Fortsätt till huvudinnehåll

Xusuusqor hore---06-2009 (Kulankii Axmed M M Siilaanyo iyo Stockholm) 4 gu' ka hor

FG: Qoraalkani, waa 2009kii

----------------------------------------------------------------------------

Waxa laga joogaa 21 sannaddood markii heshiisku dhexmaray Maxamed Siyaad Barre iyo Mingistu Xayle oo kala hoggaamin jiray xukuumado kelitalis ahaa oo ka dhisnaa Jamhuuriyaddii Somaliya iyo Itoobiya. Heshiiskaasi markii uu dhacay waxa aan joogay magaalada Sheekh. Bishii Labaad ee sannadkii 1988 ayaan ka soo kicitimay magaalada Muqdisho, waana lagu nabad qabay, waxa keliya ee dhegaha dadku ay maqlayeen hadalhayntii xukunkii maalmahaa ku dhacay Ismaaciil Cali Abokor oo ahaan jiray madaxweyne ku xigeen iyo Cumar Carte Qaalib oo muddo dheer ahaa Wasiirkii arrimaha dibedda oo labadoodaba lagu xukumay dil iyadoo la sii daayey dhammaan xubnihii la xidhnaa oo ka soo jeeday koonfurtii Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed ee xilligaa.



Dilkaas oo markii danbe loogu bedelay xabsi aan dhammaad lahayn. Maalmahaas ayaan ka soo anbabaxay Muqdisho. Socdaalkaygii hore waxa aan ku horreeyey Hargeysa, balse markii danbe waxa aan ku soo noqday Sheekh. Goor galab ah oo saacadda afrikada bari caga-cagaynaysey shantii galabnimo ayaa loo diyaargaroobay BBC dii. Waa Makhaayad hadhqoodaarkeeda, waxa fadhiya dad badan waxa dhegta loo taagayaa heshiiskii dhexmaray Siyaad iyo Mingistu.

    Wax la sugoba waxa ay si faahfaahsan uga warrantay heshiiskii. Waxa aan ka xasuustaa 1. In ciidanka xadka fadhiya 30 km laga durkiyo soohdimaha. 2. In la xidho idaacadaha xooggaga mucaaradka ku ah labada dal. 3 In tageerada laga joojiyo xooggaga mucaaradka labada dhanba. Xilligaa waxa jiray oo keliya oo xoog ahaa jabhaddii SNM. Waayo muddo ka hor ayey burburtay jabhaddii ugu da’da weynayd ee SSDF oo uu hoggaaminayey Cabdilaahi Yuusuf Axmed, oo xilligaa xidhnaa, kuna xidhnaa Itoobiya. Heshiiskaasi waa mid aan tuugna xadi karin. Waxa uu ahaa mid muujinayey daciifnimadii maamulkii Siyaad Barre. Waayo waxa uu u saxeexay in aan laga hadli karin dhulkii Soomaligalbeed oo ay Itoobiya iska leedahay.

    Isagoo xilligaa u arkayey dhibka ugu weyni in uu yahay kursiga oo lagu soo weeraro. Sheekadaas umaan bixin ee yaanaan qalin taraarin ee aan soo gondadego. Makhaayaddii baynu fadhinay. Markii ay BBC dii warkii dhammaysay baa dadkii sheekaysteen. Nin Gaashaanle sare ahaa oo haystay ciidanka xoogga dalka ee xerada Sheekh baa intuu qoslay yidhi: ” Maantaa geeleenu nabad ku daaqayaa dhulkii Hawdka” Dee cidi uma ay jawaabaynoo waaba laga baqayey. Laakiin waxa hoos loo sii lahaa” Yaa… … waar maantay inoo dhammatay.
    
   Maantaa la soo qabqabanayaa SNMtii iwm. Maalintii danbe ayaa la waraystay Muj: Axmed Siilaanyo. Waxa aan ka xasuustaa su’aalihii la weydiiyey: “Miyaan halgankiiníi sidaa ku istaagin mar haddii ay heshiiyeen Siyaad Barre iyo Mingistu? warcelintiisii baanaan illaabi karin oo ka kululaa madaafiic. Waxa uu Axmed ku jawaabay: ” Halgan kayagu kuma xidhna laba dal oo heshiiya ee waa halgan ummadeed, mana joogsanayo” Hadaladaasi waxa ay u ahaayeen dulmanihii xilligaa joogay, hadallo lagu diirsado.

   Waxa ay u ahayd yididiilo. Waxa tuhun uu geliyey in uu ogyahay arrimo u qarsoon iyo awoodo uu ku faani karo oo ka qarsoon Labada dawladood ee heshiiyey. Waxa taa xigtay saddex bilood dabadeed, in dalkiiba la soo galay oo SNM ka dhextoostay Burco iyo Hargeysa. Markii uu dagaalku bilaabmay ayaa la weydiiyey qaabka dagaalku uu u dhacay. Axmed Siilaanyo markii uu ka jawaabay su’aalihii kale ayaa la weydiiyey in ay Sheekh gacanta ku hayaan. Runta ayuu ka sheegay oo yidhi Maya, Sheekh ma odhan karo. Markaa waxa aan ku sugnaa magaalada Sheekh, oo dee haddii uu odhan lahaa SNM baa haysata warkii oo dhan waxaanu is odhan lahayn waa been.

   Waxaase waraysigaasi uu noo caddeeyey in uu xaqiiqo ka sheegayey goobihii dagaalku ka dhacay. Haddii aan xasuusta dib halkaa uga sii celiyo. Dagaalkii uu ku dhintay Maxamed Xaashi Lixle 1984kii Ilaahay ha u naxariistee ayaa uu ku jawaabay, SNM waa wada Lixle, oo macnaheedu ahaa haddii uu geesi naga dhintay SNM waa wada Geesi. Isku soo wada xoori. Maalintii Jimcihii ee bishu ahayd 12/06/2009 ayaan kula kulmay casha sharaf loo sameeyey Mud: Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo Marwadiisa iyo xoghayaha arrimaha dibedda ee KULMIYE. Waxa cashasharaf-taas sameeyey Jaaliyadda deegaanka Dariiqada Sheekh oo aan ka mid ahay.

   Waxa dad badan garanayaan deegaanka Dariiqada Sheekh oo xilli laga joogo 150 sannadood ka hor ka xoroobay qabyaaladda iyo kala qaybsanaanta dadka soomaaliyeed ragaadiyey. Waa deegaan kooban oo haddana ay deggenyihiin beelol aad u fara badan oo ka kala yimi deegaanno kala fog. Waa deegaan ku caan ahaa waxbarashada, waa meel ka tilmaaman deegaanada kale. Waxba yaanaan taa ku dheeraan ee aan ku soo noqdo cashadii iyo kulankii Siilaanyo. Kulan kaasi ma uu ahayn mid lagaga sheekaysanayey xaallada maanta taagan, ee waxa aad u xiise badnaa, in waayo hore iyo taariikho hore ilaa dugsigii hoose ay isla garteen si fiicanna noogu soo gudbiyeen Ruugcaddaaga, Rashiid Sh Adan Xasan iyo Axmed Maxamed Siilaanyo.
 
   Sheekooyinkaas iyo kaftankaas waxa dhexsocday cuntadii iyo cabbitaankii oo uu xilweyn iska saaray Caddaruus Sh Aadan oo gurigiisa marti loo ahaa. Qoraalkan uguma aan talo gelin xaaladda maanta taagan iyo xisbiyada toonna. Qof kastaaba xisbiga uu doono ayuu taageerayaa oo uu xor u yahay ee taariikh hore iyo xusuus ayuunbaan qalinka u qaatay iyo tilmaamid kulankii iigu horreeyey ee aan la kulmo Axmed Siilaanyo oo aan aad u xasuusto anigoo dhawr iyo toban jir ah iyo xaaladdii adkayd ee dalku berigaa ku jiray oo uu ahaa hoggaamiyihii SNM iyo maanta oo Afartan jirkii wax ii weheliyaan.
   
   Waad qiyaasi kartaa muddada u dhaxaysa. Wax badan baa isbedelay oo ilmihii maalintaa dhashay xaas buu leeyahay. Kii shan jirka ahaa waa soddon jir ku dhowaad. Dadkuna taariikhda waxa ay ka eegaan kolba halka maanta taagan. Tagtada ayaa lagu saxaa timaaddada. Haddii kale meel laga yimi iyo meel loo socda toonna garanmaysid oo waxaad noqonaysaa “Dhidar onkod kiciyey”

Sayid-Axmed Maxamed Yuusuf (Dhegey)
 Stockholm/Sweden
gacanlibaax2001@yahoo.se

Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.

Falan-qaynta maansada: Quruxda maansada Cabdi Adan (Qays) iyo Maxamed Ibraahin (Hadraawi) Q-3aad

Qaybtan oo ah qaybta ugu danbaysa ee "Falan-qaynta Maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays", waxa aan ku eegi doonaa dhawr maanso oo kookooban. Waxa aan sidii qormooyinkii hore, wax ka taaban doonaa kala duwanaanshaha maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays ee hadana labaduba yihiin kuwo la jecelyahay.

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto.