Fortsätt till huvudinnehåll

Maxaabiistii Jeelka Mandheera iyo Saamayntii uu ku yeeshay dagaalkii 1988-kii. W/Q, Cabdirasaaq Ibraahin Kooshin

Bilawgii dagaalkii 1988kii waxa uu saamayn weyn ku yeeshay meel kasta. Jeelashii dalka, ayaa ka mid ahaa meelihii uu saamaynta weyn ku yeeshay, gaar ahaan jeelka weyn, ee Mandheera. Qoraaladan soo socda waxa aynu faahfaahin buuxda ka helidoonaa, sida uu innoogu soo gudbiyey Cabdirisaaq Sh. Ibraahin oo xilligaa ku xukunnaa

dil. Balse marka hore, Cabdirisaaq oo ka warramaya markii uu xukunku ku dhacay iyo ku dhawaaqistii, raggii kale ee maalintaa la wada xukumay, oo taariikhdu ahayd, 03- 10- 1984, waxa uu yidhi:
---------------------------------------------------------------------

“Haddii aanu wax yar uun fadhinay maxkamadda, ayaa waxaa soo galay
gudoomiyihii maxkamadda badbaadada dalka---waa Maxamuud Geele
Yuusuf iyo labadiisii ku xigeen. Waanu istaagnay dhamaantayo, 
haddaanu nahay eedaysanayaashii iyo hadday noqoto dadkii u yimid dhagaysiga
xukun-kayaga iyo hadday noqoto toddoba qareen oo na difaacayayba,
markii Geele iyo saaxiibadii ay fadhiisteena waanu fadhiisanay.

- Geele: ”Maxkamaddu way furantahay waxaanan idiin sheegayaa in maxkamaddu
haddii cid ay xukunto aan la ooyi karin, haddii cid ay sii daysana aan la mashxaradi
karin. Haddii Geele uu intaa hordhac uga dhigay xukunkiisii,wuxuu hadana
raaciyey: ”fadhigii ay maxkamadda badbaadadu yeelatay bishii Sibtamber sagaal
iyo labaatankeedii waxay dil toogasho ah ku xukuntay eedaysanayaasha kala ah:

1. Cabdirisaaq Sheekh Ibraamim Kooshin - dil toogasho ah
2. Yuusuf Maxamed Ciise - dil toogasho ah
3. Cabdiraxiim Maxamed Baaruud - dil toogasho ah
4. Cabdi Ismaaciil Maxamuud - dil toogasho ah
5. Axmed Sheekh Ibraahim Sheekh Cumar - dil toogasho ah
6. Maxamed Baashe Aw Cali - dil toogasho ah
7. Cabdi Dhamac Caabi - dil toogasho ah

Intii aanay magacyadaasi afka Geele ka soo wada bixin, ayaa waxay dadkii
maxkamadda ku jiray oo dumar u badnaa ay la oogsadeen hoogayoo ba’ayeey
iyo qaylo mar qudhaata buux dhaafisay qolkii maxkamadda tin ilaa cidhib.
Maxkamaddu siday idiin sharaftay ha loo sharfo ayuu laba ama saddex jeer
ku celiyay Maxamuud Geele Yuusuf una yidhi si adag oo dadka baqo gelisay,
wuxuuna raaciyey --- sagaal arday oo kale oo uu ku xukumay xabsi daa’in,
saddex arday oo kale oo uu ku xukumay min saddex sanno iyo Cali Xasan
Aadan (Banfas) oo uu ku xukumay shan iyo toban sanno oo xadhig adag ah.
Isla markiiba waxa maxkamaddii laga dareeriyey dadkii ehelka, qaraabada,
asxaabta iyo shicibka ahaa, annagana waxaa nalagula boobay katiinado. Wax
yar ka dib waxaa nalagu guray gaadhi madoobe dheere ah oo ay dhinacyada
ka saaran yihiin ciidamadii Siyaad Barre ee daraawiishtu, halka ay ciidamada
millatariga iyo tiknikadooduba ay xagga hore iyo xagga danbaba nooga daadihinayeen.

Waxaa nala soo mariyey wadada marta dhakhtarka Hargaysa dabadiisa
anagoo u haysanna in nala gaynaayo jeelka Hargaysa, waxaanu se
garannay in nalagu wado meel kale markii baabuurtii ilaalada ahayd iyo kii na
sidayba ay jeelka xawaare ba’an ku dhaafeen, cagtana saareen dhankaa iyo
wadada laamiga ah ee Berbera u baxda, iyadoo markaa maskaxdayada ay ku
soo dhacday in nala gaynaayo Madheera ama Labaatan Jirow oo aan sheeko
uun ku maqlay ahaydna halka ay ku xidhnaayeen kooxdii la odhan jiray UFO.
Xaaladdii aanu ku sugnayn maalmihii dagaalku qarxay ee Jeelkii Mandheera
”Waxay ahayd barqadii lixiyo labaatankii May (26-05-1988 ) oo ahayd maalin
khamiis ah, markii aanu maqallay siidhiga askarta jeelka oo makhsin walba
ka dhex qaylinaaya iyo waliba askarta oo maxaabiista ugu baaqaya in laysugu
yimaado bannaanka weyn ee jeelka dhexdiisa ah. Haddii mid guri ku jiray, mid
musqusha ku jiray iyo mid xamaamka maydhashada ku jirayba ay isugu yimaadeen
barxaddaa weyn askartuna ay aad u dhoobantahay, dhinacyada maxaabiista,
ayaa waxa ka soo galay albaabka u dhaxeeya qaybta maxaabiista iyo xafiisyada
askarta, sarkaal labisan dirayskiisii ciidannimo oo ay ku lamaantahay
darajadiisiina. 

   Muu ahayn nin aanu hore u aragnay, waxaase jirtay in maalintaa
laba, saddex casho ka hor uu geeriyooday taliyihii xabsiga dhexe ee Madheera
Daahir Jubonayn, oo xanuun kadis ahi ku soo booday, waxaana kollayba la sugayey
in taliye cusub loo soo magacaabi doono jeelka weyn ee Madheera. Waxa
uu noo sheegay inuu yahay taliyihii xabsiga dhexe ee Hargaysa (waa ninkii Xasan
Jilic) badalaye iyo geerida ku timid taliyihii xabsiga Madheera iyo waliba
in isaga lagu soo amray inuu sii tago Madheera inta cid loo soo magacaabayo.
Khudbad isugu jirta wax sheeg iyo amar farid kadib wuxuu noo sheegay ina155
anu hawlahayaga qabsanno. Haddii intaani dhacday, waxaa la baadi doonay
bal in la helo cid soo martay jeelka Hargaysa oo warbixin maxaabiista ka siisa
dabeecadda iyo dhaqanka ninkaasi leeyahay, durbadiibana waxaa la helay lana
sheegay inuu yahay in aan xilkas ahayn kuna soo meeraysta xataa raashinka iyo
lacagta yar ee dadka maxaabiista ah qaraabadoodu ay u keenaan, waxaana habeenkaa
la kala seexday iyadoo laga dharagsanyahay ninkaasi iyo dabcigiisa.
Subaxnimadii hore ee maalintaa ku xigtay oo ahayd maalin Jimce ah bisha
May-na ay ahayd toddoba iyo labaatan ( 27- 5- 1988 ) saacaduna ay ahayd
abbaaro toddobadii subaxnimo, ayaa waxaa jeelka soo galay koox saraakiil
milatariga ah oo uu horkacayey taliyihii dugsiga milatariga ee madheera Cabbaas
kuwaas oo fuulay qolka Rakaalka, inyar ka dibna waxaad arkaysay askartii
jeelka oo la soo wada baxay kuna gaadhan hubkoodii iyo qalabkoodii
dagaalka. 

   Maalinta Jimcuhu waxay ahayd maalinta dadka maxaabiista ah ay
soo booqdaan qaraabadoodu, waxaana salaadii horeba loo sii diyaargaroobay
soo dhaweyntii dadka, iyadoo maalintaasi tahay maalin ay maxaabiistu helaan
wararka todobaadkaa la soo dhaafay. Waxaa loo yeedhay maxaabiistii u horraysay
ee loo yimid (sida caadadu tahay maalintaa maxaabiista badankoodu
waxay tubnaan jireen albaabka maxaabiista looga yeedho iyo agagaarkiisa)
markii ay soo noqdeena waxaa la weydiiyey sidii caadadda ahayd cidda u timi
iyo war wixii ku soo kordhay. Waxay maxaabiistii sheegeen inaan habayaraatee
cidna la tusin ee lagu yidhi oo kali ah raashinkan ayaa laydiin keenee qaata.
Waa wixii lagu sheegayey iyo tolow ma wuxuu ina moodayaa ”Abu jeerin
” miyaanu ogayn in ragga meesha ku jiraa yihii xabsi daa’ in ayaa markiiba
laysla dhex qaaday, iyadoo aad arkaysay raggii siyaasadda u xidhnaa
oo afar - afar iyo saddex - saddex geedaha hoostooda isagu imanaya kuna
faqaya. 

Yaanu jirin nin qudha oo raashinka soo qaataa, haddaan layna tusayn
dadkeena ayuu ahaa waxa kali ah ee maxaabiistaa siyaasadda u xidhani
ay is faraysay, waxaana markiiba saraakiishii jeelka la gaaadhsiiyey
in uu jiro kacdoon ka dhan ah raashinka khalliga ah ee aanay cidina sidin
ee maxaabiista loogu yeedhayo. Waxaa noo yimid nin kabtan ah oo ah taliye
kuxigeen-kii jeel-ka annaga oo ah afar ilaa shan inta aan ka xasuusto
Cabdi Ismaaciil, Maxamed Baashe iyo Yuusuf Maxamed Ciise -maxaa dhacay
ee aad xam-xamta lahaysaan ? ayay ahayd wixii uu markii u horraysay-
ba na weydiiyey, waxaanan u sheegnay inaanay ahayn waxan ay la yi156
maadeen wax ka soconaya, annagoo waliba u raacinay inaanu raashinka
dawladda ku leenahay ee maalintaa aanu xaq u leenahay in dadkayaga nala
tuso. Waxba ma ogidin iyo wax maxaya ayaanu haddana is weydaarsannay.
Waar nimankii SNM ayaa saaka magaaladii Burco soo galay oo saraakiil
baddanna ku laayey badankeediina haysta ee ha is waalina iyo aniga
oo ugu jawaabay ” Bal waxaad noogu sheekaynayso eeg SNM tu
ma sidii likihii bay Burco saaka uun ka soo dhex baxday ) iyo waar raashinkiina
iska qaata oo uu sarkaalkii isagoo sii socda nagu soo tuuray.
Ka dib ayaa waxaa nagu soo xoomay maxaaabiis kale, inyar ka dibna
waxaa yeedhay siidhi ah ha la xeroodo iyo askartii oo maxaabiista
dhangad xagga danbe sidii adhiga kaga soo wadda.

 Waxaa ii yeedhay anigoo sii galaya makhsin aan ahayn kaan u hoyanayey oo aan is lahaa inta
labada xero u dhaxaysa waa sidii caadada noo ahaan jirtaye turub ku
soo ciyaar Xasan Cabdi oo ahaa askarigii maalintaa gaadhka haystay.
Xasan Cabdi wuxuu ahaa nin dhalin yaro ah waxaanu markii hore maalin
haysan jiray gaadhka qaybta dilka ee loo yaqaanno ( Qabta ) wakhtigaasi
oo aanu halkaa ku jirnay. Wuxuu ahaa nin aad u fur - furan maalintiisuna
waxay run ahaantii ahayd maalin noo tirsan, isagoo maalintiisa xerada
nooga soo qaadi jitay ciyaaraha dubnadda iyo turubka oon dadka dilka ah
loo ogolayn, waxaa kale oo uu noo samayn jiray in uu qolalka naga furo
marka aanu u baahano musqusha laba amma sadex jeer maalintii halka
maalinta kale mar qudhaata nalooga ogolyahay inaanu musqusha gallo,
ugu danbayntiina markii aanu u wareegnay jeelka weyn wuxuu ahaa ninkii
noo soo galiyey Radio aanu markaa haysanay oo jeelka mabnuuc ka ahaa.

Turub ayaan qolkan ku soo ciyaarayaa iyo Alphow qolkaagii gal in layska furiba
Allaa oge ayaanu aniga iyo Xasan Cabdi iswaydaarsannay. Maxaa dhacay
( Anigoo afka u soo dhuubaya ) iyo SNM tii ayaa Burco saaka soo gashay
oo qabsatay oo dagaal ilaa diyaarddo laysku adeegasaday ayaa ka socda
ayaanu haddana su’ aal iyo jawaab isugu celinay anigoo garan la’ in SNM
tu iyana diyaaraddo ku dagaalamayso iyo in kale, waxaanse xaqiiqsaday in
warka labada nin ee faqashta ahaa isku raaceeni uu yahay wax jira, taasi oo
ahayd waxaan hore looga baran askari ku yidhaa SNM baa meel soo gashay.

Maalintaasi waxay ahayd maalintii debed iyo albaab layska furo noogu
danbaysay, Xasan Cabdi oo mardanbe qolkii aan ku jiray iigu yimidna
waxuu ii sheegay in baskii raashinka noo siday la celiyey isagoon wax raashin
ah laga soo dajin, waxaanu ii raaciyey inaanu ku faro adaygno waxaanu
imika haysanno. Kow iyo soddonkii bisha waxaan furay warqad uu
buuri ku jiray oo uu yuusuf Max’d Ciise oo qol kale ku jiraa iigu soo dhiibay
askari, warqaddaasi buurigu ku jiro oo uu hoosteeda iigu soo qoray
inay BBC-du waraysatay Axmed Siilaanyo iyo in Hargaysaba la soo galay.

Siciid-Sara-kac oo ahaa askarta jeelka, oo u dhashay deegaanka Madheera,
ahaana nin iska da’ weyn oon dhibaato badnay ayaa soo hoos maray
daaqadda aan hoos jiifsado oon markaa taagnaa, iyadoo maalintaasi dagaal xumi
uu ka socday meel aan jeelka aad uga sii dheerayn, gariirka iyo xabaddubana ay
ahaayeen kuwo aad noogu soo dhaw. Siciid maxaad sheegtay iyo waa nabad ka
dib ayaan Siciid weydiiyey meesha gariirkaasi ka dhacayo, intii aanu ii sheeginna
wuxuu i weydiiyey bal inaan wax raashin ah haysanno iyo in kale. Wax yar
baanu haysanaa iyo kiiloo Bariis ah ayaan ku siin doonaa haddii aad ii sheegto
meesha dagaalkaasi ka dhacayo iyo waa Cadaadlay oo waliba ay nimankii qabsadeen
ayaanu subaxaana aniga iyo Siciid-Sara-kac isweydaarsannay anigoo
siiyay labadii kiiloo ee bariiska ahaa ee raashin noogu danbeeyey mid ka mid ah.

Waxay ahayd shantii iyo afar iyo toban daqiiqo markii xabaddu ay ka dul
qaraxday todoba boqol iyo konton maxbuus oo ku jiray jeelka Madheera.
Waxaanu isku qol ahayn nin la odhan jiray Max’d dhegaweyne oo ay Max’d-
Cali ( labadoodaba Alla ha u naxariistee ) ay saaxiib ahaayeen, ninkaasi oo
Max’d-Calina u wadi jiray gaadhi dhafoor-qiiqle ah markuu Max’d-Cali watay
jabhaddii afraad ee dagaalkii soomaali galbeed, waxaana Alla ha u naxariistee
Dhagaweyne iyo nin isna jeelka nagula jiray oo Hawiye ahaa lana
odhan jiray Xaashi la soo xidhay markuu Alla ha un naxariistee Max’d-Cali
goostay. Markii ay cabaar xabaddu dhacaysay ayaanu shantayadii nin ee
kale ee Isaaqa ahaa isugu nimid booskii Dhagaweyne, anagoo Max’d weydiinayna
bal inuu nooga warramo waxa uu u malaynaayo dagaalka dhacaya.
Alla ha u natariistee isagoo markaa gacanta ku hayey kitaab quraana oo uu
akhriyayey ayuu Max’d intuu dhoollo cadeeyey nagu yidhi: ”Waar illayn
qol baan idinkula jiraa waxba ma arkayee orodoo nin walawba booskaa158
gii ku noqo oo in Ilaahay nimankaa guusha siiyo qur’aanka akhrista.”

Nin baa laga hayaa ku kaadshaan nin u aqaanaaye, xaggee buu jiraa quraan
akhrisku rasaastaa intay hadh beeshay ayay maxaabiistii noqotay wax beerka
dhulka ku haya iyo wax shuban musqusha ugu jira mana jirin cid- cid la
hadlaysa iyo wax isweydiintoona. Sheekh Daa’uud oo ahaa nin da’diisu kontonka
kor u dhaaftay, ahaana nin gacan ku dhiigle ah kuna xukunnaa xabsi
daa’ in, ahaana sheekha jeelkaba tukiya oo aanu isku gogol xignay labadayada
madaxna soo kala horjeedaan ayaa kor ula soo toosay tusbax uu ku wardisanayey
isagoo markan faal ula kala baxay. Hadii uu riday kuna celiyey oo
uu yidhi markhaatigaa anna aan isleeyahay sheekh Daa’uud baa wax la tusayaa
ayaan ka soo hinqaday gogoshii aan dhabarka ugu jiifay waxaanan hadal
aan hoos u dhigayo ku idhi ” Sheekh Daa’uud bal bahalka iiga warran” .

Cabdow iska jiifso iyo anigoo isla markiiba dub ugu noqday jiifkaygii ayaa
is xigay, waxaanay xabaddu dushayada si aan kala go’ lahayn uga dhacaysay
ilaa kow iyo tobanadii. Wakhtigaasi ayaa waxaad arkaysay xabadda oo aad
moodo inay naga sii fogaanayso siina joogsanayso, anigoo dhagahaygana ay
ku soo dhacayeen dhawaqa siidhi aan is idhi malaha siidhigaasi waa jabhaddii
oo sii baxaysa, iyodoo markaa haddii la i saro aan bar dhiig ahi iga timaadeen
. Haddii ay xabaddii istaagtay ayaa mar labaad intayadii Isaaqa ahayn waxaanu
haddana isugu nimi gogoshii Alla ha u naxariistee Dhagaweyne kitaabka
ku akhrisanaayey, waxaanan ku idhi, “ Maxamedaw maxaad u malaynaysaa
siidhigaasi malaha kii dawladda maahee waa nimankii oo la jabiyay?”

Intuu haddana qoslay ayuu nagu yidhi, “Maxaa aniga i weydiinaysaan haddii
laynaga jabiyo meeshana waynu arki haddii kalena awalba weynu ku
jirnaye” waxaanu hore ka sii watay quraan akhriskiisii. Waxaan ku noqday
booskaygii, waxaa na iigu yimid Fircoon Jaamac oo aanu isku qol
ahayn horena aanu isku iskuul u ahayn, isagoo sita ”Arbaca-Turub” Waxaa
nagu soo biiray laba nin oo kale waxaanuna la kala baxnay arbaca turubkii.
Haddii ninkii u horreeyey degay ayaa waxa dib u bilaabmatay xabaddii waxaanad
arkaysay afartayadii nin oo nin waliba Yeeke---Yeeke, ku daray, nin
walibana intuu turubkii dhulka dhigay ayuu gogoshiisii dib ugu noqday anna
waxaan dib ugu jiifsaday gogoshaydii. Waxaa mar labaad faalkii la soo sare
fadhiistay Sheekh Daa’uud oo intuu dhigay haddana yidhi: “Markhaatigaa,”
Anna intaan markan hadal soo diyaarsaday ayaan markii uu dhameeyey


sheekhu faalkii aan ku idhi, “Sheekh dee bahalka nooga warran”? “Cabdow
nimanku waxaan dhib ahayn inoolamay iman oo waxba inaga jabin
maayaan” --- iyo ma dhibtan aynu ku jirno mid ka daranbaa inoo hadhay
oo aan Sheekha si cadho ku jirto uga hor geeyey! ayaa waxaan raaciyey istaag,
aan sare isu taagay anigoo daaqaddii aan hoos jiifay is kor taagay.

Waar Cabdirisaq iska warran iyo waa nabaddii, aanu is dhaafsanay Daahir
Max’d Jaamac oo guriga iga soo hor jeeda ku jira daaqaddana soo taagan, ayaa
waxaa dhexdayada soo maray nin ka mid ahaa askarta jeelka lana odhan jiray
Cabdillaahi Biric oo markaa wajigiisu aanu qurux badnayn. ----”Eeyaa Cabdillaahi
inyar oo bariisa ma ku siiyaa malaha ilaa saaka waxba maad cunine
iyo waar bariiskaabe dhacye daaqadaha ka fadhiista xabaddii xagaasay ka
soo dhacaysaa yaanay daaqadaha idinkaga dhicine, haddii Daahir iyo Cabdillaahi
is waydaarsadeen ayuu Cabdilllahi meel noo muuqata fadhiistay isagoo
qorigiisii intuu labada lugood dhexdiisa galiyey madaxana afkiisa hore saaray,
waxaanad jawigiisii hore iyo fadhigiisiiba ka arkaysay niyad jab weyn.

Markan waxaa lagu dagaalamayaa meel naga yar durugsan iyadoo mararka qaar
haddana xabdadu dushayada ka dhacayso, waxaanad moodaysay in dagaalku
laba aag ka kala socdo. Daahir Maxamed Jaamac oo aanu wali sheekaysanayno
aqalka uu ku jiraana iga soo horjeedo isagu arkayana waxa ka dhacaya banaanka
weyn ee jeelka iyo gidaarka danbe ee jeelka ayaa mar qudha kor ugu dhawaaqay
” Wallaahi waa kuwa gidaarkii danbe jabiyey ” isagoo inyar ka dibna ku xigsiiyey
waar waa kuwaa ciidankii Ayjeeshuna badhna meeshii dalooshay ka baxay
badhna Maadkay galeene meesha innaga jebiya ( maadku waa qayb jeelka ka
mid ah laakiin aan cidi galin oo ay ka dhisan yihiin guryo aad u gaboobay).

Haddii aqal walba aad ka maqlayasay garaaca albaabada laakiin aanu jirin aqal
kaliya oo albaabka iska jabiyey, albaabada jeelkuna ay ahaayeey kuwo xadiid
ah, ayaanu aniga iyo Daahir iskaga soo noqonay daaqaddii aaanu ka wada hadlaynay
iyo bal inuu Daahir gidaarkii la dumiyey dhaq-dhaqaaqiisa la socdo.
Intaa ka dib waxaad maqlaysay Baasuukayaal faro ku tiris ah oo xaggayaga
u soo dhacayey halka dagaalka qaybtiisii badnayd naga sii fogaanay-say.
Waxaa mar qudhaata nagu kulmay iyadoo markaa saacaddu ahayd labadii duhurnimo
oo gaw ah, raxan ka mid ah mujaahidiintii SNM oo jeelka ka soo galay
xaggii danbe ee ay jabiyeen iyo koox kale oo ka soo galay albaabka hore iyo

qaybta dilka oo uu Illaahay naxariistii janno isaga iyo intii dagaalkii xaqa ahaa
ku shahiidayba ha siiyee uu ka mid ahaa Maxamed-Cali oo ahaa sarkaalkii watay
hawl galkaa jabintii jeelka madheera. Waxaan ku soo baxay ninkii sarkaalka
ahaa ee Hargaysa nalooga soo badalay oo bahal Curri ah oo illaa maalintii Burco
la soo galay, anagana albaabada nalagu xidhay waayey hilibkii uu maxaabiista
la cuni jiray oo saruuradaysan oo margiga oo xabadi kaga dhacday ka hiigaaya.
Wuxuu ahaa dagaal aad u culus iyadoo ciidamada faqashta ee goobtaa jeelka
ka dagaalamay tiradooda lagu qiyaasay in ka badan sideed boqol oo
askari kana mid ahaayeey ciidamadii laga qabsaday Cadaadlay, kuwii xerada
Madheera iyo kuwii qaybta kaydka hubka ee Barta iyo waliba ciidamo
ka mid ah daraawiishta Hargaysa oo ahaa kuwii soo qaaday kontomeeye
odayaal ah oo laga soo xidhay magaalada Hargaysa. Waxaad arkaysay maydka askarta faqashta oo raxan-raxan madaxa iskula jira halka
jabkii firxadkoodu ay ka soo jeesteen dhankaa iyo dhinaca magaalada Berbera.

Xigasho: Buugga Milicsiga dagaalkii 1988kii

Waxa qoray oo diyaariyey: Abdirisaq Sh. Ibraahim Kooshin
Waxa uu muddo dheer ku xidhnaa jeelka Mandheera---marka uu qoraalkan qoray waxa uu deggenaa Carriga Ingiriiska. Markii dayuuraddii Soomaalida la afduubay waxa ka mid ahaa arrimaha ay afduubayaashu u doodeen kooxda ardayda ahayd ee ku xidhnayd Mandheera ee Cabdirasaaq ka midka ahaa 1984kii.

Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.

Falan-qaynta maansada: Quruxda maansada Cabdi Adan (Qays) iyo Maxamed Ibraahin (Hadraawi) Q-3aad

Qaybtan oo ah qaybta ugu danbaysa ee "Falan-qaynta Maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays", waxa aan ku eegi doonaa dhawr maanso oo kookooban. Waxa aan sidii qormooyinkii hore, wax ka taaban doonaa kala duwanaanshaha maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays ee hadana labaduba yihiin kuwo la jecelyahay.

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto.