Fortsätt till huvudinnehåll

Waa maxay caqabada dadkeena ka hortaagan wax akhriska? W/Q, Farduus Maax Xassan.


Amar lasiiyo Nabi Mohamad scw waxaa ugu horeeyey akhir, Waxaynu ogsoonaheyn uu Nabigeenu ahaa Umi, waxana muu akhriyi jirin manuu qori jirin wakhtiga amarkan lagu soo dajey. Waxa kalee aan ka warqanaa in uu ahaa macalin inaga laynoosoo diray si aynu ugu dayano, ficil kasta oo uu sameeyo lana amrray waxuu ahaa cashar inaga laynoosoo mariyey si uu inoogu soo guddbiyo. Taasi waa kolka aan ka eegno dhinaca caqiidada iyo dhaqanka wanaagsan ee wax akhrisku leeyahey. 

*Akhris ayey aqooni ku jirtaa! 

Waxkastoo la barto waxaa loo maraa in wax la akhristo, walow waayadii hore ishaa macalina la odhan jiray dadkana casriyadii hore aragti xirrfada lagu bari jiray, ilaa laga soo gaadhay wakhtigii fariimaha looxa ama saanta lagu qori jirey. Hase yeeshee ay ilbaxnimadii aadamuhu soo gaadhay wakhtigii waraqada la helay, walow aanu aduunku qirin oo sharafteedii oo dhan siiyeen China balse waxay ahaayeen dad Muslimiina kuwii ugu horeeyey ee WARQADA ama xaashiyaha sameeyaa. Hadaba intii warqad la sameeyey ayaa qoritaankuna hirgaley iyo in caqli iyo culuun wuxuu aadame hayey in uu qoro. Taasi waxay fududeysay in xiggmadaha la wareejiyo oon qofku la dhiman, sidoo kale waxay hawlyaraysay in aqoonta qof leeyahay dad badan oo kala fog-fog gaadho iyadoo qoraala, waxayna caawisey in cilmigu faafo, jahliguna sii gabaabsiyo. Halkaas ayuu wax akhrisku ka taabo qaadey. 

* Faa’iidada wax akhriska! 

Waxa laga yaabaa in dad badani wax u akhriyaan si ay waxbarashadu ku khasabtay oo ah in ay duruustooda raacdaan, aqoonina uga korodho kuna manaafacaadsan doonaan mustaqbalka, balse waxaa iyana wax akhriya dadyow tira badan oo wax u akhrista wakhti isku dhaafin awgeed, kuwo kalena waxay wax u akhriyaan si ay akhbaar u helaan iyo waxa ka socda agagaarkooda iyo aduunkaba, sikastaba ha ahaatee in wax la akhriyaa waa daruuro uu dadku u baahan yahay waxaana laga yaabaa in aad ka faa’iido waxyaabo tiro badan sida kuwan. 

1- Inaad ogaato ama barato wax aanad hore u ogeyn, aqoonta laguu sheegayaaba waa akhris. 

2- Maskaxda oo balaadhata, maadaama aynu wax ka yare 10% ka isticmaalo kolkeeda horeba, wax akhrisku wuxuu ka mid yahey waxyaabaha kobciya inay khaanado kalena furmaan iyo xusuusta qofka oo wanaagsanaata. 

3- Qofka oo noqda qof ilbax ah (Dhaqan wanaagsan) Maadaana uu akhrisku ku geeyo meelo aan cagtu gaadheen, waxna kaa baro dad ama dhul ama shay hore kaaga daahnaa ama aanad si yar ku ogaateen waxuu akhrisku qofka ku sameeyaa il dheeri iyo ilbaxnima uu si fufud ku helo. 

4- Indha ayaa ku laabma wax akhriska; oo qofka wax akhriyaa fursad uma leho inuu indhaha taagtaago, 
dadka dariiqyada socda faduuliyo, ama indhahaba macsi ku galabsado. Qof wax akhriyayaa wuu fooraraa, waxa kalee uu bari’i ka noqdaa XANTA iyo maxaa la yidhida oo wuxuu noqdaa qof saaxiin la ah buugg. 

5- Fahanka aad dadka u leedahey oo kordha: Waxa laga yaabaa in aad akhrido buugg ama maqaal uu qoray Caalim, Dhakhtar, Waayo’arag hore ama cid dhib soo gaadhay dadka la wadaagtay. Taasi waxay ku geyeysiin kartaa in caqligaagu ka durrko inaad eegto meel dhow, balse uu kordho fahanka aad dadka u leedahay, taas oo iyana akhlaaqdaada wanaajin karta, kaana dhigi karta qof dabacsan oo fiiro dheer. 

6- Akhrisku waa nabadgalyo, Waxaa laga yaabaa in wakhtiga firaaqada ahi kula galo foowdo kale oo aad doondoonto si aad u disho wakhtigaa, khaas ahaan dhalinyarada, hadaba hadaad tahey qof wax akhriya waxaa laga yaabaa in aanad meel xunjoog noqon ee uu kaa dabro buugg wanaagsani meel xun ama dad xun ood dhexgali laheyn, Halkaana aad kaga nabad gasho shar kaasoo gaadhi lahaa. 

7- Akhrisku wuxuu kaa soo saaraa qof caqli wanaagsan, Maadaama aad wax akhrido waxaa kordhaya aqoontaada shaqsiyadeed, waxaa kalee aad barataa ereybixin tiro badan, waxaana miisaanma hadalkaaga, waxaad arki dadka oo ku dhageysanaya kuuna qushuucsan, sina u xiisaynaya marka aad meeltimaado oo ku jeclaysanya in ay kula rafiiqaan. Noqon maysid dhataqle ee qof hadalkiisu murtiyeysanyahaad soo bixi hadaad akhriska badsato. 

8- Wax akhrisku wuxuu fududeeyaa hurdada oo hore looseexdo, Waxaa xaqiiqo ah in aynu waxbadan xasuusano kolka aynu sariirta galno habeenkii, taasina waxy keenyaa in fikir iyo islasheekaysi naftu bilowdo, taas oo kaa kaxaysa hurdadii aad kolkaaba dhag odhan lahayd, hadiise aad wax akhrido oo buugg kugu sugaaya sariirta, waxaa laga yaabaa inaanad wakhtiba u helin fikirkii kale ee gogosha kuu raaci lahaa, waxaana xaqiiqo ah in wax akhrisku kuu keeno lulo, waana faa’iido mihiim ah in hurdo wanaagsan la seexdo habeenkii. 

9- Runsheegida qofka oo badnaata, Hadaad tahay qof wax akhriya waxaa laga yaabaa in aad wax badan xaqiiqadooda hesho intii aad raacilaheyd huuhaa iyo waxa layidhi baa la yidhi oo dadkeenu u badan yahey, u fiirso hadii war qof loo soo sheegay waxa laga yaabaa in uu badh ku daro ama ka tago, hadii toban qof uu soo mareyna xaqiiqadiisu waa badh, hadaba si aad xog-ogaal u ahaato wax akhri yaan war dhagoodkuuni kuu noqon war ee. 

10- Wax akhrisku waa anshax wanaagsan khaas ahaan dadka waalidka ah, maadaama ay had iyo jeer ku eeganayaan caruurtu, ha arkaan adoo wax akhriyaaya runtii waa tusaalayaasha ugu wanaagsan ee qof bari karo ama uga tagi karo awlaadiisa, yey ku arkin uun adoo tororogleynaya ama qolqol taagan, ee u dhis tusaale nololeed, hareerahaaga oo la eeg eego ama suuqyada oo mehered la’aan loo taagnaado waxaa ka khayr iyo ijaabo badan in buugg ama kitaab lagu foorarsado. 

Waxaa laga yaabaa in aynaan soo koobi karin faa’iidada akhriska oo ay ka bataan intan aan sheegey waxaanse intan usoo qaatay waxay iila miiqdeen daruuro. 

Waa maxay caqabada dadkeena ka hortaagan wax akhriska?

Marka horeba ardaagii fiidka laysku waraysan jiray kamaynaan soo durkin, waloow uu waraysiga ardaagu mihiim ahaa; walina yaheyn oo ay tahey wakhti la kala warqaato, balse waxaad moodaa in reer magaal maqaaxi, xarun qaad iyo qolqol haweenku fadhiisto laga badin waayey. Dhibaatadani badh dhaqankaa leh waxayna qaadaneysaa mudo dheer in la yareeyo, midna xukuumadaha Somalida ayaa ka masuula. Tan dadka waa tarbiyad qoto dheer oo ka guurideedu u baahantahay jiilal badan oo is badala iyo aqoonta dadka oo korodha. Balse tan Dawlada ayaa ah dayac taagan oo aan marna tirada ugu jirin in ay wax ka qabtaan, waxaa laga yaabaa in laga cawdo dhalinyaro Tahriib tagaya ama bilaa camal ah, ama edebdarooyin ku kacay, hadiise ay heli lahaayeen meelo ay aqoontooda kasii korodhsadaan iyadoon lacag ku baxayn wakhtigana isku dhaafiyaan waxaa laga yaabi lahaa in ay in badani ku maararoobi lahaayeen, waana RUGTA BUUGTA (Libarery) In la dhiso oo la camiro waliba xaafad walba ay yeelato gaarkeeda Ruggta buuggta. 

Waxaa iga guubaabo ah in wax la akhriyo yar iyo weynba waliba khaasatan dadka waaweyn in ay wax akhriyaan si ay tusaale ugu noqdaan dadka yaryar, waxaana wanagsan in qoys kastaa yeesho wakhti iyo goob wax lagu akhristo, waxyaabaha aadka iiga yaabiyey waxaa ka mid ah in aan guryaheena loogu talo galin qol la yidhaa waa kii wax akhriska, marka aad guri dhisaneyso bal ka fikir in aad meel wax lagu akhristo sameyso si looga faa’iideysto mustaqbalka. 

Fariin u gaara Hablaha iyo Hooyooyinka.

Maadaama ay haweenku yihiin macalinka koowaad ee caruurta waxaa wanaggsan in iyadu wax akhriska bilowdo, sidoo kale ilmaha intuu yaryahey eenu iskuul gaadhin in hooyada/aabuhuba wax u akhriyaan, marka uu gaadho heer uu akhriyi karana ay siiyaan wakhti ay dhageystaan oo ilmihu u akhriyo sheeko iyaga, arintan oo siisa caruurta qaayo aad u weyn kuna dhiiri galisa in ay akhriska sii kordhiyaan ayaa aasaasi u ah in bulsho wax akhrida lasoo saaro. 

Arinta labaad een haweenka ku guubaabin lahaa baa ah, bal kolka aad agabta(furnature) Aqalka iibsaneyso ee guriga qalabeyneyso ku soo dar mafrash buuggta la saarto(book shelf) Hana kawada dhigin guriga qolal sharaxan oo shaydaan seexdo habeekii (qolka aan la seexan qoom kalaa seexda) Ka fikir in aad qol u haneyso aqoonta. 

Waxaan ku soo gunaanadayaa maadaama ashrafal khalq oo ahaa Nabigeenii suubanaa scw la faray in uu wax akhriyo, waxay taasi noqoneysaa waajibaad ina saaran in aynu inaguna wax akhrino, ha lagu dadaalo wax akhriska oo uu ugu horeeyo Quraanku, maxaa yeelay qofka quraanka aad u akhriyaa maskaxdiisaa korodha fahmadiisuna way wanaagsanaataa, sidaa darteedna waxaa u fududaada akhriska waxyaabaha kale ee aqoon iyo waayo aragnimoba laga korodhsankaro. Aynu ku badalo Qaadka iyo Qolqolka in aynu buuggta qooraansino waa qasnad lama huraanee. 

Maqaalka kan ku xiga waxaan hoomaayi doonaa caruurta iyo akhriska Inshaallah. 

W/Q, Fardawsa Maax Xasan(Nimco) 

Kommentarer

Skicka en kommentar

Populära inlägg i den här bloggen

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.

Falan-qaynta maansada: Quruxda maansada Cabdi Adan (Qays) iyo Maxamed Ibraahin (Hadraawi) Q-3aad

Qaybtan oo ah qaybta ugu danbaysa ee "Falan-qaynta Maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays", waxa aan ku eegi doonaa dhawr maanso oo kookooban. Waxa aan sidii qormooyinkii hore, wax ka taaban doonaa kala duwanaanshaha maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays ee hadana labaduba yihiin kuwo la jecelyahay.

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto.