Fortsätt till huvudinnehåll

Somaliland ma go'aan Siyaasi baa mise waa mid Ummadeed?

Taariikh da’ weynoo, Degmadeenu leedahay, Aan idiin dul-xaadshee, Lixdankii dadkaygow, Markaad Dawladnimadii, Diiqada u bixiseen, Deg-degsiinyo mooyee, Doqonniimo ma ahayn, Manaydaan dambaabine, Shanta kala dab-raacdaa, Dermo qudha ah u gogosheen, 


Isku-duubnideenniyo, Daacad baw horseeddeen, Geeluba hadduu dido, Duq baa loo hoggaanshaa, Sida loogu dayduu, Geesina u diriraa, Anna laba-deryaalii, Waxaan Daacad uga baxay, Dhulku yaanu Daaliyo, Dooloow u kala go’in, Siday labada daamood, Dab u wada kulaalaan, Dibi keliday lay qalay, Qoys qudh ah dibbiradii, Waxa aan ka door-biday, Duubiga shan lagu cuno.
................................... IHN Abwaan Ibraahin aw- Saleebaan (Gadhle)

Abwaanku waxa uu tilmaan ka bixinayaa aragtidiisa siyaasadeed iyo sidii wax u dhaceen 1960kii. Inbadan baa sidaa la qabtay ama haatanba la qabta, oo u aragta sidii wax u qab-soomeen 1960kii in qalad weyn lagu dhisay hab dhismeedkii Jamhuuriyaddii soomaalida. intaynaan meel fogba isla gaadhin magaca Soomaliya iyo Smaliland maxay kala yihiin? Jamhuuriyaddii lixdankii dhalatay magaceedu muxuu ahaa? Weydiimahan bal aan marka hore dul-kaxaadsanno oo isku dayno in aan fahamno. Magaca Somaliland, waxa loo yaqaanay ama inta badan loogu yeedhi jiray dhulka soomaalidu degto ilaa Jabuuti ilaa Kenya. Laakiin, magac sharciyeed oo dal loo yaqaan, waxa Somaliland protectrate loo yaqaanay waa dhulka haatanba loo yaqaan Somaliland. Magaca Somaliya, waxa uu dhex mushaaxi jiray qaybtii soomaalida ee talyaanigu xukumi jiray. 
Magac ahaan si sharci dal ahaaneed muu ahayn magaca Somaliya, ee 1960kii waxa la odhan jiray Italian trusteeship oo hoos tegeyey UN ta 10 sannadood. Halkaa laftigeeda waxa ku duugan arrimo aan berigii hore caddayn, sida su'aasha ah maxaa soo celiyey talyaaniga, mar haddii laga adkaaday 1941kii oo maamulkii dalkaba uu la wareegay Ingirsiisku. Markii danbena Ingiriisku ku wareejiyey UNta? Waa arrin xiise gooniya leh, oo u baahan in si furan loo baadho, wax badanna waa bay iska cad yihiin. Bal se aan ujeedada ku soo dhawaado. Waxa la isku daray laba magac oo kala ahaa Somaliya iyo Somaliland, waxaana ka soo baxay Jamhuuriyadda Soomaalida (Somali Republic). Mar keliya Jamhuuriyaddaasi sharci ahaan uma diiwaan gelin magaca Somaliya aan ka ahayn intii ka danbaysay burburkii Jamhuuriyaddii Dimoqraadiga Somalida (Somali Democratic Republic) oo uu ugu danbeeyey hoggaankeeda Maxamed Siyaad Barre.
Halkaa waxa aan dacal ka iftiiminayaa sida indha-laanta ah ee kooxda ku doodda midnimada soomaliweyn ay gudcurka u gudayaan, marka ay leeyihiin Somaliya waa muqaddas midnimadeedu. Dee haa Somaliya kuma jirto Somaliland, ee Somaliland waxa ay ka mid ahayd Jamhuuriyaddii soomaalida, oo loogu talo galay in Jabuuti, NFD iyo Soomaali galbeed ba ay ku jiraan, magaca loosii gogol xaadhaayey kaasuu ahaa. Kiina suurto geli waa! Isku darka laftigiisa ayaa u baahan in dad badani, fahmaan. Maxaa la isku daray? Haa laba dal. Ma lagu heshiiyey isku darkaa oo ma la saxeexay? Maya lama saxeexin ee waxa la saxeexay, wax uun la yidhi waa lagu heshiiyey oo aan sharci ahayn.
Sida ku cad warqaddii ay qortay Boqoraddii Ingiriiska, ee ay ku caddaynaysao, in dalkii ay ilaalin jireen ee Smaliland, laga bilaabo 23kii bishii Juun ay ka laalaabanayaan. Bishii Juun 26 keediina waxa dhacay hsehiiskii ballaadhnaa ee dhex maray Dawladdii Somaliland oo ka koobnayd afar wasiir iyo dawladdii Ingiriiska. Heshiiskaasi, waa mid aad ballaadhan, laakiin lama hirgelin. Sababtuna waxa ay ahayd dadka reer Somaliland baa doonayey isku dar aan shuruud lahayn. Siyaasiyiintu waa ay ku kala aragti duwanaayeen marka aad dib u raacdo warbixinaha ka soo baxayey talooyinka siyaasiyiinta. Waxa aad loo sii tilmaamaa, in Maxamed I Cigaal, Cali Garaad Jaamac iyo Yuusuf I Samatar (Gaandi) Dhammaantood ilaahay ha u naxariistee, ay aragtidoodu u badnayd in loo kaadiyo oo aan lagu degdegin midawga labada dal.
Xorriyaddii lixdankii siyaasi odhan karayey aan u kaadinno ma jirin midnimada labada dal. Sababtoo ahayd, waxa lagu riyoonayey soomaaliweyn. U fiirso xisbigii NUF oo uu hoggaaminayey Maykal Maryano, waxa laga dhigay in ay gumaysi jacayl awgeed u doonayeen in Ingisriisku sii joogo. Maalintaa qof laga maqli karayey wax u eg in gaar loo istaago ma jirin. Xilligeeda ayey ahayd. U kaalay 1991 iyo siyaasiyiintii xilligaa iyo ummadda inteedii badnayd. Waxa la isugu yimi magaalada Burco, waxa la doonay in dhawr arrimood laga wada doodo...Maya, dood badan looma baahna ayaa ka soo yeedhay dhankii dadweynaha, ha lagu dhawaaqo oo dhegtayada ha la maqashiiyo in Somaliland ay bartii lixdankii ku noqoto, keligeed gaar ka ahaato Jamhuuriyaddii dhicisawday. Hadaladaasi waxa ay ku dhacayeen siyaasiyiin farabadan oo dhinacyo kala jaad-jhaad ah wax ka eegayey. 
Waxa ka mid ahaa siyaasiyiinta, ka soo jeeday Somaliland, ee xilligaa is lahaa malaa qaabab kalaa ka habboon gooni-isutaagga Cumar Carte Qaalib oo miisaan weyn ku lahaa bulshada soomaalida oo dhan, Raysal wasaarena ka noqday dawladdii Cali Mahdi Maxamed. Waxa ka mid ahaa Axmed M Maxuud (Siilaanyo), Jaamac M Qaalib, Cabdiraxmaan A Cali iyo Maxamed I Cigaal oo xilligaa shirguddoon ka ahaa shirkii soomaalida loogu qabtay Jabuuti ee SNM ay diiddey. Xubnahaa aan magacaabay, intii dhimatay Ilaahay ha u naxariistee, haba ku kala aragti duwanaadeene, bilawgii go'aankoodu muu ahayn in Somaliland markiiba lagu dhawaaqo. Waxa aad isweydiisaa, ragga miisaankaa leh maxaa toodii beeniyey? Waxa beeniyey, ama ay iyaga laftigoodiiba qaar ka mid ahi ku raaceen waa shacbiga waa bulshada reer Somaliland intooda badan. 
Go'aan ummadeed baa lagu tegey Muqdisho 1960kii, go'aan ummadeed baana lagu soo noqday 1991kii. Waa sababta aanay u fududayn in wax laga bedeli karo dalnimada Somaliland oo aan ahayn laab la kac balse lugo adag oo ku taxan ilaa ubadka dhalanaya. Waxaana habboonaan lahayd, in shacbiga reer Somaliya ay arrintaa xaqiiqsadaan, una hambalyeeyaan reer Somaliland. Iskana daayaan, hadalada inta badan wax sii kala fogaynaya ee aan waxba ugu fillayn sida: "Somaliland ma go'i karto" iyo haddii soomaaliland goonni siu taagayso waa in ay sharciga martaa, oo aanay odhan waanu iska baxnay uun, waayo adduunku sharci buu ku socdaa. 
Waxa aad moodda marka dadka qaar sidaa ku doodayaan, in aanay u muuqan, sharciga adduunka Maraykan iyo Ingiriis siduu doono ayuu sharci ka dhigaa. Midawgii labada dalna saxeex labada dhinacba saxeexeen oo UN ta yaallaa ma jiro, aftidana waxa laga qaadayaa uun waa inta ku jirta xadka Somaliland horena waa looga qaaday. Malaa in soomaalidu isku xiiqdo laga wanaagsan intay goori goor tahay, Soomaliya ha ku dhawaaqdo in ay u aqoonsantahay Somaliland dal jira. Dabcan imminkaba wuu jiraaye, yaan xanaf iyo xanuun lagu kala noqon laba dal, ee wanaag iyo walaaltimaa ayaa ka habboon in labada dal lagu kala noqdo. Wadahadallada u furmay Somaliland iyo Somaliya waa arrin aad u wanaagsan, waxaadse mooddaa in laba jid la kala haysto oo la isu khuurinayo. Waxa ka habboon in khuurada laga baxo oo soo jeedka lagu wada hadlo.

Raad raac: -Sooyaalka somaliland ka hor 26 juun 1960, - www. somalilandlaw.com
-------------------------------------------------------------------------------------------

Sayid-Axmed M Yuusuf // Sweden
dhegey.blogspot.se
gacanlibaax2001@yahoo.se



Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.

Falan-qaynta maansada: Quruxda maansada Cabdi Adan (Qays) iyo Maxamed Ibraahin (Hadraawi) Q-3aad

Qaybtan oo ah qaybta ugu danbaysa ee "Falan-qaynta Maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays", waxa aan ku eegi doonaa dhawr maanso oo kookooban. Waxa aan sidii qormooyinkii hore, wax ka taaban doonaa kala duwanaanshaha maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays ee hadana labaduba yihiin kuwo la jecelyahay.

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto.