Fortsätt till huvudinnehåll

Halgankii Ummada & Hankii Maxamed Cali (IHUN) Qaybtii 1aad Mareegaha Farshaxan Ogoosto ,2013


                                                               
Nimankii intay dhiidhiyeen wada dhalaalayey
                 Nimankii naftoodii dhigayee dhiigu qubanayey
                 Nimankii dhirta intay cunaan quud ka dhiganaayey
                 Nimankii dalkiinuun dhacsada u dhalandhoolaayey
                     Waar Allah ha u gargaaree guda abaalkooda

                           ~~~~~~~~~
  
                  Maatida ragii soo cesheen ciil ku dhimanaynin
                  Calankeena nimankii mar kale cadaw ka soo qaadey
                  Ciideena nimankii xasladayee ina xoreynayey
                  Nimankii dalkiinuun dhacsada u dhalnadhoolaayey
                       Waar Allah ha u gargaaree guda abaalkooda 
               
                        Abwaanada Qadan  Cabdi Axmed 



“Galabta ayaan arin muhiim ah  inaynu ka wada hadalno doonayaa insha Allah, fulinteedana adiga ayaa  u xilsaarnaan doona. Laba nin oo kale oo aanan kuu sheegayn iminka  ayaa i soo raacaya  ee waanu kuu imanaynaa insha Allah” erayadaa ayaa dhagaha  mujaahid Axmed Galaas Jaamac ku soo dhacey isagoo dhex fadhiya xafiiskiisa ku yaalay xeradii Ganad ee qaxootiga laga maamulayey. Dhan uu u qaado ayuu garan waayey, muddo erayo dhagihiisa ku soo noqnoqonayey ayey ahaayeen.Tolloow labadaa nin waa kuwaba, arintu se maxay tahay!!!.Xilligan aad baa hawlaha halganka loogu jiray ay u ahaayeen qarsoodi.Nin waliba waa is dhawri jiray,hawsha halgankana waxba kamuu hakran jirin.

    Axmed Galaas ayaa gurigii ay balantu aheyd  uu u socdaaley si uu martida  ugu soo dhaweeyo  si milgo iyo maamuus leh. Waxaa kaalin weyn ka qaatey  soo dhaweyntan kuna taageerayAxmed saaxiibkii  Daahir Ismaaciil Xaaji Aadan oo gurigiisa goglay. Waxaa xusid mudan inaan hawsha halganka ee qarsoon loo kala hadhin,qofba in uu ka geystaba.Dhibta kaga imaneysa iyadoo qof kastaa  garan karo ayaa loo badheedhayey ka qayb galka 

Xilli ku beegnayd  1981kii  ayaa  xafiiska laga maamuli jiray  qaxootigii Soomali Galbeed waxaa yimid Suldaan Cabdiraxmaan Sh.Muxumed(IHUN). Socdaalka uu xafiiskan ku yimid dan gaar may aheyn ee dan guud ayey aheyd.Waxaa  damqay hiifka,dhibta iyo hagardaamada lagu hayo bulshada  uu  hogaamiyaha u ahaa.Waxaa la qabanqaabinayey sidii raashin joogto ah loogu heli lahaa jabhad aasaaskeedu  si dadaban u bilaabmey. Jabhadaa waxaa loogu wanqalay Afraad. Waxaa xilligan sidoo kale  bilaabmey jabhadaha  Horyaal iyo Ciiltire. Saddexdan Jabhadood ayaa  isku kaalmeysanayey  inay iska caabiyaan  dhibta,dhaca, boobka, dilka, iyo hagardaamada joogtada ah  ee bulshada degaanka iminka ah reer Soomaaliland kala kulmayeen  jabhadii Soomaali Galbeed oo dawladii  Siyaad Barre (Afweyne) si gefsan u adeegsaneysay.Waxaana loo yaqaaney ooy ku caano-maali jireen Jabahadihii Sii-Galbeed.

    Goorsheegtu xilli ay  cagacageynaysay  2:00dii duhurnimo oo ay balantu ku beegnayd ayaa waxaa gurigii balanta soo galay Suldaan Cabdiraxmaan iyo labadii nin oo la socda. Waxaa madasha  sii goglay oo  marti loo ahaa  Daahir Ismaaciil X.Aadan. Markii la fadhiistay ee la nastey ayaa  Suldaan Cabdiraxmaan hadalkii qabsadey kuna bilaabey “Labadan nin waxay kala yihiin Maxamed Cali iyo Maxamed Xaashi Lixle,hawsha aanu u soconaana waa ciidamadii Afraad ayaa waxay fadhiyaan meel u dhaw Alleybadey oo wali may talaabin.Maxamed Cali ayaa iminka tababara.Warqad ayaan Sheekh Biliso ka soo qoraynaa in ciidamadu bateen, isagana raashinka loo kordhiyo, adigu ogoloow oo raashinkaa dheeraadka ah annagaa u qaadeyna Afraad, magaca Sheekh  Bilisana way ku soo baxaysaa...”.

Arintii ayaa la falanqeeyey layslana meel dhigay sida ugu quruxda badan ee ay ku suurtoobeyso laguna hirgalinayo iyadoo  maamulkii   Dawladii Siyaad Barre(Afweyne) dareemin, Sheekh Bilisana raashinkaa tabin.

“Labadaa  nin mid wuu casaa oo wuxuu ahaa Maxamed Cali, ka kalena waxaa ka muuqdey muuqaal reer miyi safar dheer soo galay,macamusna wuu xidhnaa ..wuxuuna ahaa Maxamed Xaashi lixle.....” ayuu yidhi  Axmed Galaas Jaamac oo bahda mareegta Farshaxan uga waramayey  fadhigaas iyo labada nin kuway ahaayeen.

Ilaahay ha u naxariisto  dhamaantood Suldaan Cabdiraxmaan Sh.Muxumed, Maxamed Xaashi Lixle, iyo Maxamed Cali.halgankii ay galeen wuu midho dhaliyey oo  guul iyo barwaaqo ayaa lagu hayaa Soomaaliland.Noloshu marba heer bay taagan tahay,tu ka fiican in mar walba la raadiyana waa hamiga dadka.Bahda mareegaha Farshaxan  ayaa  lagu yaqaan inay qoraal ku xusaan  hormoodka bulshada Soomaaliland,siiba maalmaha mudan ee ay ka mid tahay  Abril 6 oo ku beegan maalintii  kor loogu dhawaaqey   ururka SNM ee  xornimada Soomaliland  qayb laxaad leh ka qaatey  (Abril 6,1981). Sidaa darteed ayaa doorkan mareegaha Farshaxan soo bandhigayaan taariikh halgameedkii mujaahid Maxamed Cali((IHUN).

                                   Magaca Maxamed Cali:

Inta aynaan guda galin dhumucda qoraalka  iyo  sooyaal halgameedka uu xambarsan yahay,waxaa mudan inaynu isla garano magaca Maxamed Cali  yaa la yidhaa? Waydiintan ayaanu u bandhignay dad fara badan oo aqoon dheeraad ahu leh magacaa iyo mujaahidka watayba, hase yeeshee waxaa ku adkaatey inay warcelin hufan  ka bixiyaan. 

Maxamed Cali uun baa la odhan jiray ilaa intaan aqaaney? Waligay xataa maan maqal iyadoo loo dhaafinayo Maxamed Cali ? Inuu hal magac isku yahay iyo in kale xataa garan maayo? Malaha Caligu waa  naaneys ee Maxamed ayaa la odhan jiray, magaca aabihiise waligay maan raadin? Sidaasuu ku caanomaaley oo xilligii jabhadii loogu yeedhi jiray, sidaasaanan ku bartey? Jabhaddii Afraad hogaan buu noo ahaa oo  taliye Maxamed Cali ayaa la noo barey, waqti wax kale la is waydiiyana isumaan helin, xataa  waxaan bari danbe maqley inaanu marna ciidamada ka mid noqon?  Dadka kale  darajada ciidan eey  lahaayeen baaba loo raacin jirayee, isaga Maxamed Cali  oo qayaxan uun baan u aqaaney?  Wuxuu  ahaa magac  uu ku meel marayo waxaaban anigu u aqaaney inuu yahay M. Cali (em cali), iwm

   Warcelimahaa kor ku xusan iyo qaar kale ayaanu helnay markaanu waydiinta ku saabsan magaca Maxamed Cali dadka la wadaagney.Hase yeeshee bahda Mareegaha Farshaxan raadco dheer iyo  baadhis ay galeen waxay soo xaqiijiyeen inuu magacaasi yahay magac uu mujaahidku ku caano-maalay,aanuse aheyn magacii hooyadii iyo aabihii ugu wanqaleen.

   Markii uu isagoo  yar  tagey  magaalada Cadan ayaa  unkan iyo bar-bilawba u aheyd magacan.Halkaa waxaad ka dareemaysaa inuu mujaahidku isagoo yar  u heelanaa dahsoonida iyo  qaabka jabhadeyntu ku  meelmarto.

“Markii uu yaraa waxaa loogu wanqalay  Maxamuud, aabahayo wuxuu ahaa Faarax Dalmar Yuusuf” ayey tidhi Asli  oo mujaahidka la dhalatey.Sidaa darteed magaca aabihii iyo hooyadii  ay ku caleemo-saareen waxaa weeye  Maxamuud Faarax Dalmar Yuusuf. Hase yeeshee qoraalkani wuxuu ku socon doonaa magaca ay dadku u yaqaanaan ee Maxamed Cali.Magacu iskuma ladhna  oo wuu kala soocan yahay, waanu kala qoqoban yahay.Waana magac  wiil oo Maxamed ah, iyo waalid  Cali la yidhaa  ee bulshada  carabkooda ayaa  hal magac oo mujaahidku ku meel-marey ka dhigtay. Maxamed Cali siduu ku baxey iyo halkuu ka bilaabmeyna waxaa laga dhex arki doonaa qoraalkan dhumucda leh gudihiisa. 

                 Halgamaa Han iyo Hiyi fog leh:

Heer baa la gaadhaa              Hadalkaad tidhaahdiyo
Weedhaada haadiyo             Shimbiruhu higgaadshaan.
Heer baa la gaadhaa             Hurintaad la nooshahay
Kugu soo hirtaanoo              Ku hareer istaagaan.
Heer baa la gaadhaa             Haybadiyo karaamada
Rabbi kugu hagoogoo        Adigoon ku hawshoon
Una hoorsan baabaco         Dadku kugu hadaaqaan.
Maansadii “Heer baa gaadhaa”  abwaan  Xasan Daahir Weedhsame


Xilli ku beegnayd 1976kii ayaa Maxamed Cali laga soo daayey xabsiga Madheera.Waxaa lagu darey hogaanka  jabhadihii Soomali-galbeed siiba gaaska Axmed Guray oo uu noqday abaanduulaha gaaskaa.Isla xilligan waxaa jiray in bulshadu u heelaneyd dhoof.Waxaa dadka  qaxootiga Itoobiya ah ee la qaadayo la siin jiray baasaboor nin qaawani ku sawiran yahay.  “Waraaqahaa kuu soo qaadi maayo ee talo ka fiican baan kuu hayaa oo anigaad gacan-yare ii noqon, Itoobiya ayeynu dalka ka xoreyni ka dibna  Koonfur Afrika  iyo meelaha kalee dhibaateysan ayeynu xoreynaynaa.Taasaana kaaga wanaagsan oo kaaga magac-roon”.Weedhaa sida qayaxan u dhigan ayaa ku soo dhacey dhagaha Axmed Cismaan Jaamac (Dawlad) oo ka waramayey markii ugu horeysay eey kulmeen Maxamed Cali.

     Labada eray ee  “ka wanaagsan”  iyo “ka magac-roon” ayaa u ahaa hogaanka hanka Maxamed Cali.Arintaasi ma aheyn  han  erayo madhan lagu qurxiyey ee  fal sugan ayuu Maxamed Cali ku ladhay kuna taageeray.Hadalka uu maalintaa yidhi  mujaahidku ma aheyn hadal soke ee fal ahaana wuu  u meelmariyey. “Isagoo yar  ayuu Maxamed Cali  u damqadey  reer Cadmeed oo la dagaalamayey gumaysigii Ingiriiska. Isagoo yar ayuu ku biiray koox  dhalinyaro oo loo qalabeeyey inay miinada dhigaan xarumaha kulanka u ah gumaysigii Ingiirks  ee Cadan deganaa, marmarna dhagaxtuuraan si ay  dhib u gaadhsiiyaan cadawgii Ingiriiska.” ayuu yidhi Kornayl Maxamed Cilmi Galaal oo in badan ay nolosha wada qaateen, kana mid ahaa dadkii  talo iyo tilmaanba la garab taagnaa Maxamed Cali.

   Magaalada Cadan waxaa ka jiray xilligaa   kooxo u  halgamayey xornimada Cadan. Waxaa ka mid ahaa kooxahaa Cadiyatu Raxmaan(National Liberation Front –NLF-) iyo Cadan Filosi (the Front for the Liberation of Occupied South Yemen-FLOSY-). Labadan jabhadood ayaa lahaa awood baqdin iyo anfariir badan ku haysay dawladii Ingiriiska. “Hawlo qarsoon (underground) iyo qaraxyo ayey kooxahaasi fulin jireen, Maxamed Calina isagoo ardey ah ayuu  kala qayb qaadan jiray hawlaha kooxahaasi wadaan” ayuu yidhi mudane Axmed  Shell oo adeer u ah  Maxamed Cali.

   Dagaal hor leh oo ka dhacey Dalkaa Yaman ayaa guushii iyo xornimadiiba ay ku hanteen  dadkii reer Cadmeed, Soomaalidii joogtay halkaasi waxay u bateen inay u soo qaxaan dalkii la isku odhan jiray Jamhuuriyadii Soomaaliya gu’gii 1967,loona bixiyey magaca  “Xabadi Keentay”. Waxaa dadkaasi ka mid ahaa  Abwaan Maxamed Ibraahin Warsame Hadraawi.

Kornayl  Maxamed Cilmi Galaal oo hadalka sii wata ayaa mar kale yidhi: “Waxaa Maxamed Cali loo diray Ingiiska si uu waxbarasho uga soo qaato,hase yeeshe ay ku adkaatey inuu u dulqaato midabtakoorkii ka jiray xilligaa dalka Ingiriiska,dabadeedna wuxuu  u dhaafey wadanka Liibiya”. Xarunta tababarka ee kooxaha  xornimo-doonka ah uu u fidiyey hogaamiyihii Qadaafi ayuu ku biiray Maxamed Cali. Wuxuu Maxamed Cali ka mid noqday kooxda loo tababaro  cilmiga aqoonta  Miinada iyo  hawlaha la xidhiidha. Xilligani Maxamed Cali wuxuu ku faraxsanaa sidii  ciidamadii Cadmeed ugu guuleysteen  xornimadoodii.Waxaa kale oo uu ku faraxsanaa inaanu ka mid noqon kooxdii qaxdey  ee loo  bixiyey Xabadi-Keentay.Taag iyo tamari intay awood u siiyeen halgankaa wuu ka qayb qaatey Maxamed Cali,abaalmarintiina kumuu khasaarin oo maamulka Cadan ayaa waxbarasho dibadeed u diray.

Tababarkaa waxaa kula jiray  koox ka socotey  jabahada Al-Fatax ee reer Falastiin.Waxa uu la dhacey  niyad-samida ka muuqatey iyo dadaalka ay muujinayeen.Sidaa darteed ayaa  wada-hadal ka dib, Maxamed Cali u raacey kooxdaa xarunta tababarka ee  Dimishiq ee dalka Suuriya ka dib markuu dhamaystay tababrkii Liibiya.Tababar jabhadeed ayaa uga bilaabmey halkaa Dimishiq,waxaanu u arkay inuu kaalmo ka geysan karo halgankooga,iyaguna aad ayey u soo dhaweeyeen. Waxay la dhacsanaayeen  kaalmaha uu ka galayey tababaradaa iyo niyad-samida ka muuqatey.

“Wuxuu ku takhasusay Maxamed Cali dhigista miinada.Waxaa kaloo  halkaa(Dimishiq) kula jiray koox ka socotay  dalka Itoobiya oo Oromo ah una tababaranayey  xoreynta  dalkooda. Muddo ka dib ayuu Oromadii u sheegay inuu  dalka Cadan uga heli karo hub iyo raashin ay ku dagaal galaan” ayuu mar kale yidhi Kornayl Maxamed Cilmi Galaal. Muddo ka dib ayey  Maxamed Cali iyo kooxdii Oromada aheyd  yimaadeen Cadan iyagoo dhameystay tababarkii jabhadeed. 

Sidoo kale waxaa la weriyaa inuu Maxamed Cali  dhawr dagaal kala qayb galay jabhada Falastiin ee Al-Fatax.Aadna ay ugu riyaaqeen  kaalinta muuqata  iyo gargaarka  uu u fidiyey.Mudadaaa gudaheeda ayaa waxaa tababarkii  dhameystay kooxihii dhinaca Itoobiya ka yimid ee Oromada, kana codsadey in uu Cadan uga raadiyo kaalmadii hub ee uu Maxamed Cali xusay.

Ururintii  iyo tifatirkii 
Fu,aad Sheekh
Bahda Mareegaha Farshaxan
www.farshaxan.com  iyo  www.farshaxan.org 

Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.

Falan-qaynta maansada: Quruxda maansada Cabdi Adan (Qays) iyo Maxamed Ibraahin (Hadraawi) Q-3aad

Qaybtan oo ah qaybta ugu danbaysa ee "Falan-qaynta Maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays", waxa aan ku eegi doonaa dhawr maanso oo kookooban. Waxa aan sidii qormooyinkii hore, wax ka taaban doonaa kala duwanaanshaha maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays ee hadana labaduba yihiin kuwo la jecelyahay.

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto.