Fortsätt till huvudinnehåll

Diihaal-reeb: Milicsi kooban W/Q, Cabdiraxmaan Faarax Guri Barwaaqo

hal_aqoon@yahoo.com  
Magaca buugga:  Diihaal-reeb Qore  :  
Khaalid Jaamac Qodax Soosaare :  
Qodax Publishers ISBN  :  978-1-105-51544-6 Inta bog : 219bog 
www.lulu.com ______________  

Hordhac:  

Curinta maansadu innaguma cusba. Cid halbeegyadeeda taqaanse innagu yar. Deelqaaf iyo laaxin baa laga jiraa. Waxay ku kala geddisanyihiinna lama wada yaqaan. Xulashada ereyadu kaalinta ay ka qaadato tayada iyo cuddoonaanta tuducyada lama wada dareensana. Cid qexaysa ama tilmaamaysa mucda iyo macaanka ay maansada u yeeshana lama arko. Arrintu si kastaba ha ahaatee, haddii aan isu foodinno2 tuducyada dhawrkan gabay ee soo socda waxad dareemaysaa sida ay xulashada ereyadu kaalinta weyn uga qaadato cuddoonaantooda iyo tayada maansada: 


1Duhur  baa Bashiir lagu shannaqay2 daar3 agtiinna ehe 
      1   1       2    (1)  2    1   1   (1)   1  1       2   (1)   2    1 1 (1)  
Isagoo dem4 iyo dhiig leh oo maro ku duuduuban 1 1   2   (1)    1  1     2    (1)   2     1  1  (1)   2    2   (1) …………………………………………………………….. 
                         Midhihii Aw Aadan Afqallooc 
                                                           1 Duhur = ,  ﻇﻬﺮ 2 Shannaqay > shannaqa =  , ﺸﻨﻖ 3 Daar =  ,   ﺪﺍﺮ 4 Dem   =   - ﺬ ﻢ waa wada Carabi 


Xiddigtii Dagaariyo la dhaaf diilintii Gurey e   1   1    2  (1)   2  1  1 (1)    2      2 (1)  2  1  1 (1)  
Dibbaa laxaha loo eegayaa sacana waa daaf e   1    2    1  1 (1)  2   2  (1) 2   1  1  (1)  2    2   (1)  
Duqii samada lagu sheegayiyo dide cirjiidhiiy e    1   2  1   1 (1) 1  1     2  (1) 1 1  1 1 (1)  2    2  (1)  
Dabaylaha  rag  baa kala yaqaan dawga loo maro e   1   2   1  1 (1)    2    1   1 (1)  2     2   (1)  2    1  1 (1) …………………………………………………………                Midhihii Axmed Ismaaciil Diiriye ‘Qaasin’  
……………………………………………………………….. Lo'da dhiiqda laga maalayiyo dhayda iyo xoorku    1   1      2   (1) 1  1     2  (1)1 1      2  (1) 1 1   2   (1) Dhudhunkay biyaa kula jirtiyo dharabka weeyaane      1     1     2   (1) 2    1 1 (1) 1 1      1  1   (1)   2    2  (1)  
Mar hadday abaaruhu dhacaan dhimatay geesleeye      1     1     2  (1)  2  1  1    (1)  2        1   1 (1)   2    2  (1)  
Ragga laxaha   sii dhawrayow dhaqasho waa geele!    1    1  1  1 (1)   2      2  (1)  2       1   1  (1)   2     2 (1)  
                     Midhihii Cumar Ustareeliya 
Aan marka hore ka afeeftee, isuma foodinayo saddexda abwaan ee aan maansooyinkooda soo qaatay. Saddexda gabay uun baan ku ekaan, ujeeddada aan ka leeyahayna aan tilmaami. Saddexda gabay waxay wadaagaan dhawr arrimood oo kala ha in:  

1. Saddex  abwaan oo af tahannimo iyo maansayahannimo caan ku ihi kala curiyeen.  
2. Midna laaxin iyo deeqaaftoona ku jirin iyo in mid kastaa qodobka uu ka hadlayo ku habboon yahay. Qaar ka fiican oo qodobbadaa laga tiriyeyna aanan ilaa hadda maqal, cid sheegeysana aanan arkin.  
3. Hayeeshee,  ay xulashada ereyada  ku kala geddisan yihiin.  

Gabayga koobaad Xaajigu wuxu adeegsaday ereyo badan oo Carabiya. Taasi oo aan anigu u arko inay tayadii afka hoos-u-dhac weyn ku keentay. Dad badan oo aan Carabiga aqoonna ka horjoogsatay inay farriintii Xaajigu gaadho ama helaan.

Labada gabay ee kale waan ognahay sida dadku kolkay maqlaan ay ugu raxleeyaan ama ula dhacaan af macaanida iyo aragti wanaagga ay ku salaysan yihiin. Sidaasi oo kale ayaa sheekadana loo beegaa oo ay u leedahay halbeegyo loo adeegsado kolka la rabo in la sugo tayada iyo tilmaamaheedaba. Tusaale ahaan, waxa la sugaa xilliga iyo meesha ay sheekadu ka dhacday. Jilayaasha sheekada iyo sida uu mid kastaa kaalinta uu  jilaayo u hanto baa la beegaa. Waxa loo dhegtaagaa oo la qaddariyaa farriinta ay sheekadu gudbinayso. Afka sheekada lagu soo gudbiyo baa isna tilmaantiisa leh iyo qaar kaloo badan. Sidaasi darteed, waxan qoraalkan kooban ku eegidoonnaa sida ay sheekadan Diihaal-reeb uga soo baxday halbeegyadaasi, taasi oo ugu dambaynta inoo fududeyn doonta go’aan qaadashada inaan ku tilmaanno inay tahay sheeko fiican ama inay tahay mid boosha oo aan mudnayn in la akhriyo. 

Xilliga iyo Meesha: 

Meesha iyo madashu waa Hargeysa, hoyga fanka iyo suugaanta, oo hadda ah magaalamadaxda Jamhuuriyadda S/Laand.  Sheekadu maaha ugub ee waa curad. Waxay ku saabsan tahay dhacdo soojireen ah iyo xaalad aan weligeed wax laga qaban. Taasaa keentay inaanu  qoruhu inna siin ammintii ay sheekadu dhacday. Waa arrin tilmaamaysa in carruurta ku tabaalaysan derbiyada magaaladu tahay arrin soo jireen ah. Waana halkaa halka ay farshaxannimada qoruhu ku jirtaa. 

Jilayaasha sheekada: 

Sheekadu waa mala awaal sida uu qoruhu inoo sheegay. Hayeeshee, magacyada jilayaasha iyo goobta ay sheekadu ka dhacaysaa way isleeyihiin. Waa magacyo Soomaaliyeed oo jira. Jilaaga u weyni (arbaha sheekadu)  waa Saxardiid. Magacu wuxu tilmaamayaa magac Soomaaliyeed oo sooca. Waa mid lamman oo ka kooban ‘saxar’ iyo ‘diid’. Waxa loo bixiyaa wiilka lagu tilmaamayo inuu qurux u dhashay ama wiilka kolka uu dhasho ay hooyada geelooyinkeed  foolxumo ku tilmaamaan, hooyaduna ay si sarbeeb ah ugu sheegto dumarkaasi inuu wiilkeedu yahay mid foolxuma iskadaaye aanu korkiisa saxaryarina saarrayn. Qoruhu inuu midhkaa u kas u qaatay iyo inay isugu beegantay ma sheegi karo. Hayeeshee, sheekada dhexdeeda ayuu qoruhu inoogu sheegayaa inuu Saxardiid markii hore u dhashay qurux badni hayeeshee, duruufihii iyo waayihii derbijiifnimadu ay muuqaalkiisii wacnaa beddeleen. 

Beryahan dambe waxa la ogaaday, oo ay aqoonyahanno badanina rumaysan yihiin, in wax kasta oo haabka qofka ku soo dhaca la rumayn karo ama uu waxaasi rumoobi karo. Haddaba, waxan garan karnaa in hawsha ay qabatay Canab, oo ah jilaha labaad ee kaalinta mudan kaga jira sheekada, la rumayn karo oo dhallinta iyo carruurta derbijiifka  ah dhalanrog lagu samayn karo.   
        
Jilayaasha aan magacyadooda la sheegin waxa ka mid ah Saxardiid aayadii oo ah qofka dhibkan laga sheekaynayo wiilka u geysatay. Waxase isweydiin leh, waxa magac loogu bixinwaayey, ama loo sheegiwaayey magaceeda? Ma laga yaabaa inuu qoruhu ka baqo qabay in magaca uu bixiyaa uu noqondoono mid aaya kasta ku dhega oo isagana hadhaw lagu tilmaamo inuu yahay mid bulshada qayb ka mid ah godob ka galay ama ka soo horjeeda? 

Dugsiga sare ee ay Saxardiid iyo jalayaashii dhigan jireen isna lama sheegin magaciisa. Iyada qudheedu waxay tilmaan u tahay hab qoraalka hufan ee qoraha. Kaalin weyn baanay ardadu kaga jirtaa sheekada. Sidaasi awgeed, haddii uu sheegilahaa magac ka mid ah magacyada dugsiyada magaalada Hargeysa waxa loo arkilahaa inay sheekadu tahay mid dhab ah oo ka dhacday dugsigaa. Aragtidii qoraha oo ahayd inay sheekadu ahayd mid mala awaalihina halkaasi ayey ku buri lahayd. 
Samiira iyo Hodan ayaa ayana ka mid ah jilayaasha sheekada. Labaduba waxay sheekada kaga jiraan kaalin tilmaamaysa sida uu dhaqanku saamaynta weyn ugu leeyahay dhallinta. Samiira waxa loogu diidey Saxardiid oo ay guur iyo  nololwadaag ku heshiiyeen, qoyska uu ka soojeedo oo laga shakiyey awgeed. Waa dhaqanxumo qarqarsiday himiladii iyo hankii uu Saxardiid lahaa. Hodanna waxa Saxardiid loogu dhisay iyada oo aan uba jeedin inay guursataa waa dhaqan ku salaysan jujuub. Waana duurxul iyo tusaale sarbeebaysan oo uu qoruhu innoogu baraarujinayo sidii loo maarayn lahaa arrimaha caynkaasa. 

Figta xiisaha Sheekada:   

Sheeka kastaa waxay leedahay mar uu xiisaheedu cirka isku shareero. Sidaasi awgeed sheekadan diihaal- reeb wuxu iyana xiisaheedu aad cirka isugu shareerayaa, ama figtaba u gaadhayaa, marka Saxardiid oo halgankii uu u soo maray nolosha iyo guulihii uu soo gaadhay awgood isu arkayey in raadkii deribjiifnimadu ka hadhay, wax kastaana u tooseen, iyadii iin looga dhigay oo loogu diidey inantii Samiira ee uu rabay inuu nolol la wadaago. U qaadan waa ayey ku noqotay. Wuxu garan waayey sababta. Go’aankiise wuxu noqday ciddiisa oo aan la aqoon iyo noloshii uu yaraantiisii ku soo koray. Halkaa markaad marayso waxad isweydinaysaa tolow muxuu yeeli? Miyuu waalan? Miyuu isdeldeli iyo maxaa dhici? Hayeeshee, si farshaxannimo leh buu qoruhu u tilmaamayaa in nabsi meesha ka adeegayo oo uu sheekada isu dheellitirayaa. Hodan oo ah curaddii aayadiisii dhibka badday ayuu Saxardiid taabayaa. Soddohda Saxardiid iska ururinaysa waynu garan oo waa aayadii. Wiilkii u horreeyey ee ay ayeyga u noqoto ee ay koolkoolisaa wuxu noqonayaa ina Saxardiid!! Fal gefa waad samaysaa lagaagamase tago.

Afka sheekadu ku qorantahay: 

Afka sheekada lagu qoraa kaalin taabbuda buu qoraalka ku leeyahay. Sidaasi awgeed afka sheekada diihaal-reeb ku qorantahay waa af fudud, hufan oo aan wax suruqa lahayn. Murti badan iyo hawraaro aan tiro yarayn oo qaab qurux badan oo soo jiidasho leh loo dhigay baad  kula kulmaysaa. Hayeeshee, ereyo dhawra oo aan sheekada kula kulmay waxay ixasuusiyeen qaar aan degello kale kula kulmay. Waxan isku qanciyey inay tahay dabayl si lama filaan ah u saamaysay dhallinta ama gef ay dhaadmo la’aan jirtaa keentay. Tusaale ahaa, ereyga  ‘sicirbarar’ baan degello badan ku arkay isaga oo loo qoray ‘sixirbarar’. Magaca magaalada ‘Ankara’ baa iyana loo qoray ‘Cankara’. Ereyga ‘ictiraaf’  baa isna loo qoraa ‘citiraaf’. Sidaasi si la mid ah ayaad buugganna uga heleysaa ereyo dhawaaqoodi is beddel ku yimid. Tusaale ahaa, ereyga ‘degdeg’ waxa loo qoray ‘dagdag’, halka ereyga ‘legdamay’ uu u qoranyahay ‘ladgamay’. Ereyga ‘machad’ baa isna u qornaa ‘maxhad’, ‘labanlaabtay’ baa loo qoray ‘libinlaabtay’, iwm. 

Dhaliisha ugu weyn ee dhanka afka waxan ku soo koobi laba: Shibbanayaasha labanlaabma oo aan milgihii iyo kaalintii ay afka ku lahaayeen la marin iyo astaamaha hadalka kala qala ee afka ingiriiska loogu yeedho (punctuation marks) oon si habboon loogu adeegsan sheekada. Waana laba qodob oo haddii daabacaadda dambe loo dhiibo quraarro fiican oo arrimahaasi u dhuun daloola laga gudbikaro. 

Dhanbaalka ama farriinta ay sheekadu gudbinayso: 

Sidii aan soo sheegay, sheeko kasta waxa laga fishaa farriin ama dhanbaal ay xambaarsantahay. Cidda loo gudbinayaa waa qayb ka tirsan bulshada ay sheekadu ka dhex dhalatay. Waxa haddaba sheekadan iiga baxay inay xambaarsantahay dhawr dhanbaal oo ku kala socda: 

 Bulshada iyo maammullada guud ahaan  Aayooyinka gaar ahaan, iyo  Carruurta derbijiifka ah.

Sheekadu maaha sheeko jacayl iyo laba dhallinyar ah oo dareen wada qaybsanaysa. Inkasta oo uu qoruhu yahay nin da’yar, kuna jira xilligii uu hawlahaa aan soo sheegay isku hawli lahaa, wuxu innoo soo gudbiyey sheeko xambaarsan dhanbaal dareen culus oo dadnimo iyo mid waddaninimo isugu jira. Waa farriin inna faraysa inaan ubadkeenna yaryar ee derbijiifka ah wax u qabanno. Waa dhambaal tilmaamaya in khayrku aanu  ahayn masaajid la dhiso oo qudha ee ubad la daryeelaa isna yahay mid if iyo aakhiraba lagu badbaadayo.  
     Qoruhu dhaqan xumideenna si toosa inooguma xariirin. Hayeeshee, si farshaxnimo ku jirto ayuu inoo hogatusaaleeyey. Waa dhaqanka qofka iintiisa ku caaya. Qof tuurleh baan u bixinnaa ‘tuur’. Qof illa’ baan ugu yeedhnaa ‘illaw’ ama ‘iley’. Mid gacan la’ baan nidhaa ‘gacanlaw’ ama ‘gacan’, iwm. Ardadii ay Saxardiid iyo jalayaashiisii,  ka wada yimid xeradii markii dambe loo bixiyey ‘Xarunta daryeelka Canab’, dugsiga sare ugu tageen waxay ku tilmaameen inay ahaayeen garac iyo qaar aan ab iyo isirtoona lahayn,  meel ay ka soo jeedaanna aan la aqoon. Runtii waa arrin dhab ah oo bulshadeenna si joogto ah 
  
uga dhacda in laga waantoobana mudan. Inuu ilmuhu abniqii waayo  yaa ka  masuula: ma isaga mise waa qaddar Alle? Inuu ilmuhu saboolnimo ku koraa ma xulashaa mise waa qayb adduun?  Qorhu haddaba, toos inoogumuu odhan midhkaa ha la joojiyo. Hayeeshee, si sarbeeba ah  buu inoo dareen siiyey.  Xanuunkii iyo walaacii ku dhacay Saxardiid baana inna faraya inaan falkaa iyo falaadkaa xun joojinno oo ka waantawno.  

Qoruhu waxa kale oo uu si dadban inoo hogatusaalaynayaa siyaabaha urur samafala loo samayn karo iyo waliba sida iyo habka dhaqaale loogu helikaro ama loogu doonikaro intaba. Fulintii iyo ku dhaqaaqidda ama ku dhiirrashada innaguu inoo dhaafay.   
     Ilma kasta oo derbijiifa aayo ma soo caydhin. Aayo oo dhanna in gef laga galaa ma habboona. Hayeeshee, wax badan baa la maqlay dad aayooyinkood ka cabanaya oo tilmaamaya waxyaabihii ay kula kicijireen intii ay la joogeen. Hayeeshee, qofna ma sheego dhibkii uu isagu aayadii ku hayey ee keentay inay ku dhibto. Iyada oo ay sidaa tahay qoruhu wuxu inna dareensiinayaa inaan carruurtu ku dhalan derbiyada hayeeshee ay jiraan sababo midhkaa dhaliyey. Waa laga yaabaa inay sida Saxardiid oo kale jiraan carruur ay aayaayinkood guryaha ka soo saareen oo ay noloshoodu silic iyo darxumo ku danbaysey. Hayeeshee in la hubiyo lana ogaado sababta carruurta guryaha ka soo saartaa waa arrin lagama maarmaan ah. Aayooyinku guud ahaan inay iska dhawraan oo u dulqaataan carruurta ay aayooyinka u yihiin oo magacii aayooyinka dib loo soo dhisaa iyana waa arrin taabbudnimadeeda leh. Dhambaalka u dambeeyaa wuxu u socdaa dhallinta derbijiifka ah iyo inta tabaalaysan. Waa dhanbaal rajo muujinaya iyo inaanay qofna la dhalan dhibaatadu ee goor ay noqotaba laga bixikaro.

Gabagabo: 

Qoraalkan kooban oo aan si guudmara ugu falanqaynayey sheekada diihaal-reeb waxan bilawga qoraalka ku xusay in sida maansada loo beego sheekadana loo beego, hase ahaatee halbeegyadoodu ay aad u kala duwan yihiin. Sida gabayga lama eego laaxin, deelqaaf iyo wax la mida. Hayeeshee, waxa jira si kale oo sheekooyinka loo beego.  Markii aan haddaba dhawr qodob, oo ka mid  ah hal beegyadaasi, ku dhereriyey sheekada waxa soo baxay inay inteedii badnayd fulisay. Waxanaynu awood u leennahay hadda inaan qiimayn karno sheekada. Waxanan ku tilmaamikarnaa inay tahay sheeko aad  u qiimo badan oo si yaab leh u xidhiidhsan, isuguna dheellitiran.  

Magaca sheekadu waa ‘diihaal-reeb’. Diihaalku waa rafaadka, dhibka iyo darxumada. Runtii marka la eego dhibka iyo rafaadka uu Saxardiid nolosha kula soo kacaa kufay iyo noloshan dambe ee uu galay waxad si kalsoonile u dareemaysaa in magaca iyo sheekadu is leeyihiin. 

Hadal iyo dhammaantii, qoruhu wuxu mudan yahay hamblyo iyo bogaadin. Qof kasta oo daneeya sheekooyinka afsoomaaliga ku qoran waxan u soo jeedinayaa inuu sheekadan akhristo oo uu dareenkiisa inala wadaago, ciddii uu u tilmaamikarana u tilmaamo. Runtiina waa buug mudan in muquuno ahaan laysugu diro.

Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.

Falan-qaynta maansada: Quruxda maansada Cabdi Adan (Qays) iyo Maxamed Ibraahin (Hadraawi) Q-3aad

Qaybtan oo ah qaybta ugu danbaysa ee "Falan-qaynta Maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays", waxa aan ku eegi doonaa dhawr maanso oo kookooban. Waxa aan sidii qormooyinkii hore, wax ka taaban doonaa kala duwanaanshaha maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays ee hadana labaduba yihiin kuwo la jecelyahay.

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto.