Fortsätt till huvudinnehåll

Xidhitaankii Carwada Buugaagta Soomaalida ee Stockholm 16-17 Ogos 2013 Hiddodhawr.org Somali Culture And Literature


Maalintii shalay oo ku beegnayd 17 bishan Ogos sannadka 2013, waxa si rasmi ah loo soo gebogabeeyay carwadii buugaagta Soomaalida Stockholm oo labadii cisho ee u danbeeyayba ka socotay xaafadda Rinkeby ee magaalada Stockholm. Carwadan oo ah mid sannadkiiba hal mar uu qabto ururka dhaqanka iyo suugaanta ee Hidhodhawr, ayaa  qabsoontay si heersare ah, aadna ay uga heleen dhammaan bulshoweynta ku dhaqan magaalada Stockholm iyo nawaaxigeedu. Munaasibaddan oo si weyn loo soo agaasimay, ayna goobta ka soo xaadireen dadweyne  aad u faro badani ayaa ahayd mid ay ka soo qayb galeen qorayaal iyo hal-abuur tiro badani, kuwaasi oo  isaga kala yimid  waddamada Sweden, UK iyo Norway.

Sayid Maxamed Yuusuf ( Dhegey ), oo ahaa daadihiyaha barnaamijka ayaa ugu horayn codbaahiyaha  ku soo dhaweeyay qoraaga Cumar Xaaji Bile. Cumar ayaa si rasmi ah barnaamijka ugu furay Quraanka kariimka ah iyo erayo kooban oo guubaabo iyo mahadnaq ah. Intaas kadib waxa makrafoonka lagu soo dhaweeyay Muuse Maxamuud Ciise ( Dalmar ), oo ah madaxa ururka dhaqanka iyo suugaanta Hiddodhawr ( Hiddodhawr.org Somali Culture And Literature). 

Muuse Dalmar ayaa si kooban uga hadlay hawsha uu bulshada u hayo ururka Hiddodhawr iyo waliba sida  ay ku qabsoontay hawshan qiimaha badan ee ururkoodu soo diyaariyay. Waxaanu Muuse sheegay in ay sannadkastaba wakhtigan xagaaga qaban doonaan carwo noocan oo kale ah, isaga oo  sheegay in ay waliba rajaynayaan in ay noqon doonto mid caalami ah oo kulmisa bulshoweynta ku dhaqan waddankan iyo guud ahaan caalamkaba.

Intaas kadib waxa hadalkii la wareegay macallin Yuusuf Xasan oo isagu soo akhriyay buugga buddhigga u ahaa carwada ee SEGREGATION INOM OCH UTANFÖR HEMMET, kaasi oo ay qortay marwo Dayiba Cabdi Cali. Yuusuf ayaa faallo kooban ka bixiyay buuggan cusub ee ka hadlaya nolosha qoyska Soomaaliyeed ee qurbaha iyo xidhiidhka u dhaxeeya waalidka iyo carruurta. 



Faalladaas kadibna Yuusuf waxa uu ku soo gebogabeeyay maanso kooban oo uu u hibeeyay buuggan cusub, taasi oo ka hadlaysa xuquuqda carruurta iyo sida ay mihiimka u tahay in waalidku xil dheeraada iska saaro koriinka iyo tarbiyadda ubadkiisa.

Marwo Dayibo Cabdi Cali oo ahayd qoraaga buuggan cusub ee af Iswiidhishka ku qoran, ayaa hadalkii la wareegtay. Waxaanay si mug weyn leh ugu dheeraatay farriinta uu wado buuggan cusub iyo duruufihii kala duwanaa ee uu la soo maray mudadii ay buuggan qoraysay. Marwo Dayibo oo ah macallimad wax u dhigta carruur badan oo Soomaali ah ayaa dadweynihii madasha fadhiyay la wadaagtay macluumaad badan oo ku saabsan kala-daadsanaanta iyo dayaca haysta ubadka Soomaalida ah ee Yurub ku nool. 

Waxaanay Dayibo dul istaagtay duruufaha adag ee ku xeeran carrurta Soomaalida iyo sida  hooyadii iyo aabbihii ugu guuldaraysteen dhismihii qoyska iyo barbaarintii ubadka. Dayibo oo hore u qortay buug isla mawduucan ku saabsan oo magaciisa la yidhaa, Agoon aabbihii nool yahay ayaa si weyn u dhalliishay masuuliyadda iyo xilka saaran aabbaha Soomaaliga ah ee ku nool waddamada reer Galbeedka. Waxaanay ku dheeraatay in raggii ku guuldaraysteen hoggaankii qoyska. Markii ay Dayibo hadalkii dhammaysayna waxa si toos ah u bilaabmantay in su'aalo laga waydiiyo buuggeeda cusub, iyada oo dadka qaarna ay madasha ku soo bandhigeen aragtidooda ku wajahan nolosha qurbaha iyo qoyska Soomaaliyeed.

Intaas kadib waxa la gudo galay qaybtii danbe ee barnaamijka. Waxaana madasha lagu soo bandhigay in ka badan toban buug oo ku qoran afka Soomaaliga. Ugu horayn waxaa goobta ka hadlay, kuna soo bandhigay saddex buug oo uu dhawaan soo saaray qoraaga Siciid Cali Shire oo isagu ka yimid waddanka Ingiriiska. Siciid oo ah aqoonyahan weyn ayaa si mug leh uga hadlay qiimaha akhriska iyo qoraalka iyo sida loogu baahan yahay in loogu baraarugsanaado. Siciid ayaa sidoo kale ka hadlay dayaca weyn ee haysta dhallinyarada Soomaaliyeed ee Yurub ku nool iyo sida ay intoodii badnayd u noqdeen kuwo ka leexday jidkii toosnaa ee nolosha, taas beddalkeeda ay ku jiraan jiilasha waaweyn ee Yurub. Siciid oo ay dadku aad u xiisaynayeen hadalkiisa ayaa madasha ku soo bandhigay buugaagtiisa kala ah: Hoggaamiye, Furaha Ganacsiga iyo Bangiyada Islaamka.

Dhanka kale qoraaga da'da yar ee Axmed-Keyse Cali Rooble ayaa isna carwadan ku soo bandhigay buuggiisa cusub ee Hal aan ogaaday. Halka qoraaga Axmed Cabdillaahi Cawaale uu isna goobta ku soo bandhigay buuggiisa carruurta ee Irbaddii luntay. Suldaan Maxamed Suldaan Ibraahin ayaa isna madasha ku soo bandhigay buuggiisa cusub ee Naanaysi magac maaha. Sayid Maxamed Yuusuf ayaa isna si mug weyn oo farshaxanimo badani ku jirto goobta ugu daahfuray buugaagta kala ah; 1. Diihaal-reeb, 2.Magan 3. Deelleeyda Qarniga iyo Diiwaanka Nabadda 4.  Baraarug 5. Maaweelo wanaagsan 6. Ababiye 7. Barbaarinta Carruurta 8. Khiyaanoole wuu khasaaraa.

Bashiir Cismaan oo isna ah madaxa shirkadda buugaagta ee Scansom ayaa madasha ku soo bandhigay buugaag tiro badan oo isugu jiray kuwa carruurta, suugaanta iyo buugaag badan oo aqoon ahba. Barnaamijkan oo ahaa mid weyn, xiiso gaar ahna lahaa ayaa ku soo dhammaaday jawi farxadeed.


Hiddodhawr.org waxa farxad weyn u ah wada shaqayntii qiimaha badnayd ee uu la sameeyay Ururka Qoraaga Somaliland, oo aanay la'aantii wax badani suuroobi lahayn. Sidoo kale waxa uu ururka Hiddodhawr ku faraxsan yahay sida qiimaha leh ee ay u hirgashay himiladii ahayd in bulshada afka Soomaaliga ku hadasha iyo bulshooyinka kaleba la gaadhsiiyo erayga dhigan iyo dhaqanka Soomaalida. Waxaana sidoo kale mahadsan  labada shirkadood ee buugaagta ee kala ah, Scansom iyo Iftiinka Aqoonta oo buugaag tiro badan ku soo bandhigay carwadan




Diyaarintii: Hiddodhawr.org  Somali Culture And Literature
                            www.hiddodhowr.com,   hiddod
hawr.org@gmail.com

Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Waa kuma abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)? Qormo kooban oo ka hadlaysa suugaanta abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)

Abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey), waxa uu ku dhashay duleedka degmada Bullaxaar ee gobolka Saaxil. Isaga oo kuray ah ayuu u   wareegay magaalada Berbera, waxaanu ka shaqayn jiray makhaayadaha   cuntada. Isaga oo ka hawlgalay makhaayaddii Cumar Isteeri. Muddo kadib waxa uu u wareegay magaalada Hargeysa, xilligaasi oo uu sheegay abwaanku in ay   ku beegnayd   xilligii ay inqilaabka wadeen Xasan-Kayd iyo raggiisii. Abwaanku, intii uu Hargeysa joogay, waxa uu ka shaqayn jiray hudheelkii loo yiqiinay Yuuniyanka ( Union). Mar danbe ayuu abwaanku ganacsi ka bilaabi goobtii loo yiqiinay Xerodhafta. 

Xog ku saabsan Afgenbegii 1961 Col, Xasan Faarax Bullaale: "Taariikh u baahan sixitaan iyo run ka sheegid"

Taariikhdu waa dhacdo ama arrimo dhacay xilliyo la soo dhaafay. Haddii aan wax laga qorin, lama ogaan karo taariikhdaasi sidii ay u dhacday. Mar haddii aan la kaydin arrimaha taariikheed ee dal iyo dad ba soo mara, waxa ay taariikhdaasi gashaa mugdi waxaanay yeelataa madmada w badan. Sida inbadani ka warqabto Somaliland waxa ka dhacay Afgenbi la isku deyey 1961kii, kaasoo lagu guuldarraysatay Dad badani xog kama hayaan, inkastoo ay noolyihiin xubno ka mid ahaa saraakiishii Afgenbigaa isku deyey. Kalhore waxa la waraystay Amb, Cawil Cali Ducaale oo ka mid ahaa saraakiishaas, xilligaasna ahaa xiddigle. Waxa uu Cawil qoray buug uu kaga hadlay wax farabadan oo uu u soo joogay, waxaana ka mid ahaa Afgenbigaas. Waana buugga la magacbaxay "Raad-Raaca Taariikh Soomaaliyeed"

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.