Fortsätt till huvudinnehåll

Faallo ku saabsan; Masraxiyad, la magac baxday "Hiil baan u baahnahay" W/Q, Saddaam Xuseen Carab

“Hiil baan u baahnahay”, masrixiyad ayey ahayd, waa la xiisaynayey. Masrixyad ayey ahayd oo gabadh baa curisay  iyana waa la sii  xiisaynayey. Ogaysiiska ruwaayadda “Hiil Baan u baahnahay” mareegaha iyo wargaysyada ayaa lagu sii baahiyey. Markaas ayaad iswaydiinaysay “Yaa hiilka u baahan”! iyo cid waliba way u baahantahay. 







Xataa naftaada ayaa u baahan ayaad isugu garaabaysaa. Laakiin cid aanan haabka ba ku hayn ayaan ka dheegtay markii aan daawaday masrixyaddii oo aan ogaaday in ay hiil u baahantahay. Kaligay ayaan moodayey ee dad badan ayaa iyana ka sokow in ay ruwaayadda daawadaan xiisaynayey in ay ogaadaan cidda Hiilka u baahan sidayda oo kale! Ugu horrayn se aan hambalyeeyo walaasha curisay Masrixiyaddan Yaasmiin Maxamed Kaahin.

    Madal sawirrada iyo muuqaallada iyo codadka la  macnaysanayey ayey ahayd. Madal hadal la dhagaysto loo yimid ma ahayn. Waxa se lagu sharfay oo hadallo kooban jeediyey Qoraa Siciid Jaamac Xuseen maadaama uu ku jiray dadkii tafatiray Masrixiyadda iyo Qoraa Maxamed Daahir Afrax. Intaas ka dib na waxa toos u bilaabantay Ruwaayadda oo hortayada lagu jilayo. Muuqaallada qaarkood oo si gaar ah ii taabtay ayaan halkan ku soo tabinayaa aniga oo faallooyin ku ladhaya. Sidan ayey wax u dheceen.

   Bilawgii ba fagaaraha waxa ka soo baxay Dheeg oo ah macallin jaamacadeed matalaya. Misna isaga oo aan muddo taagnayn ayey u timid gabadh Soomaaliyad sillan ah! Af-Soomaali jajaban ayey ku hadlaysay, dhar magaalo kuwo lagu sheego ayey waa ay xidhnayd. Kabo cidhib dhaadheer na way ku joogtay. Waxay soo garab istaagtay Dheeg oo naftiisa la xanshashaqayey. Mageecada Dhammays ayey ku sheegtay kolkii ay isbaraysay Macallin Dheeg. Waxa ay u sheegtay in ay ka timi Qurbaha oo ay cilmi baadhis Afeed ku samaynayso Soomaaliga. Macallin dheeg aad buu u soo dhawaynayaa fikirka ay la timid Dhammays! Waxaanu u sheegayaa in aanay Jirin Buug ay ka tixraacdo afka, bal se ay tagto Miyiga. Waxa uu ku darayaa Dhigane oo Ardaydiisa ka mid ah oo isagana reerkoodu Baadiyaha daggan yahay. Sheeko xiiso badan ayaa dhex maraysa. Dhigane labo ayaa isku qaban waayay– gabadhan sillan ee haddana leh Miyi i gee oo Soomaaliga aan soo barto iyo sidan ay u egtahay! “Saalaamadhle” ayuu ku sawiray iyada, waxaanu u sheegay dhar hagaagsan soo xidho, sidii baanay yeeshay kuna raacday.

    Muuqaalkaasi waxa uu ahaa dhacdo sawirtay dhacdooyin. Casharkii u horreeyay ee ay baratay Dhammays ayaa ahaa ka hor inta aanay Af wax ba ku tarin, in ay dharxidhashadeeda iyo dhaqankeeda hagaajiso! Haa, sida marar badan dhacdana qofka ajaanibka ama qurbe joog ba ah, bulshada dalka ku dhaqani waxa ay moodaan Wali aan la sixin! Ama saxsan mar walba oo wixiisa sidiisa loo qaato. Mana aha sidaas ee dhan walba wax baa loo kordhin karaa oo laga korodhsan karaa. Dhigane qudhiisu cashar ayuu siinayaa inta fikraddaas aamminsan ruwaayadda dhexdeeda.

    Intii masrixiyaddu socotay muuqaalkii ugu xanuun iyo damaq badnaa ayaa la arkay. Aad ayuu soo jiidasho u lahaa. Waa wiil caato ah, cawlan oo naftu ka sii socotay oo dhulka yaallay waliba taahayey. Marka uu isku dayo in uu istaago ayuu dhulka u dhacayey. Runtii aad buu u liitay. Markii uu wax kale tahli waayey waxa codkiisa dirqiga kaga soo baxayey ahaa “hiil…hiil…hiil baan u baahnahay”!  Waannu garan waynay kolkii hore wax uu ahaa! Dhowr wax ayaan u maleeyey in ay ahaayeen waxaas hiilka u baahani, se mid kale oo aanan ka fikirin ayuu noqday.

    Wax yar ka dib Fagaaraha waxa lagu arkay nin Dhoohane yidhaa. Wuxuu ahaa wiil aad u xooggan, dharna labbiskii Yurub ka sita! Is xoodaya, surwaalkuna ka siiban rabo. Dhoohane Dhago waawayn ayuu ku dhagaysanayey Muusig uu kor ula qaadayey “Oow.. Yeeh.. Yeeh..ooAw”. Inta uu Shanta farood  laabay oo dhulka ku jeediyay suulka iyo faryaradana taagay ayuu madaxa ruxayey.. isaga oo wali Heesihii afka kaga dhawaaqaya “ooow .. yeeh..Ya.. YA..OW OW”.  Dhoohane waxa uu ahaa jilaha labaad ee masrixiyadda iyo bartilmaameedka ruwaayadda! Sidoo kale waxa uu ahaa sawirka in badan oo Soomaalida ka mid ah oo ilbax ismoodda. Dibad iyo gude ba ha ku noolaadeene.

    Kuwa aan ogayn in ay afkooda iyo dhaqankooda sharaf iyo karaamo ku leeyihiin ayuu matalayey,  halkanna (Ruwaayadda) waa loogu run sheegay. Haddii ay dhugmo u leeyihiin. Wali ninkii sirirsanaa ayaa fagaaraha yaallay, wali waa uu taahayay… markii hore waannu maqlaynay codkiisa se hadda wax ba kama maqlayno. Dhoohane ayaa soo duljoogsanaya isaga oo yasaya, iskala wayn oo la yaabban waliba! Dagaal ayuu ku bilaabay oo dabadeed aflaagaaddo u raaciyey  “kac.” Isaga oo canjilaya leh “ Soomaali…Soomaali” “Khashiinyahow”. Wixii uu gacanta ku hayey ayuu la dhacay “Dam…Dam..Dam”… Waa uu liitay marka hore ba imikana kasii dar! Tolow ayaa u gurmada?

Laba oday oo uu midi yahay Dhamac ayaa Ilaahay u soo diray, oo Dhoohane ka badbaadinaya Af Soomaaligii uu malgi lahaa. Garbaha ayaa la qabanayaa Af Soomaaligii, la taageerayaa oo la tabantaabinayaa.

    Dhoohane waa ay dayrinayaan odayaashu, isagu se wuu iskala waynyahay oo qarni laga baxay ayuu ku sheegayaa Afkan iyo dhaqankan iyo waxan. Xataa Magacyo kale ayuu la baxay. Aad ayaa loo jeclaysanayey fanka Dhoohane, dad badanna waa uu ka qosliyey! Waayo waxa hubaal ah in mid kasta oo madasha fadhiyey Dhoohane iyo Dhoohaneyaal arko maalin kasta – Haddii aanay dhoohanayaal na dhex fadhiyin ba! Waxa se yaab lahayd sida labada oday ugu gurmadeen Afkii silcayey ee sirirsanaa. Markii dambena ay u heleen koox dhan oo la gurmatay! Farriinta Masrixiyadda ayey ka mid ahayd “Rajadu”! Xataa waxa Rajo ahayd in Ruwaayad cankan ah waqtigan la helo.

Hees dhextaal ahayd oo aad u macno fogayd ayaa dhagahayaga haddana martiday. Af kii baa hadloo yidhi:

Noloshiina hodantaa,
Hadimada abuurtee,
Umadyahay habowsani,
Hantidiina noolkiyo,
Hayntiina moodkaba,
Cadow uma hurtaanoo,
 Habaas kuma riddaane,
Maxaad ii hallayseen?
Malaha huqdaydani,
Idin heeri maysee,
 Umadyahay habowsani,
Hiil baan u baahnahay.

Midhahan xeesha dheeri waxay ay gabi ahaan ba baddaleen jawigii madasha waxaanay gudbiyeen farriinta dhabta ah ee ruwaayaddu sidday. “Ummad yahay habowsanid, Hiil baan u baahnahay”!!  Farriin qoto dheer iyo garnaqsi ayaa laga dheehanayaa. Sababta keentay in Af ku u hog iyo dalluun ku siibto waxa ay hal-abuurku ku sifaysay “Nolosha Hodantay” aawadeed, waxa se aan isleeyahay taas oo kali ah ma aha sababta keentay in Afka iyo dhaqankuba ugu dhawaadaan geeri waa se ka mid tahay.
     Sidoo kale Afku waxa uu ku garnaqsaday in xoolaha kale ee mood iyo nool ba aynaan cadow u hurin, wuxuu inna waydiinayaa sababtay aynu isaga u hallaynay. “Hantidiina noolkiyo, Hayntiina moodkaba, Cadow uma hurtaanoo,  Habaas kuma riddaane, Maxaad ii hallayseen?”Aniga naftaydu waxay iigu warcelisay “Horta Af yahow hanti inaad tahay yaa kuu yaqaan?!”.  Afkii ayaa lahaa “ummadyahay habowsani, hiil baan u baahnahay”.

Gebogabada ruwaayadda oday Dhamac iyo Duqdiisa Dhudi ayuu Dhigane u keenayaa Dhammaystii qurbejoogta ahayd! Deg-deg waxa ay ugu maleeyeen gabadh uu wiilkoodu la soo baxay oo guursanayo! Hambalyo ayey huwinayaan. Laakiin in ay Aqoon u socoto ayuu u sheegay, aqoon afeed iyo dhaqan waliba. Si hufan baanay u soo dhaweeyeen uguna hagar baxeen odayga iyo islaantu ba.
    Cilmi Xiddigiska ayuu Oday Dhamac Barayaa, Hooyo Dhudina agabka aqalka iyo xoolaha ayey baraysaa. Markii dambe ayaa la barayaa xataa Ciyaarta. Ugu dambaynna waxa la arkayey  Dhammays oo boodaysa, oo dhallintii kale ee filkeed ahayd jiibta iyo jaanta la heshay!  Tan lafteedu farriimaha ruwaayaddu gudbinaysay ayey ka mid ahayd! Cid kasta oo hawshaas gasha sida loogu hagarbixi doono ee hiil iyo hoo ba loola garab joogsan doono. Haa, dadku waa gob iyo gob iyo dheeraad. Ila bixinta iyo xal u helidda gumaynta afka ayay waddo u tahay, yaa se maraya?!

    Markii noogu dambaysay Dhoohane waxa la tusiyey in uu qof sillan oo waddo qalloocan haya yahay waana la firdhiyey. Af kii silicsanaa garbaha ayaa la hayey, oo la taageersanaa. Tani waxa ay ahayd hal-abuur iyo saadaal malahayga. Waayo cid wali Dhoohanayaasha dhaqannada kale sita firdhisa lama arag, cid si buuxda oo muuqata oo la sheego u taageerka Af Soomaaligana lama hayo. Waa se Rajo ay hal-abuurka masrixiyaddu innoo soo bandhigtay. Af ku se Hiil buu u baahanyahay.
    Qoraa Siciid Jaamac Xuseen  oo aan habeenkaas waxoogay la sheekaystay ayaa igu yidhi “Qaar baa u haysta inta Dadku (Soomaalida) noolyihiin in Af Soomaaligu Jirayo”. Waa runtii in badan ayaana sidaas moodaysa. Laakiin xaqiiqadu waa taas cakiskeed. Imisa ayaa ummado nool Af koodii galbaday oo iyaguna soo baxay summad laawayaal?
Si aynaan u noqon dad summad laaweyaal ah, dad aan baadi-soocda afeed lahayn aynu u hiilinno afka waayo “Hiil buu u baahanyahay”. Af ka aynu ka dayno waxa aynu ku badhxayno ee Ingiriisi iyo Carabi iyo wax kale ba leh. Af ka aynu sidiisa ugu hadalno. Meheradaha aynu Af Soomaali ku qoronno magacyadooda. Af Soomaaliga aynu u hiilinno.
    Ugu dambayn Waxaan halkan mahadnaq iyo hambalyo uga tabinayaa hal-abuurka curisay ruwaayad dhaqameedkan, Yaasmiin Maxamed Kaahin. Yaasmiin waxay innagu baraarujisay hawl qiimeheeda leh oo hiil innooga baahan. Yaasmiin waxa kale oo ay muujisay astaanna u tahay awoodda ay hableheennu u leeyihiin hal-abuur gaadhsiisan Masrixiyad iyo in ka shishaysaba oo aan ragga gaar ku ahayn.

Dhammaad

W/Q, Saddaam Xuseen Carab
Hargeysa Somaliland

Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Waa kuma abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)? Qormo kooban oo ka hadlaysa suugaanta abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)

Abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey), waxa uu ku dhashay duleedka degmada Bullaxaar ee gobolka Saaxil. Isaga oo kuray ah ayuu u   wareegay magaalada Berbera, waxaanu ka shaqayn jiray makhaayadaha   cuntada. Isaga oo ka hawlgalay makhaayaddii Cumar Isteeri. Muddo kadib waxa uu u wareegay magaalada Hargeysa, xilligaasi oo uu sheegay abwaanku in ay   ku beegnayd   xilligii ay inqilaabka wadeen Xasan-Kayd iyo raggiisii. Abwaanku, intii uu Hargeysa joogay, waxa uu ka shaqayn jiray hudheelkii loo yiqiinay Yuuniyanka ( Union). Mar danbe ayuu abwaanku ganacsi ka bilaabi goobtii loo yiqiinay Xerodhafta. 

Xog ku saabsan Afgenbegii 1961 Col, Xasan Faarax Bullaale: "Taariikh u baahan sixitaan iyo run ka sheegid"

Taariikhdu waa dhacdo ama arrimo dhacay xilliyo la soo dhaafay. Haddii aan wax laga qorin, lama ogaan karo taariikhdaasi sidii ay u dhacday. Mar haddii aan la kaydin arrimaha taariikheed ee dal iyo dad ba soo mara, waxa ay taariikhdaasi gashaa mugdi waxaanay yeelataa madmada w badan. Sida inbadani ka warqabto Somaliland waxa ka dhacay Afgenbi la isku deyey 1961kii, kaasoo lagu guuldarraysatay Dad badani xog kama hayaan, inkastoo ay noolyihiin xubno ka mid ahaa saraakiishii Afgenbigaa isku deyey. Kalhore waxa la waraystay Amb, Cawil Cali Ducaale oo ka mid ahaa saraakiishaas, xilligaasna ahaa xiddigle. Waxa uu Cawil qoray buug uu kaga hadlay wax farabadan oo uu u soo joogay, waxaana ka mid ahaa Afgenbigaas. Waana buugga la magacbaxay "Raad-Raaca Taariikh Soomaaliyeed"

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.