qoys qoys iyo qabiil qabiil diinta ugu sheegayey. Laakiin ma uu helin hadal aan ahayn “Dhulka noo dhaaf”! waxa uu Daa’if kala kulmay canaadiin ka maan adag kuwii Maka. Maangaabkii reer daa’if, dadkoodii waallaa iyo ubadkoodii ayey Nabi Maxammed ku saareen. Dhagxaan bay sida roobka kaga dhigeen, oo si aan qiyaas lahayn ugu shiideen. Nabiga kood kasta waa ay ka haleelayeen dhagxaantu, sida la yaqaanna diirka inta ay dalooliyaan bay dhiigga ka hooseeya dibadda u soo tuurayeen. Dhiig badan baanay ka daadiyeen nabiga, ilaa uu dhiiggii kabihiisa qooyey. Xaaris bin Zayd oo la socday baa taagtii gaashaan u ahaa nabiga, laakiin tuuryadu ma ahayn wax qof iyo qofaf difaaci karayeen. Ku dhowaad toban Kiiloo mitir ayey ka saareen nabiga Daa’if isaga oo dhiigga shalakhsanaya. Jeer ay ku soo bexeen Ilma Rabiica (Cataba iyo Shayba) oo ay ka reebeen dadkii eryanayey. Dabadeed geeyeen beer aan ka fogayn oo ay Nabiga fadhiisiyeen geed hoostii.
Cataba iyo Shayba midkoodna ma ahayn Muslim, waxay se ka damqadeen dhaawicii adkaa iyo dhibtii loo gaystay Maxammed. Caddaas, oo ahaa wiil yar oo u adeegi jiray (ilma Rabiica (Cataba iyo Shayba) ayey u dhiibeen fijaan Cinab ah oo ay ku dheheen “Orod u gee ninkaa”. Caddaas baa Nabiga u keenay Cinabkii. Saa nabigu yidhi “Bismilla” oo cunay Cinabkii. Caddaas waxa uu la yaabay in ninkani cuntada ka horraysiisayey weedha “Bismilla”, saa yidhi “dadka halkan daggani ma dhahaan weedhan”. Nabigaa yi: “Adigu dhulkeed ka timid, diinteed se haysataa?” Caddaas kuye: “Kiristan baan ahay ka soo jeeda dhulka Naynawi” “Degmadii ninkii wanaagsanaa ee Yuunas Bin Mataa” buu yidhi nabigu isaga oo u jeeda degmada caddaas sheegtay ee “Naynawi”. Caddaas waa yaabay. “Oo maxaa ku garansiiyey adiga Yuunas bin Mata?” Buu waydiiyey nabiga. Saa nabigu yidhi; “waxa uu ahaa walaalkay, waxa uu ahaa nabi, aniguna waxa aan ahay nabi” Ka dib nabiga iyo Caddaas yare waa ay isku dhegeen madax iyo mijo.
Cataba iyo Shayba oo sheedda kala socday baa isu celiyey in yarkii uu ninku ka duufsaday. Markii uu Caddaas soo noqdayna waxay waydiiyeen wixii ay ku sheekaysteen isaga iyo Maxammed Cabdillaahi. Waxa uu Caddaas sheegay in aanu jirin qof Maxammed ka fiicani dunida. Waayo waxa uu iiga warramay wax aan cidkale iiga warramin buu ku garnaqsaday. Laakiin Ilma Rabiica waa ay ku qosleen weedha addoonkooda Caddaas ka yidhi Maxammed. Waxa ay si dheeldheel leh ugu dheheen; “adeerow ninkani yaanu diintaada kaa duufsan, adiga ayaa ka diin wacane.”
Nabigu markii muddo uu nastay ayuu ka hulleelay beertii. Waxaanu cagta saaray dhabbadii Maka tagaysay. Maskaxdiisa waxa ka guuxayay wajigabixii uu reer Daa’if ka soo qaaday, sidaas awgeed waa uu niyad jabsanaa, warwarsanaa aadna waa uu u murugaysnaa. Markii uu marayo Qarn AL Manaazil oo u dhaxaysa Maka iyo Daa’if baa Malaku Jibriil u yimid. Waxa wehelinaey Malaggii Buuraha. Labadooduba waxa ay ahaayeen gargaar Rabbaaniya iyo hiil samada laga soo diray. Waxa ay nabiga u sheegeen haddii uu rabo in uu amar ku siiyo si reer Daa’if labada buureed ee magaladooda hareeraha ka xiga loogu daboolo qiyaamahana loogu rido. Mar haddii ay risaaladiisii diideen sidan xunna ula soo dhaqmeen, ficil ma galin nabiga. Baab’inta reer Daa’if ma uu codsan, waxaanu rajo ka muujiyey haddii iyagu u dhabarjeediyeen, in kuwa tagoogtooda ku jira laga helo kuwo diinta u gargaara. Abu Hurayra oo soo wariyey Axaadiista ugu badan ee Nabiga laga soo wariyey baa ka mid ahaa ubadkii ay dhaleen kuwii nabiga dhiiggiisa Daa’if dhexdeeda ku qubay. Iyaba aayad iyo saw ma aha muujinta midhaha samirku leeyihiin?
Nabiga in laba malag loo soo diray waa ay farax galisay. Waxa ay illawsiisay dhib kasta oo uu Daa’if kala soo kulmay, waxa uu arkay gargaarka cirka looga soo diray iyo malaa’igta hiilka looga dhigay. Laakiin isaga oo aan ka aargoosan reer Daa’if buu Makadiisii iskaga noqday!
Saddaam Xuseen Carab
Kommentarer
Skicka en kommentar