Fortsätt till huvudinnehåll

Hore u soco, dib u soco, hore iyo dibba u soco. W/Q, Sayid-Axmed M Yuusuf (Dhegey)

Dib u soco, hore u soco, ...hore iyo dibba u soco. Waxa ay ku jirtay maanso ka mid ahayd maansooyinkii uu kaga qaybgalay Yuusuf Aadan, silsiladdii Deelleyda dhammaadkii todobaatanaadkii ilaa bilawgii siddeetamaadkii. Ilaahay ha u naxariisto Yuusuf Adan Allaale.







Dig digtoonow! dhexda raac, horaysoco,, dibujeeso, horaysoco, joogso, kow laba kow! kow laba kow! kowo laba kow!


layliga ciidanka ayaa marka ay gaardinayaan erayadaa la adeegsadaa. Saf siman baa la galaa oo askarta la geliyaa, saddex saddex baa la isu taagaa. Safafka ugu horreeya inta ugu dhaadheer (caqli iyo garasho laguma doorto) baa la geliyaa. Marka safka la wada istaago ayuu askarigii gaardiga hoggaaminayey ku dhawaaqaa DIG, isagoo codka meel aan la qiyaasi karin kasoo jaraya, kuye DEBCI, wuu ku celceliyaa oo DIG iyo Debci ayaa dhawr daqiiqadood lagu hakadaa. Waxyar ka dib ayuu yidhaa dhexda raax, dhexda raac, horaysoco. Waxoogaaba baa iyadoon la socon ayuu yidhaa dibujeeso, horaysoco, dibujeeso horaysoco.


      Xaggee ciidankaasi u socdaa? Meellaba uma socdo, waa layli sida u yaalla. Waxa aan xasuustaa garoon la odhan jiray Qalbidile oo xeebta magaalada Muqdisho saaran, una dhaw gegida dayuuradaha ee Muqdisho, ayaa afar saacadood aanu ku meeraysan jirray, dib u soco, horay soco, hore iyo dibba u soco, joogso, darandoorro, hab hab hab hab , darandoorri. Adigoo aanay dhanna kaaga jirin baad ka imanaysaa Qalbidile.

      Maxaa loo xiijinayaa askarta dhibbooga ah? Haa dee waa dhibboo, oo magacooda ayaaba ah in la dhibo. Taa waxa ka dhigan bulshadeena oo dhibboo laga dhigay. Shir beeleed, haa danaheenna ayeynu kaga hadlaynaa. Danta innoo gaarka ahi waa tee? Dee waa cusbitaalada, waxbarashada, ceelasha, iyo dee in aynu wax isku ogaanno oo dadkii kale waa ay inna dhaafeene, aynaan habaqle noqon. Waar dee waa runtooda, maxaa inoo diiday beeshii heblaayo sawtii shirtay, innaga ayuunbaan dad ahayn, waa in aynu danaheena ka wada hadalnaa. Waar mayee dee dawlad baynu leenahay, oo arrimahaa inoo qaabilsan. Qaran baynu dhisannay, oo hawlahaa inooga shaqaynaya, maxaa innaga inoo gaar ah? Waxa inoo gaar ah, waxa u gaarka ah beesha reer qudhac --miyaanaad arag sida ay isugu duubanyihiin. Xataa kooda xun way qarsadaan, innagu keenni wanaagsanaa baynu xataa dilaynaa, wallee reer innaga xun maan arag.

    Waa dig dib u jeeso. Haraynu u soconnay ee maxaa dib inoo celiyey? Askarta iyo layligooda waxa ugu mudan, in uu askarigu noqdo qof laylyan oo aan amarka diidin. Bulshada reer Somaliland waxa dhex socda waa sidii loo laylin lahaa. Dhibboo xero ugu xaraysan kooxo yar baa laga dhigay. Haddii la yidhaa dig digtoonow. Dhammaan waa aynu digtoonaanaynaa.

    Madaxweyne dahsoon baa inna dhex socda. mana aha madaxweyne keliyaa ee 100 madaxweyne ayeynu leenahay. ka ladoortaa haddaanuu iyaga ku daba faylin waxba kala socon maayaan. Boqolka madaxweynena, mid kastaaba dan u gaar ah oo aan xataa beesha dan u ahayn buu wataa. Ujeedada qoraalkani maaha in beelnimada la baab'inayo, ee waa ta gurracan oo hore u soco oo hadana dib u soco, si aanaad meelaba u gaadhin, ayey farta ku fiiqaysaa. Aamusnaanutana waa oggol. Sidaa darteed qofka aan dhibboogaa ka mid noqonaynow, farta taag oo sheeg. Haddii kale ciidanka layliga ee kow laba, kowlaba lagu xiijiyey baad ka mid noqon.

    U fiirso, kow laba --kow laba, askariga tababarka wadaa saddex kuma daro, ma dhaafto kow laba. Dib u jeeso, hore u socona meel laguma gaadho ee garoonkaa Qalbidlie ayaa lagu meeraystaa. Ciidan aan jaho lahayn yaan bulshada laga dhigin. Beeluhu wax badan bay qabtaan odayaashoodu (maaha reer magaalka ku xoogsanaya, beenta) waa maxkamad waa wasaaradii maaliyadda, tii difaaca, tii waxsoosaarka intaba odayaasha beelaha ayaa gacanta ku haya. In la habeeyo, oo wax lala qabtona waa muhiim. Laakiin, tan magaalada, ee sida xun u ilbaxday haddaan halkeeda lagu damin, meel dheer baa laga dooni. Baahida beeshuna waxa ay taalla waa miyiga, ceelal baa loo baahan yahay, dhuldaaqsin ah baa loo baahan yahay, daryeel guud oo deegaan kasta ah baa loo baahanyahay. Looma baahna yaa xisbi hebel inoo metelaya! Taa beeli ma go'aamin karto. 

    Xisbiyada yaan la caayin, oo beelaha yaan la caayin, qofkastaaba waa xor, fikir xor ah, ha la-la yimaaddo. Digtoonaw, dib u jeeso, dhexda raax, kow laba, kow kuma jirayno. 

   Uf Qabiilka anaa leh, wuxuunbaa ku adeegta, nin iskii kartidiisa isu taagi karaynin, una haysta ateero, ayaantuu denbi geysto, laga hoos galo eedda. ......................Waa dardaarankii Geesigii erayga xorta ah, IHN Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye)

W/Q, Sayid-Axmed M Yuusuf (Dhegey)
Sweden/ 24-08-2013

Kommentarer

  1. Fiicnaan lahayda, dhallinyaradeena iyo waayeelkeena intooda badani ay qabyaalada ku asqoobeen in ay sidaada u fekeraan.

    SvaraRadera

Skicka en kommentar

Populära inlägg i den här bloggen

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.

Falan-qaynta maansada: Quruxda maansada Cabdi Adan (Qays) iyo Maxamed Ibraahin (Hadraawi) Q-3aad

Qaybtan oo ah qaybta ugu danbaysa ee "Falan-qaynta Maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays", waxa aan ku eegi doonaa dhawr maanso oo kookooban. Waxa aan sidii qormooyinkii hore, wax ka taaban doonaa kala duwanaanshaha maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays ee hadana labaduba yihiin kuwo la jecelyahay.

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto.