Fortsätt till huvudinnehåll

Inlägg

Visar inlägg från 2015

Ururka Qorayaasha Somaliland ee Iswidhan oo Hadhimo-sharafeed ku Qaabilay Duqa Magaalada Hargeysa oo ku sugan Isidhan.

Maalmahan waxa ku sugnaa carriga Iswidhan duqa caasimadda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Solteco). Haddaba, maanta oo ay taariikhdu tahay 20-12-2015, maalin Axad ah ayuu Ururka Qorayaasha Somaliland u sameeyeen Hadhimo ay ku qaabileen duqa caasimadda Somaliland ee Hargeysa. Bilawgiiba waxa sharraxaad guud ka siiyey UQS aasaaskiisii iyo ilaa maanta halka uu marayo guddoomiyaha ururka Sayid-Axmed M. Yuusuf. Waxa uu guddoomiyuhu sheegay in ururka la sameeyey 2003 dii, xilligaas oo baahida koowaad ahayd isku xidhka iyo iska warhaynta qorayaasha. 

Carwooyinkii Dhaqanka Soomaalida ee Qarniyadii 19aad - 20aad ee Yurub iyo Ameerika W/Q, Maxamed Baashe X Xasan

Qaar ka mid ah taariikhaynta lugihii ballaysinka u noqday ee laangooyada u sameeyay jidkii ay soo raaceen kooxo Soomaali ah oo Yurub iyo Ameerika u tacabbira xoogsi ahaan iyo dhagax-dhiggii u furfuranka Soomaalida ee dunida, dhammaadkii qarnigii 19aad iyo bilowgii qarnigii 20aad.  Boodhari Warsame, cilmibaadhe madaxbannaan, ayaa arrimahaas mid ka mid ah u kuurgalay oo daraaso ka sameeyey dhowaan (taariikhda kooxihii Carwooyinka Dhaqanka Soomaaliyeed ee Yurub iyo Ameerika).

Gunaanadkii iyo Gebagabadii Maalmihii Dhaqanka Soomaalida ee Stockholm 4-5/12/2015

Ilaahay baa mahadleh. Maanta oo taariikhdu tahay 06-12-2015 ayaanu sii nabadgelyeynay martidii ka timi daafaha Yurub. Waxa ay kala ahaayeen Cabdalle Shafey (Dhanmark) Nuuradiin (Norway), Nimco Nuur (Finland), Maxamed Baashe (UK) iyo Boodhari oo ka yimi caasimadda labaad ee Iswidhan. Dhammaantood waxa ay wakhtigooda qaaliga ah u soo hureen ka qaybgalka bandhiggii loogu magacdaray "Maalamaha Dhaqanka iyo Suugaanta ee Soomaalida". Kaasoo ka dhacay xaafadda Kista ee magaalada Stockholm.

Somaliska kultur- och litteraturdagar Stockholm den 4-5 december 2015 (Maalmaha Dhaqanka iyo Suugaanta Soomaalida)

Maalmaha 4 iyo 5 ee bishan Disambar, waxa loo suntay in ay noqdaan laba maalmood oo la kala faa'iidaysto wax badan. Kuma koobna dadka soomaalida oo qudha ee waxa loo gaaryeelay maalinta bishu tahay 4-12-2015 in dad waaya-arag u ah arrimaha bulshada, dhaqanka, farshaxannimada soomaalida oo iyagu dhalasho ahaan ka soo jeeda bulshada Iswidhishka, ay ka hadli doonaan mawduucyo kala duwan. Waxa xusid mudan in uu isla maalintaa Jimcaha markay saacaddu tahay 18:00 uu marti u yahay reer Stockholm qoraa caan ah, maansayahan, in badan wax ka oray bulshada, Maxamed Baashe Xaaji Xasan, oo ka iman doonna carriga ingiriiska, waxa iyaguna isla Jimcahaas qayb weyn ku leh barnaamijka fiidnimo Nimco Nuur oo ka iman doonta Finland iyo Cabaddale Shafay oo Dhanmark ka iman doona. Labadooduba waa qoraa, si gaar ahna xil isaga saara arrimaha carruurta iyo barbaarintooda.

Axmed Xasan Cawke IHN: "Cidhif Gees ka Gees Cawkeyare Waa Laga Yiqiin, Carriga Soomaale."

Innaalilaah Wa Innaa Ilayhi Raajicuun.  Geeridu waa Xaq.  Cidhif gees ka gees Cawke waa laga yiqiin Carriga soomaale Saaka subaxnimadii hore, anigoo shaqada jooga, oo markaa uun soo galay 6:30 ayaan yara jalleecay qoraal ku qornaa Facebuugga, oo sheegaya geerida Axmed Xasan Cawke, oo ku geeriyooday magaalaga Jigjiga. Wax yar ka dib, qoraallo aad u badan oo tacsida xanbaarsan ayaa sida daadka meel kasta aan ka halacsaday. Maalin kasta waa la geeriyoodaa, ee maxaa kala jaad ah. Inta badan, qofka dad badan ay garanayaan, maqalka iyo hadal hayntu waa ay ka badataa qofka aan dad badani garanayn. Ilaahay ha u naxariisto, Axmed Xasan Cawke, oo xalay xilli danbe ku geeriyooday magaalada Jigjiga ee Ismaamulka Soomalida Itoobiya. 

Mar Haddaan Muftaaxii Midigtaa ku Haysto" Xisaabtanka iyo Xaaladda Xisbiga Kulmiye

Xisbiga Kulmiye waa xisbiga dalka ka taliya. Xubinta ugu sarraysa ee xisbigu waa madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed M Maxamuud (Siilaanyo). Waxa kaloo jira guddoomiyaha xisbiga oo ah Muuse Biixi Cabdi iyo ku xigeenkiisa Maxamed Kaahin Axmed. Maalmahan danbe buuq joogsanwaayey baa dadkii ku dhegabarjoobeen. Yaab iyo amankaag, xaggee wax u socdaan? Afar musharrax baynu maqalnay oo guddoomiye Muuse ku jiro. Bilawgiiba saluuggii xisbiga dhexdiisa ayaa bilaabmay, meel xun ayuu markiiba gaadhay. Madaxweyne xigeenka oo isaguna markale u sharraxan ku xigeenkii uun ayaa dhaqdhaqaaqiisii muuqday. Waxa aan isweydiiyey, madaxweyne ku xigeenka yaa u diiday in uu markan isu sharraxo madaxweyne, mar hadduu soo maray ku xigeen, miyaanuu xaq u lahayn in uu dalka ka noqdo madaxweyne---mooyi.

Haamaha Shidaalka ee Berbera waxbaa Nooga Iftiimay! Danyar koris mise Deni kalkaal?

Maxamed Xaashi Dhamac oo ku magac dheeraa Gaarriye IHN, ayaa mar uu geeraar ka tiriyey dhibaatadii bilawgii sagaashanaadkii, waxa uu ku bilaabay: Hadraawoow In dhoweydba sidaydii ma ahaynoo, waxaan ahay nin arkaaya, maanka laagga ogsooniyo, Asaraarka dhexyaalla, Isha laacu u muuqdo. 

Caweys Xusuus Mudnaa! Kulankii Maxamed I Warsame (Hadraawi) iyo Bulshada Reer Stockholm 02 Juun 2015

Inkastoo aan dhawr jeer oo hore la kulmay abwaanka, caanka ah Maxamed I Warsame (Hadraawi) haddana caweyskii dorraad ee taariikhdu ahayd 02 Juun 2015, maalintii salaasada, xusuus gaar ah bay ii ahayd. Waan hubaa in ay in badan oo reer Stockholmna u ahayd. Hawshan oo ay soo abaabuleen hoggaanka Jaaliyadda Somaliland ee Stockholm, waxa ay ku beegnayd maalin shaqo, balse hawshii ay geliyeen Jaaliyad ahaan iyo dareenkii shacbiga reer Stockholm oo maqalka magaca Hadraawi, u dhegtaagay, waxa la soo buuxiyey golaha shacbiga ee xaafadda Rinkeby, ee magaalada Stockholm. Xilligii loogu talo-galay in la yimaaddo, waaba laga soo horreeyey. Waxa ay ahayd in barnaamijka la furo 18:00 laakiin waxaaba la sii joogay 17:00.

Si ballaadhan u feker! W/Q, Saddaam Xuseen Carab

Si ballaadhan u feker Bulshooyinka dunidu sida ay u kala ayaan badanyihiin, si la mid ah bay u kala hoog daranyihiin. Badhaadhaha ama baaba’ba bulsheed waxa uu xidhiidh toos ah ama dadban la leeyahay, heerka garashada iyo aqoonta bulshadaas. Kolkaa bulsho wali ba heerka aqoonteeda ayey kaga badbaaddaa ama ay u haleelaan colaadaha, gaajada iyo masiibooyinka kale ee noloshu. Aqoontana sideeda ba cidda xambaarsan ayaa ama fidiyisa oo tarmisa ama meel la yuurursata dabadeed iil la gasha.

Dareenkii reer Finland iyo debbaaldeggii 18 Mey (15-17 Mey) 2015 W/Q Sayid-Axmed M. Yuusuf

Maalmaha is daba socsda ee sunsumaya, waxa ay ku sii siqayaan gabaw iyo geeri. Qofka banii'aadamka ahi waxa uu noolyahay waa maalmo kooban. Waxaase lagu kala duwanyahay, ka tegidda raad xusuuseed oo wanaagsan iyo mid ku liddi ah. Qofku inta uu noolyahay, waxa uu bulshadiisa ku soo kordhin karaa wax farabadan, wuxuuna u dhimi karaa intaa in le'eg. Ilaahay baa mahadleh, igu soo simay 24 sannaddood ka dib in loo debbaaldego maalintii la go'aansaday in Somaliland ay gaar uga taagan tahay isku darkii lixdankii ay la midawday Somaliya. Bayd ka mid ahaa maansadii DIRSOOC ee Ibraahin Aw-Saleebaan (Gadhle) ayaa ahaa " Waar hooy! dadkaygoow dawladnimadaad diiqada u bixiseen, degdegsiinyo mooyee doqonniimo ma ahayn. 

Kumuu ahaa Malcom X? W/Q, Saddaam Xuseen Carab, Hargeysa/Somaliland

Kuma ayuu ahaa MalcomX?  “Haddii aanad u dhimanayn daraaddeed, erayga “xornimo” ka saar qaamuuskaaga” iyo “ haddii waxba aanad u noolayn, wax wali ba waa ay ku ridi karaan” . Baa ka mid ahaa halhaysyadii kartida iyo dhiirrigelinta lahaa ee Xaajiga. Midabkiisii madoobaa, sankiisii ballaadhnaa iyo timihiisii aan jilicsanayn awgood, Malcom iyo ciddii la sooc ahayd ba gunnimo badan bay kala kulmeen intii aan la midka ahayn. Koox lagu magacaabi jiray “ Ku Klux Klan” baa ahayd koox culayska ugu badan ay guud ahaan dadka madowga ah, gaar ahaan Malcom reerkoodu kala kulmi jireen. Ku Klux Klan waxa ay ahayd koox qarsoodi ah oo laga aas aasay koonfurta Maraykan 1866 kii , taas oo u dhisnayd tirtirka iyo la dagaalanka ololihii Jamhuuriga ee xuquuqsimidda madowga iyo caddaanka. Klan waxa ay ahaayeen koox aad uga soo horjeedda in qof madoobi la xuquuq noqdo mid caddaan ah.

Sheeko Xariirada iyo Farshaxannimadii Carruurta ee Maktabadda Skärholmen 03-05-2015/Axad

Ilaa bishii Jeeniweri ee sannadkan 2015 waxa ka socday Maktabadda Skärholmen, kulammo loogu talo galay kor u qaadidda aqoonta afsoomaaliga ee carruurta soomaalida ee deggan degmada Skärholmen iyo deegaanada ku xeeran. Inkasta oo ay jireen qoysas ka yimi meelo ka durugsan sida Jacopsberg. Carruurta oo markasta soo buux dhaafinayey goobta loogu talo galay in ay ku qaataan wakhtiga ay sheeko xariirada dhegaysanayaan ama iyagu sheekaynayaan, ayaa xiise dheeraad ah na gelisay haddaanu nahay

Buug Cusub: Talo Hore Baroor Ma leh! WQ, Amiin Xasan Cabdi

Buuggan waxa qoray Amiin Cabdi Madar, waxaanuu soo bixi doonaa dhawaan. Jidka ayuu ku soo jiraa. Amiin, waa qoraa da'yar oo qoray qoraallo farabadan oo ku saabsan wacyigelinta bulshada. Waxa sawirka ka muuqda wiil socdaal ugu jira, jid aanuu garanayn wax uu kala kulmi doono. Waa wiil tahriibaya, oo cagta saaray dhibaato ku dhammaan karta geeri naxdin leh. Hambalyo Amiin Xasan Cabdi Madar Nabad iyo caano

Helsinki iyo buugaagta Sayid-Axmed M. Yuusuf (Dhegey) 04-04-2015, maalinta Sabti.

Maalinta sabtida ee taariikhdu tahay 04-04-2015 waxa aad kula kulmi doontaa magaalada Helsinki ee carriga Finland Sayid-Axmed M. Yuusuf (Dhegey) oo soo bandhigi doona dhawr buug oo uu qoray. Si gaar ah waxa uu uga warrami doonaa buug dhawaan soo baxay oo ku suntan dagaalkii dhexmaray xukuumaddii Maxamed S. Barre iyo Jabhaddii SNM 1988-1991. Dagaalkaas oo xilligaa qarxay, waxa uu soo jiitamay in ka badan 10 sannadood. 

Debbaaldegga Maalmaha Fasaxa Ardayda ee 26-27 feberweri 2015ka iyo Skärholmen

Labada maalmood ee 26 iyo 27ka bishan aynu jirno oo ah bisha labaad ee sannadka 2015 waxa ka furmi doona, barnaamij loogu magacdaray (Dhaqanka iyo Farshaxanka Soomaalida) hoyga la magac baxay ANDRA HEMMET ee ku yaalla xaafadda Skärholmen oo ku taalla dhinaca koonfureed ee magaalada Stockholm. Maalmaha todobaadka soo socda waxa la fasaxaa ardayda si ay u sameeyaan ciyaaro---gaar ahaan barafka oo maalmahaa laga faa'iidaysto si loogu ciyaaro oo loo safro buuraha dhaadheer ee barafku ku gedaamanyahay. 

Geeridu waa xaq: Ilaahay ha u naxariisto Maxamed Axmed Kuluc

Qofkastaaba geerida waa uu dhadhamin doonaa. Shalay oo taariikhdu ahayd 17-01-2015 ayuu marxuum Maxamed Axmed Kuluc ku geeriyooday cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa. Maxamed Axmed, fanka masraxiyadaha ka sokow! waxa uu baal taariikheed ku leeyahay fan-halgameedkii kontomaadkii, markii maamulkii Ingiriisku joogay (Somaliland protectorate). Sida uu isagu sheegay ee dad kale oo xogogaal u ahaana ugu markhaati fureen, waxa uu halgan suugaaneedkaa ku mutaystay xadhig. Heesaha dhegtu jeceshay ee dhanka halgankii gobonimo-doonka, waxa uu kaga jiray safka hore. Aan maallo hasheena Maandeeq ayaa ka mid ahayd, Waabaa beryey bilicsan arooryo baxsan. IHN Marxuumka. Dhammaan bahda qorayaasha Somaliland, waxa ay tacsi u dirayaan qoyskii, qaraabadii iyo dhammaan dadka soomaaliyeed meel kastay joogaanba. In Ilaahay samir iyo Iimaan dhammaanteenba innaga siiyo aamiin. Marxuum Maxamed kama geeriyoon qoys iyo qaran keliya, ee waxa uu ka geeriyooday qoysas iyo Qarammo ----Tan iyo Jabbuut...

Aragtidayda Gorfayntii Buugga Colaadihii Geeska ee Khaalid !!! W/Q: Cabdirashiid Cismaan Xasan

Kacaanka qoraalka ee hadda iba-furmay iyo maan furanka bulsheed ee akhriska iyo qoraalka u hamuun qabtaa, waa ifafaale togan oo inoo binniixin kara hayaanka timaaddadu inuu san yahay. Dadku intaa wuu korayaa, garaad ahaan iyo aqoon ahaan ba. Qofkuna marka uu buug qorayo waa in uu maanka ku hayaa in bulshada uu buuggiisa ugu talo galayo ka aqoon iyo garasho badnaan karaan. Dadka buugaagta akhristaana ka sokow macluumaadka ay ka helayaan, waxaa ka iman karta falcelin iyo gorfayn ay ku sameeyaan dhiganaha ay akhriyeen.

Fal-Celin: Gorfoyntii Buugga Colaadihii Geeska ee Khaalid. W/Q: Cali Cabdi Coomay

Marka hore Khaalid waan uga mahadnaqaya Gorfaynta uu ku sameeyay buuga. Markii uu Khaalid iga codsaday inuu gorfayn ku sameeyo Buugga Colaadihii Geeska, waxaan filaayay inuu aragti caafimaad qabta ku gorfayn doono, oo anigu si daacadnimo ah ayaan ugu oggolaaday, balse maan ogayn inuu ku gorfayn doono qaab ku dhisan, cuqdad, cay, aflagaaddo iyo calool xumo. Anigoo Khaalid ku hambalyaynaya Gorfayntan Buugga iyo in si nabad ah wax la isugu sheego. 

Gorfeynta Buugga “Colaadihii Geeska ee uu qorey Cali Cabdi Coomay” W/Q Khaalid Jaamac Qodax

Nasiib ayaan u helay inaan ka mid noqdo marti sharaf lagu xusey iney ka hadlaan habeenkii buugga lagu soo bandhigaayey guriga shaqaalaha ee magaalada Hargeysa. Habeenkaasi ereygii aan xafladda ka idhi ayaa ahaa “ In akhristayasha aan ka mid ahey ay buugga akhriyaan, kana faalloodaan, si ay qoraha waxtar ugu yeelato kolka uu  daabacaadda dambe samaynaayo ”. Waayo, waayo-aragnimadii aan u lahaa buugaag badan ayaa keentey in aan sidaa ugu duur xulo qoraha iyo ka soo qeyb galayaashiiba.

Waa kuma abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)? Qormo kooban oo ka hadlaysa suugaanta abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)

Abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey), waxa uu ku dhashay duleedka degmada Bullaxaar ee gobolka Saaxil. Isaga oo kuray ah ayuu u   wareegay magaalada Berbera, waxaanu ka shaqayn jiray makhaayadaha   cuntada. Isaga oo ka hawlgalay makhaayaddii Cumar Isteeri. Muddo kadib waxa uu u wareegay magaalada Hargeysa, xilligaasi oo uu sheegay abwaanku in ay   ku beegnayd   xilligii ay inqilaabka wadeen Xasan-Kayd iyo raggiisii. Abwaanku, intii uu Hargeysa joogay, waxa uu ka shaqayn jiray hudheelkii loo yiqiinay Yuuniyanka ( Union). Mar danbe ayuu abwaanku ganacsi ka bilaabi goobtii loo yiqiinay Xerodhafta.