Fortsätt till huvudinnehåll

Waddo cusub oo u furantay Naadiyada Akhriska iyo Ururka Qoraaga Somaliland. W/Q, Khaalid Jaamac Qodax

Xalay oo taariikhdu ahayd 14-08-2013, (Maalintii Arbacada, habeenkii Khamiistu soo gelaysay, waxa aan ka qeyb galay kulan ay soo qaban qaabiyeen Ururka Qoraaga Somaliland iyo Naadiyada Akhriksa ee Somaliland ka dhisan. Kulankan oo ah kii noociisa ah ee ugu horreeyey ee waxtar leh ee aan abid arko qoraayaal u heelan in ay dhiiri galiyaan da’ yarta soo koreysa, ee rabta iney wax qoraan. Waxa madasha runti aan jeclahay inaan u dhaafo warbixinno badan oo qurux badna oo laga qori doono, hayeeshee, waxa aan jeclahay inaan laba qodob uun ka horreysiiyo.






Ta koowaad oo ah in qorayaasha xubnaha ka ah Ururka Qoraaga Somalialnd ee saldhigiisu yahay Sweden ay jiraan xubno u heelan, in ay hoo iyo hiil-ba la garab taagaan yihiin fidinta ereyga dhigan, oo aaney ka aheyn shaqo iyo mashruuc, taasi waxa ay xalay I tustey in UQS oo xil adag iska saarey sidii uu u taageeri lahaa da’ yartaa soo koreysa ee u baahan gacan qabashada. Halka qoraayo kale arrintaasi si kale ugu muuqato. Si kastaba ha ahaatee talaabo horusocod ayey xalay ku dhaqaaaqeen UQS oo aan nooceeda hore loo arag, waxaanan ku aamaanayaa dhammaan intii xilka adag iska saartey arrintaasi oo uu u horreeyo Maxamed Xirsi Guuleed iyo Sayid Dhagey iyo waliba cid kasta oo
taageero ku lahayd qabsoomidda xafladdaasi.



   
Ta labaad oo ahayd inaan madasha ku arkey buug uu qorey Amiin Xasan Cabdi Madar oo  ah wiil aad u da’ yar oo uu dhalay Agaasimaha Madaxtooyada JSL , oo xubin ka ah UQS. Waxa I soo jiitey in Xasan uu wiilkaasi ku barbaariyey aqoon iyo waayo aragnimo fiican, oo midhaheedii xalay la arkey. Waxa aan Xasan leeyahay, mar haddii aad siyaasad u tafaxaydatey kuyuuguna kugu yar yahay oo aanad sideyda oo kale aheyn wiilkan yar u bannee madasha ha soo galee.



  Sida cad, waxa hubaal ah in hadda laga bilaabo ay furantey waddo hor leh oo lagu dhiiri galin doono qoraayaasha da’yarta ah, iyo in UQS iyo Naadiyada Akhrisku ay furi doonaan kulanno ka waaweyn kan, oo ay ugu horreyn doonto aloosidda iyo dhisidda madal ay ku bahoobaan UQS iyo Naadiyada akhrisku, waxaanan balan qaadayaa in taageerada ugu weyn aan dul dhigi doono insha Allah. Waxaan dhawaan shaacin doonaa heshiis laba dhinac ah oo dhex mari doona UQS iyo Naadiyada Somaliland ka dhisan oo dhan.




Xubin Ururka Qoraaga Somaliland 
Xubin Naadiga akhriska Hargeysa
Khalid J. Qodax
--------------------------------------------------

Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.

Falan-qaynta maansada: Quruxda maansada Cabdi Adan (Qays) iyo Maxamed Ibraahin (Hadraawi) Q-3aad

Qaybtan oo ah qaybta ugu danbaysa ee "Falan-qaynta Maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays", waxa aan ku eegi doonaa dhawr maanso oo kookooban. Waxa aan sidii qormooyinkii hore, wax ka taaban doonaa kala duwanaanshaha maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays ee hadana labaduba yihiin kuwo la jecelyahay.

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto.