Fortsätt till huvudinnehåll

Afur Wadareedkii Ururka Qorayaasha Somaliland iyo Naadiyada Akhristayaasha.


Waxa dhowaan lagu qabtay Hotel Almis ee Magaalada Hargaysa Kulan Afureed ay soo qabanqaabiyeen Ururka Qorayaasha Somaliland ee Fadhigoodu yahay Dalka Sweden, Kulankan oo ay Goob Joog ka ahaayeen Badiba Naadiyada ka Dhisan akhriska ee ka dhisan Dalka Gudihiisa ayaa waxa si qoto Dheer loo falanqeeyay sidii kor loogu qaadi lahaa Aqoonta Naadiyada u heellan Dhiiri gelinta Akhriska iyo Qoraalka. Qorayaasha Somaliland oo Qurbe iyo gudahaba, kulankan ka soo qayb galay ayaa Waxa Goob joog ka ahaa Qoraa Maxamad Xirsi Guuleed (Cabdibashiir) Xasan Cabdi Madar iyo Cabdillahi Cawad Cige. 


   
Ugu horayn Masuul ka tirsan Naadiyada Akhristyaasha oo Hadalka Furay ayaa ururka Qoraaga ee reer Somaliland uga Mahadnaqay kulan afureedan ay isugu keeneen Naadiyada,aadna ay ugu Baahnaayeen Naadiyadu. Qoraa Maxamad Xirsi Guuleed oo Masuulka Naadiyada ka dib hadlay ayaa Muujiyay Dareenkiisa Farxadeed ee ku Waajahan sida qiimaha leh ee Naadiyadu ay Kulankan uga soo qayb galeen, isaga oo tilmaamay in Kaalinta Naadiyada ee Dhiirigelinta Akhriska iyo Qoraalku tahay Masuuliyad Qaran oo ay Dusha u riteen iyada oo dhalinyar oo soo kacaysa, ayna Waajib tahay in la barbar istaago, xidhiidh fiican lala yeesho la dhiirigeliyo, isaga oo tilmaamay inuu Qurbaha uga yimid si uu kulankan ula yeesho Naadiyada oo uu aaminsan yahay inay Mudanyihiin in meelo ka sii fog looga yimaado si waxna looga dhegaysto waxna loogu kordhiyo. 

   
Afurkii ka dib ayaa waxa Jilbaha la isku dhigay in la falanqeeyo Xaalka Guud ee ay ku suganyihiin Naadiyadu, iyadoo Naadi kastaa soo diyaariyay Mushkiladaha ku xeeran ee uu u arko inay caqabad ku yihiin Horumarka naadiga. Qoraa, Xasan Cabdi Madar oo isna dhalinyarada Falanqayntii Mushkiladda ka dib Talooyin Siiyay, ayaa Tilmaamay in Naadiyadu waxbadana qabteen, wax badana u dhimanyihiin oo loo baahan yahay inay la Jaanqaadaan Qaabka Dhiiri gelinta Akhriska iyo Qoraalka ayna Muujiyaan Maskax fayaw oo wax curin karta. 

   
Qoraa Cabdillahi Cawad Cige, oo dhowaan ka yimi Carriga Ingiriiska, ayaa isna Dhalinta uga garaabay Mashkiladaha isbiirsaday ee ay ku soo bandhigeen kulankan Xog waraysiga sheegayna in Naadiyadu intii looga baahnaa iyo in ka badanba ay qabteen hadda se halkan la taaganyahay ay tahay hawl u baahan Waajibaad culus. Qoraa Maxamed Xirsi, oo kulankan Naadiyada ku martiqaaday ayaa Xog ururintii ka dib tibaaxay inuu Iswaraysigan iyo aqoontan la kala faaiiday ku kaydin doono Xaruntii Ururka Qoraaga Somaliland sidoo kalena ay Masuuliyiinta Ururku isla eegi Doonaan Habaka ugu haboon ee Hawsha Akhriska iyo Qoraalku midho dhalis ku noqon karto. Ugu dambayntii Naadiyada iyo Ururka Qorayaashu waxay isla meel dhigeen in iskaashi fiican ka dhexeeyo isla markaan loo baahanyahay in la fuliyo Barnaamijyo wax ku ool ah. 

 ------------------------------------------------------------------ 
// Naadiyada Akhristayaasha Somaliland, Hargeisa

Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.

Falan-qaynta maansada: Quruxda maansada Cabdi Adan (Qays) iyo Maxamed Ibraahin (Hadraawi) Q-3aad

Qaybtan oo ah qaybta ugu danbaysa ee "Falan-qaynta Maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays", waxa aan ku eegi doonaa dhawr maanso oo kookooban. Waxa aan sidii qormooyinkii hore, wax ka taaban doonaa kala duwanaanshaha maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays ee hadana labaduba yihiin kuwo la jecelyahay.

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto.