Fortsätt till huvudinnehåll

Xisbi Qaran baa ka horjoogsaday xisbi Qaran: "Qaranimada iyo xukuumaddu ha inoo kala soocnaato"


Dalalka Afrika iyo kuwa Carabta iyo dalal kaloo badanba ilaa maanta kama jirto Qaranimo luga ku taagan, ee waxa ka dhisan xukuumado iyagu ah wax walba. Somaliland waxa aynu jecellahay in ay ka guurto xukuumad keligeed ah oo ay u guurto Qaran dhisan. Qaran iyo xukuumadi, waa ay iska keen dhex galaan sababo badan awgood. 

Xukuumadda maanta ka jirta Somaliland waa loo hanweynaa, waayo waxa hoggaamiye ka ah Axmed M Siilaanyo, oo ah oday ruug caddaa ah oo wax badanna u soo joogay. Lagama filayn waxyaabaha qaar maanta dhacaya. Wax badan baa jira oo xukuumaddani qabatay, oo lagu xasuusan karo, qof kasta oo indho dhexdhexaad ah ku eega Somaliland wuu arkayaa wax badan oo la qabtay. Waana laga filayey in hoggaanka Siilaanyo uu raad horumarineed ka tago. Laakiin wax baa qaldan, kolba dabraya habsami u socodka iyo higsiga Qaranimo.

Xukuumaddii tan ka horraysay waxa ay ku talo gashay in la joojiyo Xisbiyada tartamaya, oo si cad oo badheedh ah ayaa loo mamnuucay ururada siyaasadda. Dad badan baa sidaa taageersanaa, laakiin waxa ay ahayd qalad weyn oo xukuumaddii Dahir Rayaale ay samaysay. Waa laga gudbay, oo sidii saxa ahayd baa loo tallaabsaday. Waxaase kolba soo baxaysa, in meelaha qaar aan lagaba gudbin oo xukuumaddan oo ku timi rabitaanka dadka, ayaad mooddaa in ay indho'la'aan ama badheedh ay ku kacayso. Waxa ka kow ah Cabudhinta saxaafadda oo la xalaalaystay in la iska xidho weriyeyaal, aan loo marin qaabkii sharciga ahaa. Ma qabo in mar kasta weriyeyaashu saxan yihiin, balse waxa jira qaab wax loo xidho, mana aha in amar dulsocod ah lagu xidho qof muwaadin ah.

Waxa yaab ah, in la yidhaa TV ga Qaranku wuu ka madax bannaanyahay wasaaradda warfaafinta, oo haddana la yidha maya ee wuu hoos tagaa. Waa dhacdo aan si fiican loo fahmi karin. Marka hore ee la yidhi wuu ka madaxbannaanyahay iyo maanta oo uu hoostegayo. Waa maamul is dhexyaac ah. waxa aynu maqalnay agaasime xilkii loo wareejinayo, oo la yidhi maya, waa lagu qaldamay ee maaha adiga, ka xilka la wareegaya. Derajo la bixiyey baynu maqlaynay, in la yidhi qalad buu ahaa. Qaldaadka noocaas ahi, waxa ay sawir innaga siinayaan, jahawareerka ka taagan, xukuumadda maanta jirta.

Waxa samaysmay gole la yidhi waa toosinta Qaranka. Dabcan dadka badidiisu waa ay ka biya-diideen qaabka ay isu abaabuleen. Maaddaama oo ay jiraan laba xisbi Qaran oo mucaarad ah. Dib ayey isu saxeen hawshaasi cidda ay doonto ha ka timaaddo, ee jid sax ah ayaa la mariyey oo ah in labada xisbi mucaarad iska kaashanayaan, dood qarameed. Waxba kuma jabna, mana aha wax laga saso, waxaase yaab ah in xukuumaddu weli taagan tahay lama qaban karo. Waxa aan xasuustay, xukuumaddii Rayaale, oo xilligeedii joojisay, dood loogu magac daray "Caawa Caqli keen". Joojintaasi, waxa ay u soo hoysay xisbiyadii mucaaradka, ee xilligaa oo KULMIYE ka mid ahaa, taageero badan, tanina kaba sii weyn oo waa hubaal haddii la joojiyo in mucaaradku heli doonaan taageerada dadka.

Shacbiga reer Somaliland, waxa ugu weyn ee ay maanta ka hayaan halgankoodii dhiigga farabadani ku qubtay, waa hadalka xorta ah, waa kulamada xorta ah. Wixii la joojiyo ama car juuq dheh, wax kasta oo u eg dadkani ma oggola. Waana la arki doonaa kulankaas haddii sidaa lagu joojiyo isbedelka ku dhaca taageerada xukuumadda. Wax badan in ay xukuumaddani qabatay ninna daah kama saarna, waxaase nuglaynaya oo dilaya waxqabadkaas waxyaabo yaryar oo weynaan kara.

Maxaa ugu danbeeyey? Mudane Jamaal Cali Xuseen oo u taagan hanashada madaxweynenimo ee Somaliland, in laga hor istaago madaarka Hargeysa. Si kastaba wax ha u qaldanaadaan, laakiin xukuumadda ayaa dulqaad iyo wax hagaajin looga fadhiyaa. Magaalada Gabiley baa laga joojiyey Jamaal Cali Xuseen, waa farriin taageero u soo kordhinaysa mudane, Jamaal ee wax ba lama yeelin. Go'aanka ka horjoogsiga ee Xisbi Qaran uu soo bixiyo, laguna joojiyo Xisbi Qaran oo u dhigma waxa ay muujinaysaa in aynaan weli noqon qaran luga ku taagan. Qaranimadu sidaa maaha. Haddii uu sharciga baal maro Xisbi qaran sida UCID, waa in ay jirtaa qaabkii loogu sheegi lahaa, oo ka bilaabmaya Guddida dooroshooyinka, laakiin askari kontroolka taagani, ma geli kartid magaalada oo amar baanu haysannaa" waa qadhaadh, innagama degayso. Waxaana habboonayd in xukuumaddu ka bixiso raalli gelin buuxda. Xisbiyada Qaranku waa ay inoo siman yihiin.

Shalayba xisbiga Kulmiye, waxa uu taageerada weyn ku helay qaladaadkii uu gelayey maamulkii Daahir Rayaale. Waxa isku milmay UDUB iyo Qaranimadii. Waxa caadi ahaan jirtay xilligii xukuumaddii milleteriga ee uu hoggaamin jiray Maxamed Siyaad Barre, hebel waa qaran dumis. Qarankii uu lahaa waa la duminayaa, isagaa duminayey. Sidaa darteed, aan kala saarro Qaranimada iyo xukuumadda. Marka xukuumadi, qalad gasho ee aynu ugu sacbinno yeynaan eersan xumaanta ka timaadda. Waa wax soo dhici jirey in hoggaamiye uu qalad galo oo haddana galo oo loo sacbiyo. Marka danbe goor aan goor ahayn baa shacbigu baraarugaa, waase xilli aan waxba laga qaban karin.

Madaxweyne Axmed M Siilaanyo, waxa aynu ka filaynay wax weyn in uu kaga tago horumarka Somaliland. Ifafaalo ayaa muuqday, yaan dib loo noqon. Xisbiyada mucaaradkuna, maanta waxa aad mooddaa in dhankiina la soo jalleecayo, ee diyaar garooba oo muujiya sidii aydin u hanan lahaydeen taageerada dhankiinna u soo ciirtay. Aflagaaddo iyo cay la idinku taageeri maayo, in ku filan baad soo tidhaahdeen, wax ay idinka lumiso mooyee taageero ku heli maysaan aflagaaddo iyo in aad indhaha ka qarsataan wax qabadka ballaadhan ee xukuumaddani samaysay. Xukuumadduna yaanay isla weynaan ee dadkeeda ha la socoto, haddii kale buurtuu koray waarin mayso ee kub iyo bawduu ka jabay.

Waxa aan qoraalkan ku soo afjarayaa. Waa qaadan waa, liqi waa, garanwaa in maanta lagu horjoogsado oo isbaaro loo dhigto Mudane, Jamaal Cali Xuseen gelitaanka magaalada gabiley. Caqliga fayaw waxa uu inna tusayaa qaladkaasi in aanuu ahayn mid laga galay qof ama Xisbi ee waxa laga galay waa Qaranimada Somaliland--ama garo ama ha garan.

Nabad iyo Caano
Sayid-Axmed M. Yuusuf (Dhegey)
07/12/2013, sabti
Iswidhan/Stockholm

Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.

Falan-qaynta maansada: Quruxda maansada Cabdi Adan (Qays) iyo Maxamed Ibraahin (Hadraawi) Q-3aad

Qaybtan oo ah qaybta ugu danbaysa ee "Falan-qaynta Maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays", waxa aan ku eegi doonaa dhawr maanso oo kookooban. Waxa aan sidii qormooyinkii hore, wax ka taaban doonaa kala duwanaanshaha maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays ee hadana labaduba yihiin kuwo la jecelyahay.

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto.