Fortsätt till huvudinnehåll

Buugga Isdaahirinta Muslinka:- Hanti Ma Guurto ah oo Umada Soomaaliyeed leedahay.

Quruxda Farshaxanimadu ku jirto ee loo xardhay Jaldiga hore ee Buugga ee nashqadeeyuhu  isugu dhex miley  Sadexda  Midab ee anigu shakhsi ahaan aan xiiseeyo,waa huruud Dahabi ah oo lagu xardhay Basali khafiifa oo hadana hareeraha lagaga hadheeyay Buluuki, loo isticmaalay Warqad siisiibanaysa oo qaro adag,qurux iyo dhalaalna  ku sii kordhisay Midabada laga baaraan degay, inta aanan gorfayn Gudihiisa waxa la yaab igu noqday sida Mu’alifka  Buuggu uu shilinta uga guray Buuggan, waxaan u jeedaa Gofanaha Buugta Soomaaliyeed Dhameeyay ee ah dhinaca Higaadda oo aanay Qorayaasha qaarkood xil iska saarin, tani ayaa noqon doonta mid ay tahay in lagaga dayan doono Mu’alifka.


     Buuggan Isdaahirinta Muslinka ee Dhawaan Dalkiisii hooyo lagu soo bandhigay ayaan ka mid ahaa Kumanaanka qof ee la dhacay Fikradda uu Xanbaarsanyahay,  waxaanan   odhan karaa waa buuggii  ugu horeeyay aniga ogaantay ee  ku qoran Afsoomaali, ee ka hadla Culuumta Axkmaata Islaamka oo Culimo iyo Caamaba loo diyaariyay qaab casriyaysan oo God lagu riday  cudurdaarkii Soomaalidu soo qadimi jirtay “ iskuma fiicnin Afka ay diintu ku qorantahay”. 

     
Qoraagu waxa uu Buugga u qoray hab cilmiyeysan oo anfici doona Jiilasha Soomaaliyeed gude  iyo dibadba Doonaya  inay Diinta Seeskeeda ku bartaan Afkoodii Hooyo,amase aan idhaahdo Jiilasha hadda Joogga iyo kuwa soo socdaaba, waxay xasuusan doonaan cidii isku hawshay Hantidan Ma Guurtada ah.   Waa Buug si waafi ah u kala dhigdhigaya Wixii Waajibaad ah ee saaran qofka Muslinka ah, isaga oo la jaanqaadaya Qofka aan Diinta Wax Macluumaad ah ka haysan,waa Waydiin iyo Warcelin Xiiso Badan. 




Mahadnaq iyo Bogaadin ka sokow Mu’alifku waxa uu mudanyahay in lagu daro Liiska Dadka Shucuubtooda wax la taaban karo ku soo kordhiyay.  Waan dareemi karaa oo waxay ahayd Baylah muuqatay ilaahayna Waafajiyay Qoraaga inuu isku dayo inuu inta karaankiisa ah Gufeeyo,Waxa uu ka hor tegay in Bulshada Diinteedu u naafawdo Af qalaad oo ay ku qorantahay oon ahayn kii ay u dhasheen, Waxaan aaminsanahay inuu wax wayn ka tarayo Aqoonta iyo Fahamka dadka Soomaaliyeed oon badanaaba ku baraarugsanayn in Diinta lagu baran karo afkooda hooyo. 

Markii aan akhriyay Buuggan waxa iiga muuqatay inuu umada Soomaaliyeed u furayo irido cusub oo hore uga daboolnaa, waxa laga yaabaa inuu u horseedo Baraarug hor leh iyo isku day hirgelinta in aqoonta Diimeed aan looga dhigin mid ay caqabad ku tahay Luqadda Carabiga ee Maalinba Maalinta ka dambaysa Doorkeedii hoos u  sii dhacayo, loona Baahanyahay in la gaadhay Waqtigii Culimada Soomaaliyeed isku deyi lahaayeen inay sida Cabdibashiir u soo tabiyaan Aqoonta Diimeed ee u garba Duuban Afka Qalaad. 

Ugu dambayn waxaan leeyahay Buuggan ISDAAHIRINTA MUSLIMKU, waa indhofur taabanaya Meelaha ugu muhiimsan ee Xalaasha iyo Xaaraantu isku herdiyaan iyo Baahida loo qabo Waqti xaadirkan in qof kastaa toosh ka dhigto uu ku ifisto wixii Madmadaw ka gala Diintiisa. 

Eng: Mahdi Sheekh. 
Hargeysa, Somaliland. 

Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.

Falan-qaynta maansada: Quruxda maansada Cabdi Adan (Qays) iyo Maxamed Ibraahin (Hadraawi) Q-3aad

Qaybtan oo ah qaybta ugu danbaysa ee "Falan-qaynta Maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays", waxa aan ku eegi doonaa dhawr maanso oo kookooban. Waxa aan sidii qormooyinkii hore, wax ka taaban doonaa kala duwanaanshaha maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays ee hadana labaduba yihiin kuwo la jecelyahay.

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto.