Fortsätt till huvudinnehåll

Inlägg

Visar inlägg från 2013

Cawayska Bandhigga Sooyaalka, Himilada iyo Hiigsiga Ururka Qoraaga Somaliland

Sheeko: Dhacdadii Daa'if W/Q, Saddaam Xuseen Carab ...................Hargeysa/Somaliland

Muddo ku siman toban sano ayaa laga joogay maalintii Jibriil godka ugu tagay ee uu ku gilgilay, dabadeed farriintii u horraysay u dhiibay. Muddadaas ba  Maka iyo qabiilkiisa baaq xagga Alle ah buu la daba joogay. Reer Quraysheed se dhag jalaq waa ay u siin waayeen. May ahayn sida dixdhagaxeed oo biyo lagu radinayo, se waa ka darnaayeen xagga dhego adaygga. Nin waalan, falalow, sixiroole iyo gabyaa dawakhay bay ku sheegi jireen Nabi Maxammed. Inyar ma ahane badi way u dhabarjeediyeen. Waanay la yaabi jireen. Yeedhmo kasta waxa ay ka qaadi jireen didmo kale. 

Laaxinjire: "Barnaamij aynaan horena u maqal horena u arag" Dedaalkii prof. Cabdiraxmaan C. Farax (Guribarwaaqo)

Waxa aynu maqli jirnay, Geeljire, Lo'jir, Adhijir, miyaad hore u maqashay Laaxinjire. Geeljire in uu geela jiro oo ilaashado, waa la wada yaqaan. Laaxinjroow maxaad raacdaa, xoolaha aad jiraysaa waa kuwee? Waxa aan ilaaliyaa Laaxinka. Aan sii jilciyo Laaxinaw maxaad ahayd? Maansayahanka soomaalidu, marka uu maanso tiriyo ha u qaadan in ay wada saxan tahay, marmarka qaar baa qalad ku jiraa. Qaladkaa ku jira ee dheelliga u keena maansada ayaa la yidhaa waa laaxin. Dhegtaa diidda meeshay xarfuhu dalab ku yeeshaan. Dalabtaas ayaa ah Laaxin. Waxa beri dhawayd soo baxay, balse muddo dheer laga shaqaynayey barnaamij ilaalinaya dheelliga maansada. Dabcan, waxa uu ku ilaalinayaa waa xeer lagu habeeyey barnaamijka oo salka ku haya miisaanka maansada "Aragtidii Gaarriye". 

Warsaxaafadeed: (01) 12/2013/ URURKA QORAAGA SOMALILAND

Ujeedo: Dhiirri-gelinta Akhriska iyo Qoraalka  Muddo haatan ku siman 10 sannadood, ayaa laga joogaa markii la aasaasay Ururka Qoraaga Somaliland. Waxa lagaga dhawaaqay magaalada Stockholm ee carriga Iswidhan. Xubnihii ku dhawaaqay waxa ay ahaayeen shan xubnood. Waxaase filashadu ahayd in dacallada adduunka la gaadhsiiyo, oo inta buugaagta qortay ay u noqoto dhiirrigelin, is kaashi, iska warhayn iwm. Waxaase jirtay waaya-aragnimo la'aan. Haddii la isku xidhmo oo la helo xubno badan oo ka mid noqda  Ururka , waxa rumoobi doonta himilooyinkii iyo yoolkii Ururka ayaa in badani ku taamaysay. 

Ogeysiis: Dib-udhac ku yimi barnaamijkii Raadraaca Suugaanta Abwaan Saxardiid M. Climi (Jebiye)

Ku: Guddoomiye Saleebaan M. Aadan (Geelle) iyo Guddida Joogtada ah ee Golaha Guurtida "Guurtiyeey garasho yeelo"

G olaha Guurtida Somaliland, oo ka soo unkamay shirkii Caddaroosh ee 1989kii, waxa uu keenay faa'iido aad u ballaadhan. Dadka qaar faa'iidadaasi uma muuqato, oo waxaabay u arkaan in golahaas aan looba baahnayn. Qolada diiddani, waxa ay ku eedeeyaan golahaasi, in aanay ku jirin dad aqoon leh. Waxa la yidhaa waa golaha kortdhinta aan sharciga ahyn!!. In badan oo aan ka mid ahayna waxa aanu golahaas u naqaannaa "Jooharaddii Somaliland heshay". Waa golaha badbaadinta, waa golaha, turxaan bixinta, waa golaha run ku dhaqmidda, waa golaha keliya ee xeerka dalka fahamsan. Xeerka dalku waa ka nabad ku wada noolaan-shaha beelaha dantu midaysay.

Farriin furan oo ku socota, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Axmed M. Maxamuud (Siilaanyo)

Marka hore, salaan iga guddoon, Asalaamu Calaykum Warraxmatullah Wabarakaatuh. Aan raacsado, bariido wanaagsan. "Aqalkaaga hortiisana oodweyn baa la dhigtaa, hadalkaaga hortiina afeef baa la dhigtaa". Maxaa igu dhaliyey in aan qoraalkan furan qoro?. Waxa aad saamayn ku leedahay ra'yigayga siyaasadeed si toosa iyo mid dadbanba. Waxa aan ku garaadsaday adiga oo ah wasiir. Berigaa wax intaa dhaafsiisan kama garanayn, waxaanse maqli jiray Axmed Siilaanyo, waa aqoonyahan, aad u dedaal badan. Maanta waxa aan ahay 46 jir, haddaan wax ii dheeraynba. Waxa aan maqlayaa, madaxweyne Siilaanyo ayaa isa soo sharraxaya shanta sanno ee da nbe. Maqalka aan maqlay, waxa ii soo baxday wax farabadan oo la is weydiin karo.

Xisbi Qaran baa ka horjoogsaday xisbi Qaran: "Qaranimada iyo xukuumaddu ha inoo kala soocnaato"

Dalalka Afrika iyo kuwa Carabta iyo dalal kaloo badanba ilaa maanta kama jirto Qaranimo luga ku taagan, ee waxa ka dhisan xukuumado iyagu ah wax walba. Somaliland waxa aynu jecellahay in ay ka guurto xukuumad keligeed ah oo ay u guurto Qaran dhisan. Qaran iyo xukuumadi, waa ay iska keen dhex galaan sababo badan awgood. 

Mar kale iyo Malmö (Maalintii dhaqanka iyo suugaanta iyo magaalada Malmö 30-11/2013)

Mar kale iyo magaalada Malmö. Waxa ay ahayd sannadkan bilawgiisii, markii ugu horreysay ee aanu tagnay magaalada Malmö oo ku taal cidhifka ugu koonfureeya ee carriga Iswidhan. Malmö iyo Kooban-heegan oo ah caasimadda Dhanmark, waxa loo kala socdaa wax ka yar 20 daqiiqadood, marka gaadhi lagu tegayo. 

Halgan-suugaaneed nool iyo heesihii xaadda dhaqaajin jiray Saxardiid Maxamuud Cilmi (Jebiye)

Bulsho kastaa waxa ay ku faantaa, sooyaalkeeda suugaaneed, taariikheed, halgameed. Markasta waxa jirey ama jira hal-door ku xardhan, arrimaha ummadi leedahay. Hal-doorkaasi, waxa ay ka helaan abaalgud, bulshada ay ka dhasheen. Ha noqoto, mid maal ama mid sharafeed. Dadka soomaalidu waxa ay isla qirsanyihiin in haldoorkoodu aanuu ka helin abaalkii ay ku lahaayeen. Taasoo lagu xidhiidhin karo kala qaybsanaanta bulsheed ee ragaadisay wax kasta oo dhanka togan loo qaadi lahaa. 

Ogeysiis: Maalinta suugaanta iyo dhaqanka soomaalida ee magaalada Malmö 30/11/2013, Sabti.

Marka ay taariikhdu tahay 30-11/2013 oo ah maalin Sabti ah, waxa ka dhici doona magaalada Malmö. Kulan-suugaaneed ay soo qaban-qaabiyeen Rugaha buugaagta ee magaalada Malmö.  Malmö oo ah magaalada saddexaad ee ugu weyn, dalka Iswidhan, waxa ku nool oo deggen dad aad u tiro badan oo soomaali ah. Sidaa awgeed baa Maktabadaha magaaladu diyaariyeen maalin u gaar ah soomaalida. Hawsha isku dubbaridka iyo agaasinkeedana waxa xoogga saaray oo ka midha-dhaliyey Cabdirasaaq Cismaan Shukri, oo ka mid ah saraakiisha ka shaqaysa Rugaha buugaagta ee Malmö.

Qalinka Xaqiisa mari! W/Q, Fardawsa Maax Xasan (Nimco)

Waxaan hada ka hor idinla wadaagay maqaalkii Akhri oo qaadka iyo qolqolka ku badel, waxaa xaqiiq ah in qoraalku ka da’ weyn yahey akhriska maxaa yeelay kolkii wax la qoraa la akhriyaa, sidaa daraadeed waxaan dib u jaleecayaa mafdaaxii akhriska oo ah QORAAKA. Sida aan taariikhda ku helnay waxaa ugu horeeyey dad wax qora dadkii ku dhaqnaan jiray Mesopotamia dadkaas oo ahaa kuwii ilbaxnimodu kasoo bilaabantey ayaa bilaabay in ay wax qoraan si xaga iibka iyo xisaabinta mushtarku ugu dhib yaraato. Waxase xogta xaga diinteenu inoo sheegtey in uu ahaa qofkii u horeeyey ee wax qora nabi Idiris calayhi salaam oo ahaa nabigii kusoo xigay nabi ahaan aabaheen Adam calayhi salaam. 

Hargeysa: Madal Lagu Daahfuray Diiwaanka Miisaanka Nolosha iyo Weedhihii Masuuliyiinta. W/Q, Siciid M. Gahayr

Munaasibad ballaadhan oo lagu daahfuray diiwaanka Miisaanka Nolosha ayaa xalay lagu qabtay Hotel Emperial ee magaalada Hargeysa waxaana ka soo qayb galay abwaanno, qoraayo, siyaasiyiin, macallimiin, ardayda jaamacada iyo dadweyne kale.

Habeen ka mid ahaa habeennada Somali Week Festival W/Q, Mustafe Aadan Nuur.../London-UK

Buugga afsoomaaliga lagu qoro iyo akhristihiisa soomaaliyeed waxaa dhexyaalla xayndaab weyn. Isma gaadhaan, oo buugguna qol buu ku daayimaa akhristuhuna cidluu fadhiyaa oo kuma baraarugo erayga qoran iyo wuxuu ka dheefi lahaa. Qorayaasha afsoomaaliga wax  ku qora tacab koodu wuxuu u baahan yahay in gacanta laga saaro akhristihii. Kolkaasi ayuu buugguna buug noqonayaa, qoruhuna uu ogaan karayaa farriintii uu buuggu siday heerkay taagnayd. Akhris ku guud ahaan waxa uu la mid yahay dhammaan baahiyaha kale ee nooluhu u baahan yahay goor walba. Weliba akhrisku waa baahi maalin leh ah ama goorwalba taagan.

Gorfayn: Buugga la magacbaxay "Dhaxalkii Gobanimada", ee ku saabsan IHN, Maxamed I Cigaal

Qoritaanka buug, waa aynu u oommanahay. Waana inoo farxad in aad aragto buugaag afsoomaali ku qoran oo maktabadaha adduunka yaalla. Waxa aan xasuustaa, maktabadaha magaalada Stockholm oo ay yaallaan buug ama laba---meelaha qaarna aan mid keliyaba laga helin. Beryahan danbe waxa soo buuxinaya Maktabadaha Sweden buugaag afsoomaali ku qoran. Waa inoo farxad, tayadoodu haba kala liidatee--dee bar bilaw wanaagsan baa muuqda. 

Cali Xasan Aadan (Banfas) IHN; Geeridu waa xaq. Weli xasuustayda kamay go'in... "Haddaanan, haddaanan Lixloow! gu'ga maanta la soo hadhin guusha"

Ugu horrayn, anigoo ku hadlaya, magacyga, ka qoyskayga, ka ururka qoraaga. Waxa aan tacsi u dirayaa qoyskii, qaraabadii iyo dhammaan bulshada afka soomaaliga ku hadasha, meelkastay joogaanba. Waxa aan uga tacsiyeynayaa, geeridii ku timi marxuum Cali Xasan Adan (Banfas) oo maanta ku geeriyooday magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland. Ilaahay naxariistii janno ha ka waraabiyo, aamiin ehelkii iyo qaraabadiisiina, samir iyo iimaan ha ka siiyo. Waxa ay ahayd dhammaadkii 1988kii (Bishii ma xasuusto) goor barqo ah, markii loo dareeray dhinaca waqooyi ee tuulada Dabaylweyne. Dabaylweyne, waxa auu ka tirsanyahay deegaanka soomaalida ee Itoobiya, waxaana deggenaa qaxooti farabadan oo ka soo qaxay Hargeysa iyo meelo kaleba. Waxa goobta isugu yimi dad aad u tiro badan, oo ku soo ururay, sidii ay u dhegaysan lahaayeen abwaanno iyo fannaaniin goobtaa ku soo bandhigay suugaan u badnayd guubaabo. 

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.

Xusuus hore iyo jiiftadii "Gobonimooy maxaad tahay?"

FG: Jiiftadani waxa ay soo baxday taariikhda hoosta ku xusan. Waase iga xusuus iyo wax is dabadhigga maansada qalin ku rimmiska ah ee beryahan xoogga badan, ee itaalka yar. Kaftan aan turxaan lahayn. Dooddan waxa sannadkii 2007da bilaabay Jamac Muuse Jaamac, oo carriga talyaaniga deggen, waxa uu xilligaa gacanta ku hayey buuggii "Gobonimo Bilaash maaha". Dooddanina waxa ay ka dhalatay buuggaa iyo Jaamac oo diiradda saaray erayga gobonimo iyo macnihiisa. 

Kayd Somali Arts & Culture and its partners will launch the Somali Week Festival 2013 (SWF) on Friday 18th October from 6pm at Oxford House, Dersbyshire Street, London, E2 6HG.

Throughout the evening, Mahamed Ibrahim ‘Hadraawi’, the internationally acclaimed poet and winner of the 2012 Prince Claus Award, will discuss the festival theme of ‘journey’, and reflect on related themes of migration, exile, isolation and discovery. He will be joined on stage by renowned writers and playwrights Ganey,  Bashir Goth and Said Salah Ahmed, and other artists and intellectuals. Together they will share their own personal adventures, and reflect on the impact of their journeys on their past and present literary works.

Habeen taariikhi ahaa: "Ururka Qoraaga Somaliland oo cashosharaf u sameeyey tartamaha jagada madaxweynenimo ee Somaliland Md. Jamaal Cali Xuseen".

Habeen taariikhi ah buu ahaa, habeenkii salaasaad ee taariikhdu ahayd 01-10-2013. Waxa ay ahayd bil bilawgeed, goob aad loo sii habeeyey bay ahayd, aadna loo qurxiyey. Waa goob ku taalla Stockholm dhinaceeda waqooyi. Waxa madasha ku sii diyaar ahaa, xubno ka tirsan Ururka Qoraaga Somaliland markay goorsheegtu ahayd 19:00. Waxa ay kala ahaayeen, Xubnaha goobta isugu yimi ee ka tirsanaa UQS, Cumar X. Bile Aadan, Yuusuf X. Cabdilaahi Xasan, Maxamed Xirsi Guuleed, Muuse Maxamuud Ciise iyo aniga oo ah Sayid- Axmed Maxamed Yuusuf. Xubnaha habeenkaa ku kulmay casha/sharafta waa ay bad-naayeene waxa aan ka xusi Md, Jamaal Cali Xuseen, oo ka mid ah bahda UQS, ahna u tartamaha jagada madaxweynaha Somaliland, Xildhibaan Ifraax Kirix, Dr, Maxamed Yuusuf iyo Sahra Axmed oo ku magac-dheer (Sahra-Halgan).

Dharaarihii tilmaannaa. " Taariikh muhiim ah oo ku saabsan geyiga soomaalidu degto"

http://farshaxan.com/His_Somaliland/Dharaarihii_Timaanaa/Dharaarihii_Tilmaannaa_9.mp3 Barnaamijkan kor ku xusan waxa soo diyaariyey bahda Farshaxan. Waxa inoo daadihinaya weriye Cabdisalaan Cumar Jeex (Abuhurayra). Waa barnaamij aad u qiimo badan, waxa uu iftiiminayaa wax farabadan oo aan hore loo faahfaahin. Sida SYL oo la odhan jiray SYC bilawgii, waxa mudan in la fahmo bilawga SYL iyo xubnihii markii danbne hoggaanka qabtay in ay kala jaad yihiin kala aragtina ahaayeen. U fiisro, haddii SYL ay la dagaalamaysay gumaysigii, maxaa soo celiyey talyaaniga? Waxa soo celiyey isla talyaaniga ayaa ka shaqeeyey in SYL ay noqoto, mid isaga ka amar qaadata. 

Sheeko Gaaban: Isagu wuu Fikiray!

Cidla aanu ci’ xolaad iyo cod dad midna ka soo gaadhayn ayuu salka ciidda saaray. Dabadeed sidii oo uu leeyahay dhulka, cagihiisii dhaadheeraa ku kala fidiyay isaga oo gacmahana gadaashiisa ciidda saaray. Indhihiisa caddaanka u dhashay, ee aanu waligood saxar taaban, ayuu ku fiiqayey cirka oo saafi aawadii badda u egaa. Kolkaas na nafis xoog leh ayuu dareemayey.

DUGSIYADAN DAMBE MA SAXAN YIHIIN? W/Q, Amiin Xasan Cabdi.

Dugsiyadan danbe waxay haatan shaqadoodu yihiin ardaygi wax baraan oo ay sidaasi ku dhaafaan.  Ardaydan danbe waxaa ka dhiman waxyaalo aad u badan, ardayda ardaydeenii wali ma yaqaanaan habka wax loo akhristo, habka wax loo qoro, sidoo kale habka ugu muhiimsan ee dugsiyadeena laguna arag oo ah {}.,?”:;-.

Diihaal-reeb: Milicsi kooban W/Q, Cabdiraxmaan Faarax Guri Barwaaqo

hal_aqoon@yahoo.com   Magaca buugga:  Diihaal-reeb Qore  :   Khaalid Jaamac Qodax Soosaare :   Qodax Publishers ISBN  :  978-1-105-51544-6 Inta bog : 219bog  www.lulu.com ______________   Hordhac:   Curinta maansadu innaguma cusba. Cid halbeegyadeeda taqaanse innagu yar. Deelqaaf iyo laaxin baa laga jiraa. Waxay ku kala geddisanyihiinna lama wada yaqaan. Xulashada ereyadu kaalinta ay ka qaadato tayada iyo cuddoonaanta tuducyada lama wada dareensana. Cid qexaysa ama tilmaamaysa mucda iyo macaanka ay maansada u yeeshana lama arko. Arrintu si kastaba ha ahaatee, haddii aan isu foodinno2 tuducyada dhawrkan gabay ee soo socda waxad dareemaysaa sida ay xulashada ereyadu kaalinta weyn uga qaadato cuddoonaantooda iyo tayada maansada: 

Faallo ku saabsan; Masraxiyad, la magac baxday "Hiil baan u baahnahay" W/Q, Saddaam Xuseen Carab

“Hiil baan u baahnahay”, masrixiyad ayey ahayd, waa la xiisaynayey. Masrixyad ayey ahayd oo gabadh baa curisay  iyana waa la sii  xiisaynayey. Ogaysiiska ruwaayadda “Hiil Baan u baahnahay” mareegaha iyo wargaysyada ayaa lagu sii baahiyey. Markaas ayaad iswaydiinaysay “Yaa hiilka u baahan”! iyo cid waliba way u baahantahay. 

Hore u soco, dib u soco, hore iyo dibba u soco. W/Q, Sayid-Axmed M Yuusuf (Dhegey)

Dib u soco, hore u soco, ...hore iyo dibba u soco. Waxa ay ku jirtay maanso ka mid ahayd maansooyinkii uu kaga qaybgalay Yuusuf Aadan, silsiladdii Deelleyda dhammaadkii todobaatanaadkii ilaa bilawgii siddeetamaadkii. Ilaahay ha u naxariisto Yuusuf Adan Allaale.

Waa maxay caqabada dadkeena ka hortaagan wax akhriska? W/Q, Farduus Maax Xassan.

Amar lasiiyo Nabi Mohamad scw waxaa ugu horeeyey akhir, Waxaynu ogsoonaheyn uu Nabigeenu ahaa Umi, waxana muu akhriyi jirin manuu qori jirin wakhtiga amarkan lagu soo dajey. Waxa kalee aan ka warqanaa in uu ahaa macalin inaga laynoosoo diray si aynu ugu dayano, ficil kasta oo uu sameeyo lana amrray waxuu ahaa cashar inaga laynoosoo mariyey si uu inoogu soo guddbiyo. Taasi waa kolka aan ka eegno dhinaca caqiidada iyo dhaqanka wanaagsan ee wax akhrisku leeyahey.  

Buugga Isdaahirinta Muslinka:- Hanti Ma Guurto ah oo Umada Soomaaliyeed leedahay.

Quruxda Farshaxanimadu ku jirto ee loo xardhay Jaldiga hore ee Buugga ee nashqadeeyuhu  isugu dhex miley  Sadexda  Midab ee anigu shakhsi ahaan aan xiiseeyo,waa huruud Dahabi ah oo lagu xardhay Basali khafiifa oo hadana hareeraha lagaga hadheeyay Buluuki, loo isticmaalay Warqad siisiibanaysa oo qaro adag,qurux iyo dhalaalna  ku sii kordhisay Midabada laga baaraan degay, inta aanan gorfayn Gudihiisa waxa la yaab igu noqday sida Mu’alifka  Buuggu uu shilinta uga guray Buuggan, waxaan u jeedaa Gofanaha Buugta Soomaaliyeed Dhameeyay ee ah dhinaca Higaadda oo aanay  Qorayaasha qaarkood xil iska saarin, tani ayaa noqon doonta mid ay tahay in lagaga dayan doono Mu’alifka.

Hargeysa iyo Bandhigga Hal-abuurka! W/Q, Saddaam Xuseen Carab

Sida bilaha iyo maalmaha, mirirrada iyo saacaduhu u kala barako badan yihiin ayey goobaha laftoodu na u kala ayaan badan yihiin. Goobtu waa Hargeysa – Hooyadii fanka oo mar kale casriga hal-abuurka hillaaciisu iftiimiyey- goortuna waa Jimce Barkhadle iyo 16 ka  Ogos ee sannadda 2013 iyo Guriga Shaqaalaha. Amar Ilaahay subaxdaa, jawigu wuu roobbanaa, waxaan maleeyay mayaygii dhulka maasheeyay in aanu kaliya deeq u ahayn noolaha, laakiin uu bandhigga hal-abuurka Hargeysa laftiisu qayb wayn ku lahaa roobkaa habeenkii furitaankiisa ka horreeyay magaalada biyo dhigay. Waayo wuxuu jawi qurux badan gayeysiiyay madasha iyo intii ka soo qayb gashay. Toddobaad dhiig joojin ah iyo tallaal loo wada baahan yahay ayaa si rasmi ah xadhiga looga jaray, ummadduna ku soo jabtay subaxdaas.

Xidhitaankii Carwada Buugaagta Soomaalida ee Stockholm 16-17 Ogos 2013 Hiddodhawr.org Somali Culture And Literature

Maalintii shalay oo ku beegnayd 17 bishan Ogos sannadka 2013, waxa si rasmi ah loo soo gebogabeeyay carwadii buugaagta Soomaalida Stockholm oo labadii cisho ee u danbeeyayba ka socotay xaafadda Rinkeby ee magaalada Stockholm. Carwadan oo ah mid sannadkiiba hal mar uu qabto ururka dhaqanka iyo suugaanta ee Hidhodhawr, ayaa  qabsoontay si heersare ah, aadna ay uga heleen dhammaan bulshoweynta ku dhaqan magaalada Stockholm iyo nawaaxigeedu.  Munaasibaddan oo si weyn loo soo agaasimay, ayna goobta ka soo xaadireen dadweyne  aad u faro badani ayaa ahayd mid ay ka soo qayb galeen qorayaal iyo hal-abuur tiro badani, kuwaasi oo  isaga kala yimid  waddamada Sweden, UK iyo Norway.

Halgankii Ummada & Hankii Maxamed Cali (IHUN) Qaybtii 1aad Mareegaha Farshaxan Ogoosto ,2013

                                                                Nimankii intay dhiidhiyeen wada dhalaalayey                  Nimankii naftoodii dhigayee dhiigu qubanayey                  Nimankii dhirta intay cunaan quud ka dhiganaayey                  Nimankii dalkiinuun dhacsada u dhalandhoolaayey                      Waar Allah ha u gargaaree guda abaalkooda                            ~~~~~~~~~                      Maatida ragii soo cesheen ciil ku dhimanaynin         ...

Kulankii Ururka Qoraaga Somaliland iyo Naadiyada Akhriska Somaliland 14-08-2013/ Hargeysa

Ururka Qoraaga Somaliland oo Bandhig u sameeyay Dhalinyarada Somalialand ee ku hawlan Qoraalka Buugaagta.  Ururka Qoraaga Somaliland ee Fadhigiisu yahay Wadanka Dalka Sweden ayaa Habeenkii Xalay ahaa Kulan ay si wada jira ah u soo qabanqaabiyeen iyaga iyo Naadiyada Akhristayaasha Dalku ku qabtay Hotel Imperial ee Magaalada Hargeisa. 

Waddo cusub oo u furantay Naadiyada Akhriska iyo Ururka Qoraaga Somaliland. W/Q, Khaalid Jaamac Qodax

Xalay oo taariikhdu ahayd 14-08-2013, (Maalintii Arbacada, habeenkii Khamiistu soo gelaysay, waxa aan ka qeyb galay kulan ay soo qaban qaabiyeen Ururka  Qoraaga Somaliland iyo Naadiyada Akhriksa ee Somaliland ka dhisan.  Kulankan oo ah kii noociisa ah ee ugu horreeyey ee waxtar leh ee aan  abid arko qoraayaal u heelan in ay dhiiri galiyaan da’ yarta soo  koreysa, ee rabta iney wax qoraan. Waxa madasha runti aan jeclahay  inaan u dhaafo warbixinno badan oo qurux badna oo laga qori doono, hayeeshee, waxa aan jeclahay inaan laba qodob uun ka horreysiiyo.

Ogeysiis, Ogeysiis kulan muhiim ah: Isku xidhka Ururka Qoraaga Somaliland iyo Naadiyada Akhriska

Kulankan oo ka mid ah abaabulka ama dhiirrigelinta dhinaca akhriska iyo qoraalka, waxa uu Ururka Qoraaga Somaliland, oo fadhiggiisu yahay Carriga Sweden, uu go'aansaday, in la sameeyo isku xidh Naadiyada Akhriska ee ka dhismay dalka Somaliland. Waxa hubaal ah in ay muhiim tahay isbarashada qorayaasha, akhristayaasha iyo qaybaha kale ee bulshadaba. 

Afur Wadareedkii Ururka Qorayaasha Somaliland iyo Naadiyada Akhristayaasha.

Waxa dhowaan lagu qabtay Hotel Almis ee Magaalada Hargaysa Kulan Afureed ay soo qabanqaabiyeen Ururka Qorayaasha Somaliland ee Fadhigoodu yahay Dalka Sweden, Kulankan oo ay Goob Joog ka ahaayeen Badiba Naadiyada ka Dhisan akhriska ee ka dhisan Dalka Gudihiisa ayaa waxa si qoto Dheer loo falanqeeyay sidii kor loogu qaadi lahaa Aqoonta Naadiyada u heellan Dhiiri gelinta Akhriska iyo Qoraalka. Qorayaasha Somaliland oo Qurbe iyo gudahaba, kulankan ka soo qayb galay ayaa Waxa Goob joog ka ahaa Qoraa Maxamad Xirsi Guuleed (Cabdibashiir) Xasan Cabdi Madar iyo Cabdillahi Cawad Cige. 

Xusuusqor hore---06-2009 (Kulankii Axmed M M Siilaanyo iyo Stockholm) 4 gu' ka hor

FG: Qoraalkani, waa 2009kii ---------------------------------------------------------------------------- Waxa laga joogaa 21 sannaddood markii heshiisku dhexmaray Maxamed Siyaad Barre iyo Mingistu Xayle oo kala hoggaamin jiray xukuumado kelitalis ahaa oo ka dhisnaa Jamhuuriyaddii Somaliya iyo Itoobiya. Heshiiskaasi markii uu dhacay waxa aan joogay magaalada Sheekh.  Bishii Labaad ee sannadkii 1988 ayaan ka soo kicitimay magaalada Muqdisho, waana lagu nabad qabay, waxa keliya ee dhegaha dadku ay maqlay een hadalhayntii xukunkii maalmahaa ku dhacay Ismaaciil Cali Abokor oo ahaan jiray madaxweyne ku xigeen iyo Cumar Carte Qaalib oo muddo dheer ahaa Wasiirkii arrimaha dibedda oo labadoodaba lagu xukumay dil iyadoo la sii daayey dhammaan xubnihii la xidhnaa oo ka soo jeeday koonfurtii Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed ee xilligaa.

Taariikhdii Maxamed I Cigaal--- buug cusub oo la magac baxay "Dhaxalkii gobonimada"

Buugga aad sawirkiisa aragto, waa buug lagu soo ururiyey taariikhdii Maxamed I Cigaal, oo ahaa hoggoomiyihii ugu horreeyey ee Somaliland 1960. Markalena noqday hoggaamiye Somaliland 1993kii ilaa 2002dii. IHNtee waxa lagu xasuustaa wax badan oo taariikhda ku xardhan. Buugga la magac baxay "Dhaxalkii Gobonimada" waxa aad ka heli kartaa meheradaha Sundus bookshop, Scaada-diin mini market iyo Saacid bookshop, oo ku yaalla Hargeysa/Somaliland Xigasho: www.somalilandtoday.com

Maxaabiistii Jeelka Mandheera iyo Saamayntii uu ku yeeshay dagaalkii 1988-kii. W/Q, Cabdirasaaq Ibraahin Kooshin

Bilawgii dagaalkii 1988kii waxa uu saamayn weyn ku yeeshay meel  kasta. Jeelashii dalka, ayaa ka mid ahaa meelihii uu saamaynta weyn  ku yeeshay, gaar ahaan jeelka weyn, ee Mandheera. Qoraaladan soo  socda waxa aynu faahfaahin buuxda ka helidoonaa, sida uu innoogu  soo gudbiyey Cabdirisaaq Sh. Ibraahin oo xilligaa ku xukunnaa

Somaliland ma go'aan Siyaasi baa mise waa mid Ummadeed?

Taariikh da’ weynoo, Degmadeenu leedahay,  Aan idiin dul-xaadshee, Lixdankii dadkaygow, Markaad Dawladnimadii, Diiqada u bixiseen, Deg-degsiinyo mooyee, Doqonniimo ma ahayn, Manaydaan dambaabine, Shanta kala dab-raacdaa, Dermo qudha ah u gogosheen, 

Maxamed Xirsi Guuleed "Qoraa helay dalkiisii dheh"

Maxamed Xirsi, buuggiisii labaad oo la yidhaa "Ragga toodii aragnaye, dumar talo ma laga dayey" ayaa igu hoggaamiyey in aan barto. Waxa aan bartay maktabad loo baahnaa, oo bulshada wax weyn ku soo kordhiyey. Waxa aan soo saaray wax yar ka dib buugga "Xorriyaddii lixdankii iyo xilligii ka horreeyey". Waxa aanu isku barannay, in aanu nahay isku bah. 

"Run sheeg ceeb sheeg noqoy" prof. Axmed Ismaaciil Samatar

Ramadaan Kariim, aflagaaddo ma fiicna, afxumona nabadna waa ay kaa kaxaysaa colaadna waxba kaagama tarto. Waa halkudhegyo soomaaliyeed. U malayn maayo in Prof. Axmed I Samatar qof la mid ah soomaalida uu ku dhex jiro, haddii uu jirona waa fara ku tiris. Qofka banii'aadamka ahi, waa uu qaldamaa, waase in uu qirtaa qaladkiisa, oo dib u saxaa. 

" Warqadda fasaxa dal-galka (visa) markii aan ka qaadanaynay Safaaradda Itoobiya, London, waxa dareenkayagu ahaa mid xiiso gaar ah leh"...Qoraal dhaxal-gal ah oo uu diyaariyey Ibraahin Meygaag Samatar IHN (21-03-2005).....

Marka laga hadlayo bilowgii halganka lama odhan karo waa wax sida makhaayad ama dukaan la furayo waqti go’an oo gaar ah bilaabmay. Ha jirto in rasmi ahaan ururkii SNM bishii April 1981 kii ‘London’ lagaga dhawaaqay. Laakiin colkayagii ilaa bilowgii la socday wuxu u ahaa maraaxil dheer oo isdaba jooga oo marxalad waliba wejigeeda, waajibaadkeeda iyo duruufaheeda gaarka ah leedahay.

Markay kooxi orgootaba ma asooli karaynee, abaal baan ku qabnaaye, ammaan uun ma helnaa...1992kii...Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye)

Cinwaaka kor ku xusan, waxa aan ka soo dheegay maansadii Ergo ee Maxamed Xaashi Dhamac IHN-tee uu ka tiriyey Badhtamaha magaalada Hargeysa 1992. Irfidaan geliyaa, iniin baan ku ridaa, oogso baan is idhaa waa layii arbacaa. Rag hadduu is afdhaafo, afkaa laysku gartaaye, is afwaajiya maaha. 

Geeridu waa xaqe, (Maktabad dhan baa gubatay) Taariikhyahan, Dhaqaaleyahan, Siyaasi, Aqoonyahan, dhaqanyaqaan …. ”IHN” Ibraahin Meygaag Samatar (1941-2011) W/Q, Sayid-Axmed M Yuusuf 02-02-2011

  Bismillaahi Al-Raxmaani Al-Raxiim Aslaamu calaykum warraxmatullaahi wabarakaatuh Qoraalka hoosta ku qoran, waxa aan qoray markii uu geeriyooday marxuum Ibraahin Meygaag Samatar. Si uu qoraalkanina u galo kaydka dhegey.blogspot.se ayaan ugu talo galay. Haddana kollayba geerida si guud in la xusuusnaado markasta waa lagama maarmaan. Marxuum Ibraahin Meygaagna Ilaahay naxariistii janno ha ka waraabiyo aamiin. ---------------------------------------------------------------------------------------

Maalmuhu kala tilmaamane maalintii Malmö iyo kulankii Ururka Qoraaga Soomaaliland 01-04-2013... W/Q, Sayid-Axmed M Yuusuf (Dhegey)

01-04-2013, Isniin Sayid-Axmed Maxamed Yuusuf (Dhegey) Stockholm/Sweden   Waxa ay ahayd maalin sabti ah, taariikhduna tahay 30-03-2013,fasax bay ahayd oo waa maalmihii nasashada, waxaase u sii dheeraa in maalintii jimcahana fasax la ahaa, welibana maalinta isniintana fasax la yahay. Fasaxyadaa is biirsaday baa sababay in xubno ka tirsan qorayaasha reer Stockholm gaar ahaan, xubno ka tirsan Ururka Qoraaga Somaliland, go'aansadeen in ay maalintaa u baxaan safar dheer oo ka bilaabmayey magaalada Stockholm ilaa Malmö. 

Falan-qaynta maansada:- Quruxda iyo farshaxannimada maansada IHN-tee, Ibraahin aw Saleebaan (Gadhle) "Maan fayaw ha ceebayn, ha marmarin waxaan jirin,"

Tuke sugula, haad soo serdamey, salamadhlaa duula Abeesada sakaarada liqdiyo soongurkiyo yeyda Maska sululuxleeyiyo abguri, surinka noo jiifta. W/C, IHN Ibraahin aw Saleebaan (Gadhle)

Maalin aan la Ilaawi karin: Socdaalkii Ururka Qoraaga Somaliland ee magaalada Örebro 28-12-2011. W/Q, Sayid-Axmed Dhegey

Maalintii Isniinta ee bisha Baldaaq ahayd 26ka ayaanu u socdaalnay magaalada Örebro oo ah magaalo aad u weyn. Markay saacaddu cagacagayneysay 11 kii gelinkii hore baanu ka baxnay magaalada Stockholm. Waxa ay ahayd maalin fasax ah oo dhammaan fasax laga ahaa shaqada iyo dugsiyadaba. Waxa aad noo xiise gelisay sidii uu ahaa jawiga ama hawada Stockholm oo ahayd mid diirran oo aan xilligaa looga baran in heerkulku intaa ahaado. Waxa la sugaa xilliga jiilaalka bishan oo kale in heerkulku hoos u dhaafo 20 digrii.

Faallo: "Hal aan ogaaday" waa buug cusub oo soo baxay 2012

Buugga la magacbaxay "Hal aan ogaaday" waa buug kooban, laakiin farriinta uu gudbinayaa waa mid ballaadhan. Waxa qoray Axmed-Keyse Cali Rooble oo horena u qoray buug la yidhaahdo "Hal kaga dayo". Qoraa Axmed-keyse waxa uu magacbixintan u adeegsaday qaab taxane buugaag ah oo aad magacyada ka dheehan karto. Buuggu waa mid jeldigiisu adagyahay oo aan si yar ku duugoobayn. Waxa ku sawiran jeldiga hore sawirka qoraaga. 

ALIF waa warside ka soo baxa Stockholm afar jeer sannadkii, waxa soo saara Ururka Qoraaga Somaliland oo fadhiggiisu yahay Sweden

Tirsiga 2-aad, gu'ga 4-aad ee ALIF, ayaa soo baxay 16-07-2013, kana soo baxay magaalada Stockholm. Warsidahan waxa inta badan lagu soo bandhigaa qoraallo ku saabsan suugaanta, taariikhda, dhaqanka iyo aqoonta laamaheeda kala jaad-jaadka ah. Waxa soo saara Ururka Qoraaga Somaliland oo fadhiggiisu yahay magaalada Stockholm ee carriga Sweden. 

Falan-qaynta maansada: Quruxda maansada Cabdi Adan (Qays) iyo Maxamed Ibraahin (Hadraawi) Q-3aad

Qaybtan oo ah qaybta ugu danbaysa ee "Falan-qaynta Maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays", waxa aan ku eegi doonaa dhawr maanso oo kookooban. Waxa aan sidii qormooyinkii hore, wax ka taaban doonaa kala duwanaanshaha maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays ee hadana labaduba yihiin kuwo la jecelyahay.

Siirada Rasuulka Q-1aad.....................W/Q, Axmed Ceelaabe

Waxaan markaa soo qaadaneynaa qaybta ugu horreysa ee ay culimada islaamku isku waafaqsan yihiin dhabnimadeeda hadday noqon lahaayeen kuwii hore iyo kuwii dambeba, waxaana weeye sidatan:  Maxammed binu Cabdullahi binu Cabdimudhalib (Shaybah) binu Haashim (Camar) binu Cabdimanaaf (Muqiira) binu Qusayi (sayd) binu Kilaab binu Murra binu Kacab binu Nadar (Qays) binu Kinaana binu Khuseyma binu Mudrik (binu Ilyaas binu Mudar binu Nisaar binu Macad binu Cadnaa.

Is-xasuusin: Baaq ay direen reer Sweden ka dib geeridii IHN-tee Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye) 16-10-2012 Stockholm/Sweden

Sidii loo ballansanaa maalintii Axadda ee taariikhdu ku beegnayd, 14/10/2012 ayaa la isugu yimi Xaafadda Tensta, hoolka weyn ee loo yaqaan Tensta Träff. Waxa ka soo qaybgalay kulankaas dad badan oo ka kala yimi xaafadaha Stockholm. 

Rawaayaddii Xorriyo: "Dadka furihii kama uu lumin ee abwaan Sangub baa gorayo u heesay" W/Q, Sayid-Axmed Dhegey ....08-11-2011

Qoraalkan hoose waxa aan waxyar ka taabanayaa waraysigii uu Maxamuud C. Sangub siiyey Hadhwanaagnews isagoo Jabuuti jooga. Qofkii garaad lahaa wuu garanayaa dareenkii jiray xilligii ay soo baxday Rawaayaddii Xorriyo 1980-kii. Waxa ay ahayd horraantii siddeetankii, oo lagu jiray xaalad kala guur ah. Waxa dhammaaday dulqaadkii dadka, waxa gunta la soo taabtay weel madhan oo ahaa xukuumaddii uu horjoogaha ka ahaa Maxamed Siyaad Barre.  

Maamulka shirkadda miyaa igu aamini weydeen? "gacmaha ayuu dhabanada saaray! / 13-07-2010

Waxa uu fadhiyaa barandaha aqalkiisa, waa uu yaabbanyahay. Dhabanada ayuu gacmaha saaray, waanuu maqanyahay, balse, waa kan fadhiya ee kursiga quruxda badan ku fadhiya. Goor danbe ayuu ku war helay " Waar shaaha maxaad u cabbi weyday sawkan qaboobay!" oo ay xaaskiisa oo ag fadhida ku leedahay,----Yaa oo miyuu qaboobay, dee mid kale ii keen--- maxaan kuu