Fortsätt till huvudinnehåll

Ogeysiis, Ogeysiis kulan muhiim ah: Isku xidhka Ururka Qoraaga Somaliland iyo Naadiyada Akhriska


Kulankan oo ka mid ah abaabulka ama dhiirrigelinta dhinaca akhriska iyo qoraalka, waxa uu Ururka Qoraaga Somaliland, oo fadhiggiisu yahay Carriga Sweden, uu go'aansaday, in la sameeyo isku xidh Naadiyada Akhriska ee ka dhismay dalka Somaliland. Waxa hubaal ah in ay muhiim tahay isbarashada qorayaasha, akhristayaasha iyo qaybaha kale ee bulshadaba. 

Waxa kaloo muhiim ah in aan la dayicin carruurta aad u yaryar, oo lagu dhiirrigelin karo wax qorista iyo akhriskaba. Taasoo UQS uu ku talo jiro sidii loo abaabuli lahaa kulammo u gaar ah carruurta yaryar. Ogeysiiskan oo lagu wargelinayo dhammaan bulshaweynta ku hadasha afka soomaaliga, gaar ahaan inta ku sugan Hargeysa iyo deegaanada ku xeeran, waa kulan muhiim ah oo isugu jira xogwarran, warbixin, suugaan, bandhig buugaageed iyo wax isweydiin u furan dadwenaha ka soo qayb gala kulankaas. 


Taladaadu waa muhiim, gaar ahaan haddii aad ugu yaraan qortay buug, soona saartay ama xataa inta jidka soo haysa kulankani si gaar ah ayuu u taabanayaa, ee habeenkaa la wadaag bahda qalinlayda ee goobta isugu imandoonta. Waxa kulanka soo abaabulay ururka Qoraaga Somaliland oo uu wakiil ka yahay qoraa, Maxamed Xirsi Guuleed iyo badiba Naadiyada akhriska Somaliland.

Guddoomiya Ururka Qoraaga Somaliland
Sayid-Axmed M Yuusuf (Dhegey)
Sweden

Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Waa kuma abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)? Qormo kooban oo ka hadlaysa suugaanta abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)

Abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey), waxa uu ku dhashay duleedka degmada Bullaxaar ee gobolka Saaxil. Isaga oo kuray ah ayuu u   wareegay magaalada Berbera, waxaanu ka shaqayn jiray makhaayadaha   cuntada. Isaga oo ka hawlgalay makhaayaddii Cumar Isteeri. Muddo kadib waxa uu u wareegay magaalada Hargeysa, xilligaasi oo uu sheegay abwaanku in ay   ku beegnayd   xilligii ay inqilaabka wadeen Xasan-Kayd iyo raggiisii. Abwaanku, intii uu Hargeysa joogay, waxa uu ka shaqayn jiray hudheelkii loo yiqiinay Yuuniyanka ( Union). Mar danbe ayuu abwaanku ganacsi ka bilaabi goobtii loo yiqiinay Xerodhafta. 

Maalinta afka iyo Suugaanta Soomaalida ee Xaafadda Rinkeby 14-05-2016 Sabtida

Haddii aad xiisayso afka iyo suugaanta Soomaalida, fadlan nagala soo qaybgal barnaamij xiiso badan oo 14 bishan Mey lagu qaban doono guriga ummadda ee xaafadda Rinkeby. Barnaamijkan ayaa ay marti noogu yihiin qorayaal, afaqoon iyo cilmibaadhayaal ku hawlan afka iyo suugaanta Soomaalida. Martida maalintan nagala soo qaybgali doonta waxa ka mid ah Morgan Nillsson oo ah macallin afka Soomaaliga ka dhiga jaamacadda Göteborg, ahna cilmibaadhe ku hawlan taariikhda iyo habdhismeedka afka Soomaaliga. Kulankan waxa uu Morgan sharaxaad ka bixin doonaa kooraska afka Soomaaliga ee uu jaamacadda Göteborg ka dhigo. Waxa uu sidoo kale ka hadli doonaa afka Soomaaliga iyo duruufaha ku xeeran maata.

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto.