hal_aqoon@yahoo.com Magaca buugga: Diihaal-reeb Qore : Khaalid Jaamac Qodax Soosaare : Qodax Publishers ISBN : 978-1-105-51544-6 Inta bog : 219bog www.lulu.com ______________ Hordhac: Curinta maansadu innaguma cusba. Cid halbeegyadeeda taqaanse innagu yar. Deelqaaf iyo laaxin baa laga jiraa. Waxay ku kala geddisanyihiinna lama wada yaqaan. Xulashada ereyadu kaalinta ay ka qaadato tayada iyo cuddoonaanta tuducyada lama wada dareensana. Cid qexaysa ama tilmaamaysa mucda iyo macaanka ay maansada u yeeshana lama arko. Arrintu si kastaba ha ahaatee, haddii aan isu foodinno2 tuducyada dhawrkan gabay ee soo socda waxad dareemaysaa sida ay xulashada ereyadu kaalinta weyn uga qaadato cuddoonaantooda iyo tayada maansada:
Artiklar som handlar om somaliska historien, kultur, böcker som skrivna somaliska ect. Ninba degeladiisiyo, degmaduu ku ababiyo docdii hooyadii buu dahab uu ku sheegaa.